Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi

Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi

Share

This page is exact page right now

18/08/2026

Hambalyo Mudane Cabdulqadir maxamed xasan

18/08/2026

GUUL IYO HAMBALYO

Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi ayaa maanta si sharaf leh uga qeybgalay doorashadii lagu dooranayay Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir .
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Mudane Guddoomiye Cabdulqadir maxamed Xasan oo markii 3aad ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Midowga DugsiyadaGobolka Banaadir.
Mudane Guddoomiye waxaa lagu yaqaan hoggaan wanaagsan, daacadnimo, dulqaad, karti iyo dadaal joogto ah, gaar ahaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta waxbarashada iyo mideynta bahda waxbarashada Gobolka Banaadir.
Guushiisa mar kale waxay muujinaysaa kalsoonida iyo taageerada ay bahda dugsiyadu u hayaan hoggaamintiisa iyo waxqabadkiisa.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu xilka cusub u fududeeyo, kuna garab galo.

15/08/2026

Hambalyo Dhamaan Maamul,macalin iyo waalid waxaan Hambalyo leenahay Ardaydeena Qiimaha Badan Ee Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi Oo si guul iyo gobanima leh ugu wada Guuleystay Imtixaankii Qaranka Fasalka 12aad Ay Qaaday Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Photos from Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi's post 15/08/2026

Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi Ayaa xaadir ku ah Goobta Shaacint Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Fasalka 12aad Guuleysta Ardaydeena.

13/08/2026

Wasiirka Wasaarada waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Farah Sheikh Abdulkadir Ayaa sheegay Maalinta Shaacinta Natiijada Dugsiga Sare oo Ah Sabtiga Soo socda 15ka Bisha August 2026.
Guul Ayaan U Rijeyneynaa Ardaydeena Guuleysta.

Photos from Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi's post 11/08/2026

KA-QAYBGALKA TABABARKA HORMARINTA XIRFADAHA HOGAAMINEED

Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi ayaa shalay si sharaf leh uga qayb galay Tababarka (Horumarinta Xirfadaha Hoggaamineed Ee Maamulayaasha Dugsiyada Gobolka Banaadir)
Tababarkaan oo si Wanagsan loo soo qabanqaabiyey ayaa waxaa iska kaashaday Rasmi Center iyo Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir waxaana diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta, xirfadaha hogaamineed, maamulka dugsiyada iyo sidii loo xoojin lahaa tayada hogaaminta iyo waxbarashada.
Dugsiga imaamu Sakhaawi wuxuu mar walba muhiimad gaar ah siiyaa horumarinta aqoonta iyo xirfadaha maamulka, macallimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada.

04/08/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH

Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi wuxuu la wadaagayaa dhammaan waalidiinta sharafta leh, ardayda qaaliga ah iyo bulshada inteeda kale in Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir uu si rasmi ah u shaacin doono natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad maalinta Axadda, taariikhdu markay tahay 09/08/2026.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Dugsiga Imaamu Sakhaawi, guul, natiijo wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.

22/07/2026

Waxaa maata Oo Arbaca Ah Taariikh 22- July diyaar Ah Natiijadii Ardayda Naqliga Ah Ee Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi.

Photos from Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi's post 19/07/2026

Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi waxaa sharaf u ahaa ka qaybgalka Shirweynaha Isbedelka Waxbarashada Gobolka Banaadir 2026.

Ka qaybgalka shirkan wuxuu muujinayaa sida ay nooga go'an tahay horumarinta tayada waxbarashada, wadaagga fikradaha cusub, iyo la jaanqaadida isbedellada casriga ah ee waxbarashada.

Waxaan u mahadcelinaynaa Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo dhammaan qaban-qaabiyaasha shirkaan qiimaha Badan.

Photos from Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare Ee imaamu-sakhawi's post 10/07/2026

Sawirada Final Examination Sanad dugsiyeedka 2025-2026.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Degmada Warta Nabadda Xaafada Xamar Bile
Mogadishu