20/12/2022
iskuulka dhagolada ee madiina.
Tan iyo aasaaskii sanadkii 2018 waxaanu halkaasi ku hiirgelinay iskuul u gaar ah oo ay wax ku bartaan ardayda maqalka la' ee ku noolaa degmada dharkenley haddana uu u soo guuray degmada wadajir.
Xilligaas oo duruufo adag baahiyaha waxbarasho la'aanta ee ka jirtay labada degmo ee isku xiga wadajir & dharkenley.
Waxa aanu u balan qaadnay in aan daboolno baahida waxbarashada in ay helan waxbarasho ku filan manhaj iyo tacliin xirfideysan leh.
Iskuulka waxaa wax ku barta 39 arday oo maqalka la' waxbarashadooduna meel aad & aad u sareeyo ay marayaan.
Waxa aanu u mahadcelinayaa ururka dhagoolada ee qaranka soomaaliya oo in badan garab istag ah inoo muujiyey aad iyo aad baa u mahadansan tihiin.
to Madina educational center of the deaf
19/12/2022
Nov 15/11/2021/2023 anigoo ah gudoomiyaha dhagoolada madina ahna ustad ( Mr cabdi jaliil ) ayaa ku wareejiyey agabka waxbarashada ardayda maqlaka la wax ku barta iskuulka xarunta waxbarashada dhagoolada ee madina. Gudoomiyaha ayaana adkeeyey ahmiyada ay leedahay kor u qaadida tayeynta waxbarashada agabyada baahida u qabaan ardyda maqalka la bulshada maqalka ka naafaha ah gaar ahaan haaweenku xaq bay u leeyihiin in ay helaan waxbarasho ku filan dhanka caafimaadka diinta iyo waxbarashada inkastoo haaweenku xaalad hooyonimo maraan taasna ay ku haboon tahay in ay gabadhu wqu barato si ay u anfacdo reerkeeda si ay isku fahmaan dhakhaatiirta xaalad kastoo ku soo wajahdo sidoo kalena kaalin weyn ah ka qaataan barashada diinta iyo akhlaaqda wanaagsan in kastoo waalidkooda fahmin waxaanu leenahay mar haddi la helay aqoonyahaanadi dhalinyarada bulshada maqalka ka naafaha ah iyo wxgaraadkoodii waanu idin soo dhaweynaynaa waxaanua qayb lixaad ka qaadan doonaa in aan wax badan ah idin ka qabano anigoo ugu h**eeya kala tashaneyno agabkani aniga ayna dalbaday muda labo maalmood ah maanta na aynu helnay waanu markii ugu h**eysay aan gaarnay guushan hambalyo hambalyo aynu idin leedahay asxaptyda iyo walalaheyga qaliga ah h**ey aynu u sii wadi doonaa dadaaladan mahadsanid
18/12/2022
calaamadda kombuyuutarka oo dhan uga duwan tahay marka ka hubi dadka dhagoolaayaasha ee xaafadaada sidoo kale eeg cutubka 18 aad ee technology
14/12/2022
habkaan waxa waye faraha oo lagu shego ama lagu tilmaamo in wax uu na maqlin uu an hadli Karin
12/12/2022
DIB U MILICSI;- 3dii Luuliyo 2018, 4 sano ka hor waxaa dhibidada loo taagay xarunta 3aad oo ay wax bartaan caruurta maqalka ee magaalada Muqdisho gobolka banaadir degaaganka madiino degmada Dharkaanley oo markii dabe schoolka usoo guurgay degmada wadajir oo daris la ah dharkanley.
Xarunta waxaa isku howlay oo si mutadawacnimo ah u furay Mohamed Osman Muhudin, Abdifitah abdi Erak iyo Abdinasir Mohamed Jimcaale oo ka wada tirsan saraakiisha sare ee Ururka SONAD.
Xaruntaan oo ilaa hada weli shaqeeso oo wax ku bartaan in ka badan 60 caruur oo maqalka la' waxaana gacanta ku haayo oo SONAD wakiil ugu Abdirahman Mohamed iyo AbdiJaliil oo kala ah maamul maamul xigeeenka xarunta.
07/12/2022
maanta O6/12/2022 waxaa imtixaanka luqadda tilmaanta ee dhagoolayaasha u fariistay ardayda jaamacadda UMADA kuliyadda saxaafadda oo dhammaantood wada ah arday maqal leh waxayna isku diyaarinayaan in ay buuxiyaan kaalinka saxaafadeed ee dhagoolayaasha soomaaliyeed. waxaana seminaarka Sponsored- gareeyay hay-adda caawisa dhagoolayaasha iyo dadka Naafada ah (Disability Ald Foundation.) (Def) waxaana barnaamijka fuliyey ururka (somali National Association of the deaf SONAD ) gaar ahaa Ustaad Muse Hassan Ahmed .
06/12/2022
mid kamid ah guulaha shirka. waxaa soo islaamay intii u socday shirka dhagoolayaasha dawladaha muslimka ee lagu qabtay gaamiya 28 nov illaa O2dec 20220, 1 wiil iyo 3 gabdhood oo dhagooollo ah oo gaamiyaan ah.
05/12/2022
dhegole 1 (def) adj (Dhagola. iyo carrab la.aan) caarada farta tusmada midig ee fidsan waxay marka h**e taabataa dhegta midig ka dibna faruuryaha xidhan.
03/12/2022
Wasaaradda caafimaadka iyo Darteelka bulshada oo ay hogaaminayso wasiru-Dowlada wasaaradda Drs maryan maxamed ayaa maanta u qabsoontay munaabada lagu xusayo maalinta caalamiga ee Dadka Naafada ah 2022
(International Day of Disabled persons) 3/December2022.
Munaasabadani oo aheyd mid said loo soo diyaariyey ayana lagu qabtay hotel jazeera ee magalada muqdisho waxana ka soo qeybgalay ururada kale duwan ee ka shaqeeyo Arimaha naafada ah gaar ahaan dadka qabo baahiyaha gaarka ah waxana ka mid aha Ururka Somali National Association of the Deaf-SONAD oo uu hogaaminayoa gudoomiye ku xigeynkamudane Mohames osman muhyadin iyo maamulka Yaqshid primary & secondary School For The Deaf mudane Abdiftah Abdi Dahir.
Martida kulankan ayaa kalamad kooban ka jeedinayo gudoomiyaha ururka indhoolayaasha iyo gudoomiyaha dhagoolayaasha soomaaliyed asna wax badan ka sheekeyey dhibaatooyinka kale duwan ay soo mareen dadka dhagoolayaasha waa in ay helaan xuquudooda oo ku filan
Waxana u mahadcelinayaa Gudoomiyahenna mudane mohamed osman muhyadin h**ey usaco guuleyso mudane