26/05/2026
Ciid Mubaarak 🌙
Maamulka iyo macalimiinta
Machadka Aqoonta ee Global Educational College waxay hambalyo iyo bogaadin munaasabadda Ciidda u dirayaan dhammaan ummadda Islaamka, ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Waqooyi Bari Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaan hambalyo iyo duco u diraynaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Si Gaara ardayda iyo waalidiintooda reer Global Educational College
Ilaahay ha inaga aqbalo cibaadadii suubbanaa, hana inagu mannaysto nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar joogto ah.
Ciid wanaagsan dhammaantiin 🤍✨
18/05/2026
Dhamaan bulshada Reer Laascaanood, waxaan idinku bishaaraynaynaa in Global Educational CollegeC uu qabanayo tababar heer sare ah oo socon doona muddo laba maalmood ah, kana hadli doona:
✨ LEADERSHIP AND MANAGEMENT ✨
Mawduucyada lagu baran doono waxaa kamid ah:
🔹 Leadership and Decision Making
🔹 Project Management Basics
🔹 Career Planning and Career Path
🔹 Research Methodology
👨🏫 Tababarka waxaa bixin doona:
ADAM ALI YUSUF (KARAAMA)
📍 Goobta:
Global College
💵 Isdiiwaangelinta:
$3 oo keliya
🏅 Ka qaybgalayaasha waxaa la siin doonaa shahaado dhamaystiran oo free ah marka uu tababarku soo geba-gaboobo.
⚠️ Fursaddan waxaa ka faa’iidaysan doona 30 qof oo keliya. Waxayna soconeysaa is diwaan galintu 2-Maalmood oo kaliya .
Ha seegin fursaddan qiimaha badan ee kor loogu qaadayo aqoontaada iyo xirfadaha hoggaaminta.
📩 Hoos iska diiwaangeli si aad uga mid noqoto ka qaybgalayaasha.
https://forms.gle/bQ8gG7AS8ZR1hhuk9
25/02/2026
.
iyo
Waxaa Saaka ardayda dugsiga global qaybta iskuulka u soo xidhmay wareeggii koowaad ee tartanka "Tartan iyo Tacliin ". Wareegga koowaad waxaa isku arkay 6 kooxood oo ah ardayda iskuulka Global.
Dedaal badan oo Ardayda, Macallimiinta iyo maamulka iskuulku ay bixiyeen waxa ay ku guulaysteen in si nabad iyo caddaalad ah loogu gudbo wareegga labaad ee tartanka "Tartan iyo Tacliin " .
Wareegga labaad ee tartanka waxaa u soo gudbay 4 kooxood, oo ah 3 dii guulaystay wareeggii koowaad iyo saddexdii laga badiyay kooxdii ugu dhibcaha sarraysay.
HANBALYO IYO BOGAADIN.
Maamulka iyo Macallimiintuba waxa ay u hanbalyaynayaan dhammaan ardayda ka qayb qaadatay tartanka 6-dii kooxoodba.Maamulka iyo Macallimiintu waxay dhammaan ardayda iskuulka Global u soo jeedinayaan in aysan marnaba ka daalin akhrinta casharrada iyo kobcinta aqoontooda. Si gaar ah waxay Hanbalyo iyo bogaadin u jeedinayaan afarta kooxood ee wareegga labaad ee tartanka u soo gudbay.
GUNAANAD:
Ugu danbayn, afarta kooxood ee wareegga labaad u soo gudbay oo kala ah :
1) Level four girls
2) Level Three girls
3) Level Two girls
4) Level Two boys.
Waxa ay tartami doonaan maalmaha: Axadda iyo Arbacada.
Level Three girls VS Level Two girls __Axadda.
Level four girls Vs level Two Boys___Arbacada.
Guddoomiyaha tartamaadka :
Ustaad Cabdiraxmaan Jaamac oogle (Oogle Jaamac )
Xafiiska warfaafinta Mac-hadka
Dhammaad.
19/02/2026
TACSI
انا الله وانا إليه
Maamulka , macalimiinta iyo Midowga Ardayda Global Student Union , waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qarabaadii uu ka geeryooday Marxuum Ayuub C/qaadir Maxamed oo ka mid ahaa ardaydii ugu danbaysay 2025-2026 College ka Global Educational College .
Ayuub wuxu arday aad u af gaaban oo akhlaaq badan Allle ha u naxariisto, Alle jannadiisa ha ka waraabiyo bil barakaysan bay tiisii noqotaye, samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo dhammaan Qoyskiisii ,ehelkii iyo asxaabtiisiba
15/02/2026
Shortlist – Half Scholarship Diploma Mathematics 🎓
Maamulka Global Educational College Sayid Mohamed Abdulle Hassan waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda ku guulaysatay shortlist-ka imtixaanka Half Scholarship-ka Diploma-ga Xisaabta.
Imtixaankan waxa u fadhiistay 35 arday, waxaana shortlist-ka kusoo baxay 15 arday, kuwaas oo hoos ku xusan:
1.Abdircasiis Axmed Cabdi Geelle -100 %
2. Aadan C/Rashiid Cabdillaahi – 94%
3.Muna C/Xakiin Axmed – 94
4.Axmed Saleebaan Maxamuud – 90%
5.Mohamed Xirsi Axmed – 88%
6.Asma Jaamac Cawil – 78%
7.Fatxi Yaasiin Cabdi – 72%
8.Nuur Jaamac Ibraahim – 70%
9.Muna Bashiir Cabdiqaadir – 68%
10.Cabdikhadar Axmed Geelle – 66%
11.Samiira Yaasiin Cabdi – 64%
12.faadumo Cali Axmed – 60%
13.Maxmed Shabcaan Siciid – 58%
14.Saara Maxamuud Axmed – 56%
15.Mubaarak Cawil Xasan – 54%
Ardaydan ayaa u gudubtay barnaamijka Half Scholarship Diploma Xisaab, kaas oo loogu talagalay in lix (6) bilood dib loogu dhiso loona xoojiyo Xisaabta Dugsiga Sare.
👏 Hambalyo dhammaan ardayda ku guulaysatay.
📍 Global Educational College waxa uu idin rajaynayaa guul iyo horumar joogto ah.
Xafiiska warfaafinta Global Educational College
14/02/2026
بسم الله
WARBIXIN!!!
Mahad Eebbe, waxaa shalay galab oo taariikhdu ku beegantahay 13 February 2026 si habsami leh u soo gabagaboobay Tartankii “ oo laba department ( qaybood ) ka koobnaa:
1.department ( qaybta) Mathematics (Xisaab)
2. department( qaybta) English ( Ingiriisi)
tartankan waa tartan aqooneed sanad-le ah oo loo qabto ardayda Machadka Global Educational College. Taas loogu dhiiri galiyo dhamaan ardayda college ka.
Tartankan waxa uu si rasmi ah u bilaabmay 14 January 2026. waxuu uu dhex maray 13 kooxood, kuwaas oo ka kala socday qaybta English-ka iyo qaybta Xisaabta. Intii uu socday tartanku, waxa uu maray saddex wareeg oo kala ahaa:
Wareegga 1aad
Semi-final
Final
Sidoo kale, tartanku waxa uu lahaa laba kaalmo, kuwaas oo kala ahaa iyo qaybta . halka qaybta ay ahaayeen iyo .
Tartanka waxa si heer sare ah loogu soo gabagabeeyey Hotel Kulan, halkaas oo ay ka dhacday final-kii tartanka.
Dhanka kale, Maamulka Machadka Global Educational College waxa uu mahadcelin iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Guddiga GESU, oo gudoomiye ka yahay Axmed Cabdiaahi Aden ( Boodhe) Wuxuu uga mahacelinayaa sidii quruxda badnayd ee ay masuuliyadda lahayd ugu hoggaamiyeen tartanka hab nidaamsan oo hufan, isla markaana leh anshax iyo hoggaan muuqda.
Sidoo kale, waxaannu mahadcelin ballaadhan u diraynaa dhammaan guddigii, xubnihii iyo macallimiintii door weyn ka qaatay ugu horeeyayo dean ka Luuqada Al ustaad sare Cumar Cabdirashiid , iyo Midowga Ardayda Global Student Union ugu horeeyo gudoomiye Shirwac Goobe ,oo hirgelinta iyo guusha tartankan door muhiima kulahaa.
Ugu dambayn, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii ka qayb-qaadatay tartanka, gaar ahaan kooxihii kaalmaha koowaad iyo labaad galay.
Xafiiska warfaafin Mac -ahadka Global Educational College
08/02/2026
📢 Bishaaro Weyn!
Dhammaan ardayda iyo bahda jecel horumarinta waxbarashada ee ku dhaqan caasimadda Laascaanood waxaa la ogaysiinayaa in Global Educational College uu bixinayo deeq waxbarasho (Half Scholarship) oo ku saabsan Maaddada Xisaabta (Mathematics) ee dugsiga sare.
📘 Muddada Deeqda: 6 bilood
👨🎓 Tirada Ardayda: 30 arday oo keliya
📝 Habka Xulashada:
Ardayda la qaadanayo waxay geli doonaan Imtixaan (Entrance / Permission Exam).
🗓️ Wakhtiga Isdiiwaan-gelinta:
09 February – 15 February 2026
📍 Goobta: Global Educational College – Laascaanood
⚠️ Fiiro Gaar ah:
Tirada ardayda waa mid kooban, sidaa darteed waxaa la qaadan doonaa ardayda ku guulaysata imtixaanka.
👉 Ka faa’iidayso fursaddan waxbarasho ee qiimaha leh.