Faculty of Medicine-Mogadishu University

Faculty of Medicine-Mogadishu University

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Faculty of Medicine-Mogadishu University, Education Website, Mogadishu.

Photos from Mogadishu Heart Center's post 05/12/2025

Waxaa guul wayn ah Hormuudka Kulliyada Dr. Mohamed Ahmed (Pediatric Cardiologist, Nairobi) iyo Dhakhaatiirta Mogadishu Health Cluster oo si guul leh u sameeyay (pericardiocentesis) loogu sameeyay bukaan ilmo ah oo xaalad degdeg ah (Cardiac Tamponade).
Isbitaalka Yashfiin ee Hooyada iyo Dhallaanka – Garowe



Photos from Mogadishu Health Cluster's post 04/12/2025

Magaalada Garowe, isbitaalka yashfiin ee hooyada iyo dhalaankal, ayaa markii ugu horreysay lagu sameeyay qaliin looga shubayo biyaha ku hareeraysan wadnaha (pericardiocentesis) bukaan ilmo ah oo wadne xanuun qaba
Bukaanka oo xaalad degdeg ah (Cardiac Tamponade) lagu keenay ayaa lagu sameeyay qaliinka, ALLE mahaddiisna si guul leh ayuu ku dhammaaday.

Qaliinkan wuxuu calaamad u yahay horumar caafimaad oo muhiim ah, maadaama adeegyo sidan oo kale ah h**e loogu baadi-goobi jiray magaalooyin kale ama dalal ka baxsan.
Waxaa qaliinkan fuliyey
Dhaqtarka wadnaha caruurta ee Dr Mohamed Ahmed Nairobi
Iyo team dhameystiran.

Dhakhaatiirta Mogadishu Health Cluster ayaa Muddo Asbuuca kafulinayo qalliimo iyo daaweyn isbitaalka Yashfiin iyo Carafaat ee magaalada Garowe.

heart center
cardiology
health cluster

26/11/2025

Hambalyo Deeq Xassan Maxamad(5th Year MBBS) oo loo Doortay Gudoomiya ku xigeenka Golaha Dhexe Ee ururka ardayda Jaamacadda Muqdisho UMUS

Hambalyo, Deeq Xasan Maxamed oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Ururka Ardayda Jaamacadda Muqdisho-UMUS.

21/11/2025

HAMBALYO HAMBALYO

Dhammaan Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliimada ee Jaamacadda Muqdisho waxay u hambalyeynayaan Dr. Ahmed Isse Ali, oo ka mid ah macalimiinta kulliyadda, kaas oo ku baasay imtixaanka caalamiga ah ee MRCP(UK) SCE Dermatology.

Mar kale, hambalyo Dr. Ahmed!
Alle ha kuu barakeeyo aqoontaada, hana kuu siyaadiyo guul iyo horumar dheeraad ah.

Photos from ‎Mogadishu University  جامعة مقديشو‎'s post 20/11/2025

Hambalyo, Guuleystiyaasha Golaha Dhexe ee UMUS ku matali doona Kulliyadda Medicine.

Photos from Faculty of Medicine-Mogadishu University's post 06/11/2025

Hambalyo dhaqaatiirta MBBS Batch 7

03/11/2025

Kulliyada Daawaynta iyo Qaliinka waxay ku faraxsan tahay inay shaaciso ardayada kaalinta ugu sarreeya ka gashay ee sannadkan 2025 ka qallinjebinaya kulliyada.

Ardayadan ayaa muujisay dadaal iyo karti heer sare ah, taasoo ka tarjumeysa heerka ay gaartay iyo kor u qaadista himilooyinkeeda, mar kale hambalyo.


(Batch 7)

26/10/2025

Hambalyo!

Bahda Jaamacadda Muqdisho oo isku duuban waxay u hambalyeynayaan Dr Farah Abdullahi Ismail, oo si guul leh uga gudbay imtixaanka MRCPCH Part 2 (Applied Knowledge in Practice – AKP) ee Membership of the Royal College of Paediatrics and Child Health – UK* 🇬🇧.

Guushan qiimaha badan waxay marag u tahay dadaalka joogtada ah, aqoonta qotada dheer, iyo hal-abuurka cilmiyeed ee Dr Farah.

Jaamacadda Muqdisho waxay u rajaynaysaa Dr Farah, guul ka sii waaweyn mustaqbalka, gaar ahaan heerka ugu dambeeya ee shahaadada MRCPCH.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu
252