Xafiiska Arrimaha Ardayda Jaamacadda Soomaaliya

Xafiiska  Arrimaha  Ardayda Jaamacadda Soomaaliya

Share

What a school thinks about its library is a measure of what it feels about education.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 06/03/2026
07/02/2026

𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐢𝐢𝐬 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡
Dhammaan ardayda Jaamacadda dhigata waxaa lagu wargelinayaa in bisha barakaysan ee Ramadaan, hadii Alle idmo, la qaban doono Tartanka Quraanka Kariimka ah.

Sidaa darteed, ardayda danaynaysa ka qaybgalka tartankan kheyrka iyo ajarka badan leh waxaa lagu wargelinayaa in ay isu diyaariyaan ka faa’iidaysiga fursaddan dahabiga ah.

Fadlan iska diiwaangeli link-ga hoose:
🔗 https://stdaffairs.uniso.edu.so/participate.php

Photos from Xafiiska  Arrimaha  Ardayda Jaamacadda Soomaaliya's post 23/10/2025

Hormuudka Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa tababar muhiim ah u qabtay Hoggaanka Midowga Ardayda (MAJSO) cinwaankiisuna yahay “Doorka Hoggaamineed ee Midowga iyo Horumarinta Ardayda.”
Tababarku wuxuu xoojinayaa aqoonta, wada shaqeynta, iyo doorka hoggaamineed ee ardaydu ku leeyihiin horumarinta jaamacadda iyo bulshada.

Photos from Xafiiska  Arrimaha  Ardayda Jaamacadda Soomaaliya's post 11/10/2025

Daahfurka Ololaha “Ogow Nooca Dhiiggaaga”
Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 October 2025, waxaa si rasmi ah Xarunta 21 Janaayo looga daahfuray Ololaha “Ogow Nooca Dhiiggaaga, kaas oo ay iska kaashanayaan Hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda MAJSO iyo Isbitaalka Jaamacadda Soomaaliya (UNISO Hospital).
Ololahan ayaa ujeeddadiisu tahay in ardayda Jaamacadda lagu wacyigeliyo muhiimadda ay leedahay in qofku barto nooca dhiiggiisa, si ay u fududaato helidda adeegyada caafimaad ee degdegga ah iyo ka qaybqaadashada samafalka dhiig bixinta.
Inta lagu jiro ololahan, ardayda Jaamacadda waxaa si bilaash ah loogu samaynayaa baaritaanka nooca dhiigga (Blood Group Test), iyadoo howlgalka si hufan u fulinayaan xeeldheerayaal caafimaad oo ka socda Isbitaalka Jaamacadda, kuwaas oo garab ka helaya Midowga Ardayda MAJSO.
💪 Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) waxay mar walba ku faantaa dhiirrigelinta caafimaadka, is-kaashiga iyo adeegyada bulshada ee ay ardaydeedu hormuudka u yihiin.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 08/07/2025

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) gaar ahaan qeybta Sheybaarka ayaa qabatay adeeg caafimaad oo isugu jiray baaritaanno caafimaad, wacyigelin bulsho iyo daawo bixin bilaash ah, kuwaas oo loo sameeyay qoysas barakacayaal ah oo ku nool xeryaha duleedka magaalada Muqdisho.

Ujeeddada ayaa ahayd in la gaaro bulshooyinka nugul ee aan helin adeegyada caafimaad ee joogtada ah, iyadoo la siinayo daryeel caafimaad oo degdeg ah, la ogaanayo xanuunnada ay qabaan, lana siiyo daawooyin bilaash ah.

Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) waxaa mar walba ka go’an u adeegidda bulshada iyo horumarinta caafimaadka guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 04/07/2025

Shaacinta Rasmiga ah ee Natiijada Doorashada Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya"MAJSO"

Xafiiska Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa natiijada doorashada Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya (MAJSO) 2025.

Doorashadan oo ku dhacday jawi xasiloon, tartan xor ah, iyo cod ardaynimo, waxay markhaati u tahay biseylka codbixinta iyo kalsoonida ardayda ee nidaamka doorashada.

Musharrixiinta Guuleystay:
Guddoomiye: Ayuub Ahmed Gacal
Guddoomiye Ku-xigeen: Yahye Mohamed Ibrahim

Dhamaan maamulka, macallimiinta, iyo ardayda Jaamacadda Soomaaliya waxay u hambalyeynayaan musharrixiinta guuleystay, waxaana si gaar ah loogu mahadcelinayaa Dhammaan musharrixiintii kale ee tartamay, Ardaydii si mas’uuliyad leh u codeysay iyo Guddiga

Photos from University of Somalia - UNISO's post 01/07/2025

Doodda Musharrixiinta MAJSO 2025 oo Si Guul Leh u Qabsoontay

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Luulyo 2025 waxaa si rasmi ah u qabsoontay dood-wadaaggii musharrixiinta u tartamaya xilalka Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya (MAJSO).

Dooddu waxay ahayd mid si qurux badan u dhacday, ayada oo musharrixiintu si furan ula wadaageen ardayda aragtidooda, qorshahooda hoggaamineed iyo ajandayaashooda doorasho.

Ardayda Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) waxay muujiyeen ka-qaybgal firfooni leh iyaga su’aalo miisaan leh, iyo xiise gaar ah leh waydiiyay musharixiibta u tagaan Hogaanka Midowga ardayda MAJSO.

MAJSO 2025 – Codkaaga Waa Awood.

30/06/2025

DOOD-WADAAGGA MUSHARRIXIINTA MAJSO 2025

Xafiiska Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa in la qaban doono dood-wadaagga musharrixiinta u taagan doorashada MAJSO 2025.

Dooddani waxay fursad siin doontaa musharrixiinta in ay si furan u soo bandhigaan aragtidooda, barnaamijkooda hoggaamineed iyo qorshayaashooda horumarineed. Sidoo kale, ardaydu waxay heli doonaan fursad ay ku weydiiyaan su’aalo toos ah, si ay codkooda ugu dhiibtaan si xog ogaal ah.

“Maanta Dood – Berri Hoggaan!”
🗳️ MAJSO 2025 – Codkaaga Waa Awood!

30/06/2025

Hadal Jeedinta Musharax Gudomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya"MAJSO" Mudane Mohamed Burhan

30/06/2025

Hadal Jeedinta Musharax Gudomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya"MAJSO" Mudane Said Abbas Hamze

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


MakaAlmukarama
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:30 - 17:00