19/03/2026
🌙 Eid Mubarak! 🌙
Naadiga Ardayda ka Qalinjabisay Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur waxay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fitr u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta, meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan Alle ka baryaynaa in uu naga aqbalo soonkii, salaaddii, sadaqadii, iyo dhammaan camalladii suubanaa ee aan soo gudannay bisha barakaysan ee Ramadaan, nagana yeelo kuwii ka faa’iidaystay kheyrkeeda.
Waxaan idiin rajaynaynaa Ciid farxad leh oo ay hareeyeen nabad, barwaaqo, iyo caafimaad. Ilaahay ha inagu gaarsiiyo Soonkaan soonkiisa kale annagoo caafimaad qabna, qalbiyadeennuna ay ku mideysan yihiin jacayl, is-ixtiraam, iyo walaaltinimo.
Ciid Mubaarak! 🌙💛
09/03/2026
Gabagabada Tartan Aqooneedka “Aqoon-Kaal” Muqdisho, Soomaaliya –
Naadiga Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay Tartan Aqooneedka “Aqoon-Kaal” , oo ahaa tartan loogu talagalay kor u qaadidda aqoonta, dhiirrigelinta waxbarashada, iyo xoojinta tartanka caafimaadka qaba ee ardayda.
Tartankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Naadiga Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur , isla markaana uu taabba-geliyay Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur , ayaa socday muddo dhowr maalmood ah, waxaana ka qayb galay kooxo kala duwan oo ka socday ardayda ka qalin jabisay dugsiga. Intii uu socday tartanku, ardaydu waxay muujiyeen karti, dadaal, iyo aqoon sare oo ku aaddan dhinacyada kala duwan ee waxbarashada.
Ugu dambayn, Kooxda Hayaan ayaa ku guuleysatay Kaalinta Koowaad , kaddib tartan adag oo ay la galeen kooxaha kale ee ka qayb galay. Kooxaha guuleystay waxaa la guddoonsiiyay abaalmarino ay ka mid yihiin lacag iyo shahaadooyin sharaf , si loo dhiirrigeliyo guusha ay gaareen.
Maamulka Naadiga Ardayda Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur ayaa uga mahadceliyay dhammaan ardaydii, guddigii tartanka, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda iyo guusha tartankan. Sidoo kale, naadigu wuxuu ballanqaaday in mustaqbalka la sii wadi doono abaabulka barnaamijyo iyo tartamo aqooneed oo la mid ah “Aqoon-Kaal” , si loo horumariyo aqoonta iyo kartida ardayda indhoolayaasha.
Ugu dambayn, Naadigu wuxuu ku boorinayaa ardayda inay sii wadaan dadaalka waxbarasho iyo raadinta aqoonta, maadaama aqoontu tahay furaha horumarka qofka iyo bulshada. — Dhammaad — Naadiga Ardayda Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur Muqdisho, Soomaaliya.
23/02/2026
Naadiga Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay tartan aqooneed cusub oo loogu magac daray “Aqoon Kaal.” Tartankan oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadista aqoonta, dhiirrigelinta tartanka suuban, iyo kobcinta hibada ardayda, waxaa soo qaban-qaabiyay Naadiga Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur, iyada oo ay taaba galintiisa iyo qabashadiisa iska kaashadeen Maamulka Dugsiga iyo naadiga.
Daah-furka tartanka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Guud ee Naadiga Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur, kaas oo khudbad dhiirrigelin leh u jeediyay ardayda, kuna boorriyay in ay si firfircoon uga faa’iideystaan fursaddan aqooneed.
Kulankii ugu horreeyay ee tartanka ayaa dhex maray kooxaha kala ah Abuubakar Sadiiq iyo Surad . Kadib ciyaar xiiso badan oo tartan adag leh, guusha waxaa hanatay kooxda Surad , halka kooxda Abuubakar Sadiiq ay ku dhammeysatay afar (4) dhibcood.
Tartanka “Aqoon Kaal” ayaa la filayaa inuu noqdo mid wax weyn ka tara horumarinta aqoonta, kobcinta isku-kalsoonaanta ardayda, iyo xoojinta wada-shaqeynta Naadiga Ardayda Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur.
21/02/2026
NAADIGA DUGSIGA INDHOOLAYAASHA EE AL-NUUR
Isku aadka tartanka aqoon-kal
Surad. Va Abuuukar
Israac. Vs Xidigaha
Hayaan vs hiigsi
18/02/2026
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Naadiga Dugsiga Indhoolayaasha ee Alnur wuxuu halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed mmeel kasta oo ay joogaan, munaasabadda bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa bil kheyr iyo naxariis ku tilmaaman, sidoo kale waa bil la aqbalo ducada, loona danbi dhaafo kuwa sooma.
Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in uu inaga dhigo kuwa si daacad ah u sooma, salaadda ooga, Kitaabka Alle akhriya, cibaadada badiya, isla markaana wanaagga ku dadaala. Ilaahay ha inaga aqbalo cibaadadeena, soonkeena, sadaqadeena, iyo camalkeenna suuban.
Waxaan kaloo u ducaynaynaa dhammaan walaalaheenna Muslimiinta ah ee dhibaataysan, gaar ahaan kuwa aan awoodin inay si sahlan u helaan cunno iyo hoy. Ilaahay ha u fududeeyo, ha u naxariisto, hana siiyo fursad ay Ramadaanta ugu cibaadaystaan si nabad ah.
Ramadaan Mubaarak! Ilaahay kheyr iyo barako hanoogu dhameeyo dhammaanteen.
Naadiga dugsiga indhoolayaasha ee Al-nuur.
13/02/2026
Hambalyo 🌟
Guddoomiyaha iyo dhammaan Maamulka Naadiga Ardayda ka Qalin-jabisay Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Cabaas Ibraahim Aamiin , oo loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Ciyaaraha ee Dadka Aragga La’ ee Somali Blind Sports Federation .
Magacaabistan waxay muujinaysaa kalsoonida iyo kartida aad ku kasbatay bulshada dhexdeeda, gaar ahaan horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhalinyarada aragga la’. Waxaan ku faraxsanahay in xilkan muhiimka ah lagugu aaminay, maadaama aad leedahay waayo-aragnimo, hufnaan, iyo aragti fog oo horseedi karta horumar muuqda.
Waxaan kuu rajaynaynaa: • Inaad xilka si hufan oo daacadnimo leh u gudato.
• Inaad xoojiso iskaashiga iyo midnimada ciyaartoyda aragga la’.
• Inaad gaarsiiso heer qaran iyo mid caalami ahba guulo la taaban karo. Alle ha kugu asturo xilkaas, hana kaa dhigo mid horseeda horumar iyo guul waarta.
Hambalyo mar kale, Mudane Cabaas 👏
11/01/2026
Faafinta rasmiga ah. ———
Maamulka Guud ee Naadiga Ardayda ka Qalin-jabisay Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur, waxaan caddeyneynaa in naadigu uu si masuuliyad leh u dhageysanayo tabasho kasta oo ay qabaan ardayda ka qalin-jabisay dugsiga.
Naadigu wuxuu si buuxda diyaar ugu yahay ka shaqeynta xalinta khilaafaadka jira, gaar ahaan tabashooyinka la xiriira maamulka dugsiga, iyadoo loo marayo wadahadal ku dhisan is-faham iyo ixtiraam.
Sidaa darteed, cid kasta oo qabta tabasho waxaa lagu wargelinayaa inay si toos ah ula soo xiriirto maamulka naadiga, si arrintaas loogu wajaho si rasmi ah, deggen, oo masuuliyad leh.
Waxaan si cad u adkeyneynaa in naadigu uusan marnaba oggolaan aflagaado, eedayn aan sal lahayn, ama hadal dhaawacaya sharafta cid kasta. Danta guud iyo midnimada ayaa naadiga u ah mudnaan.
05/01/2026
Guddoomiyihii h**e
Naadiga ardayda dugsiga indhoolayaasha ee Al-nuur.
Mudane fahim haajir aadan.
Ayaa maantay oo ay taariikhda ku astaysan tahay. 05/01/2026
Ayaa soo booqday xafiiska
Naadiga ardayda dugsiga indhoolayaasha ee Al-nuur.
Agaasimaha guud ee naadiga mudane cabdinasir maxamed xalane ayaa kusoo dhaweeyay guddoomiyaha xafiiska
Naadiga ardayda dugsiga indhoolayaasha ee Al-nuur.
Soo dhaweyn ka dib
Agaasimaha ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha booqashada iyo howlihii kala duwanaa oo kasoo qabtay xilligiisii naadiga.
Intaas kadib agaasimaha ayaa uga warbixiyey xaaladaha naadiga iyo hormarada la gaaray.
Agaasimaha ayaa sheegay in ay ku guuleysteen howla fara badan oo naadiga uu qabtay.
Iyada oo xusid mudan tahay tababarada wadashaqeynta wadajirka dhammaan xubnaha naadiga.
Dhanka kale guddoomiye fahim ayaa uga mahadceliyay agaasimaha soo dhaweynta iyo warbixinta quruxda badan uu ka siiyay naadiga
Ugu dambeyn labada mas-uul ayaa kulankooda ku soo dhammaaday si farxad leh ayadoo la isugu hambalyeeyay wadajirka iyo wada shaqeynta dhammaan xubnaha Naadiga ardayda dugsiga indhoolayaasha ee Al-nuur.