Amal primary and kg School

Amal primary and kg School Primary school

  Tiiraanyo lehانا لله وانا اليه راجعونكل نفس ذائقة الموت Waxa aay Tacsi tiiraanyo leh bahweynta dugsiga Amal primary an...
29/05/2026

Tiiraanyo leh

انا لله وانا اليه راجعون
كل نفس ذائقة الموت

Waxa aay Tacsi tiiraanyo leh bahweynta dugsiga Amal primary and kg School u dirayaan Qoyskii, Asxaabtii iyo Dhammaan Eheladii ay ka baxday Hooyo Maxamuud Cawil oo Hargeisa ku geeriyootay maanta, waxa aan si gaara uga tacsiyadaynayaa Maamulaha dugsiga Cabdicasiis Ismaaciil maxamed oo Marxuumadu hooyadii ahayd.

Waxa aynu Marxuumadda Eebe uga baryaynaa Naxariistiisii janno, ehelkana waxa aynu leenahay Samir iyo iimaan.

Aamiin Aamiin Aamiin.

26/05/2026

📷Maamuuskii Macalimiinta iyo ardayda fasalka sideedaad.

25/05/2026

📍Kalmadii Maamulaha dugsiga Cabdicasiis Ismaciil Maxamed ka jeediyay xafladii maanta.

🏅🎉Xafladda Sagootinta Ardayda Fasallada Siddeedaad ee sannad-dugsiyeedka 2025-2026. Iyo abaal marinta ardaydii ku guulay...
25/05/2026

🏅🎉Xafladda Sagootinta Ardayda Fasallada Siddeedaad ee sannad-dugsiyeedka 2025-2026. Iyo abaal marinta ardaydii ku guulaystay tartanadii kala duwa aa ee dugsiga ka socday haday noqoto tartankii luuqadaha , xisaabaadka, hal abuurka iyo tartankii guud ee dugsiga.

📌 Mubaasibaddan, oo ay ka soo qabygaleen martisharaf kala duwan, ayaa ardayda sannadkan baxaysa, oo ah kuwo ku suntan aqoon, akhlaaq waxay maamuuseen dhamaan macalimiintoodii.

📌Sida oo kale Waxa xafladdan lagu abaalmariyay, laguna dhiirrigeliyay, ardaydii kaalmaha sare ka galay imtixaankii tijaabada ahaa ee Xafiiska Waxbarashada ee dallada Al-Huda uu ka qaaday ardayda fasallada 8-aad.

Ugu danbayntii iyana waxa la abaal mariyay macalimiintii celceliska maadooyinkoodu ugu sareeyeen imrixaankaa iyo gudidii tartanka dugsiga gadhwadeenka ka ahaa.

Ardayda fasalka 6aad ee dugsiga hoose dhexe ee Amal ayaa maanta dalxiis gaaban ugu baxay goob nasasho iyo madadaalo ah. ...
16/05/2026

Ardayda fasalka 6aad ee dugsiga hoose dhexe ee Amal ayaa maanta dalxiis gaaban ugu baxay goob nasasho iyo madadaalo ah. Dalxiiska ayaa ahaa mid lagu xoojinayay isdhexgalka, farxadda iyo wadajirka ardayda, waxaana ay waqti fiican ku qaateen jawi qurux badan.

Sido kale waxa ay ardaydu xusayeen maalinka qaranimada JSL ee 18 may.

Allaa mahad leh

Contact us: 63-6588023 / 63-8000154
Adderess: Half-london,hargeisa somaliland

🌿|| AMAL PRIMARY & KG SCHOOL||🌿📍Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Maamulka iyo Macallimiinta , ardayda dug...
08/05/2026

🌿|| AMAL PRIMARY & KG SCHOOL||🌿

📍Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Maamulka iyo Macallimiinta , ardayda dugsiga Amal oo guul weyn ka soo hooyay imtixaankii fasallada sideedaad ee dugsiyada hoos yimaada Dallada Al-huda oo tiradoodu ahayd
19 dugsi.

📌Sidoo kale, waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa macallimiintii maadooyinkooda kaalmaha sare ka galay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Macallin Nimco, Macallin Faysa iyo Macallin Sharmaarke.

🌲Guushani waa mid ka tarjumaysa dadaal, karti iyo juhdi joogto ah. Hambalyo dhammaan bahda dugsiga Amal Maamul , Macalimiin , arday iyo waalidba.

✍️ Cabdicasiis ismaciil Maxamed.

Maamulaha dugsiga Amal primary and kg School

🌿D U G S I G A      A M A L📍Tartan aqooneedka Kobciye ayaa gabogabo ku dhow, iyadoo ay si weyn u muuqdeen dadaalka iyo k...
22/04/2026

🌿D U G S I G A A M A L

📍Tartan aqooneedka Kobciye ayaa gabogabo ku dhow, iyadoo ay si weyn u muuqdeen dadaalka iyo kartida ardayda ka qaybgalaysa.

📌 Tartankan oo kobcinaya aqoonta iyo isdhexgalka ardayda ayaa noqday mid xiiso leh, waxaana la filayaa in gabogabadu noqoto mid xamaasad leh laguna caleemo saaro kooxdii ku guulaysata koobka. Hambalyo dhammaan ka qaybgalayaasha. 🎓

📍Bookhashadii fasallada sideedaad ee dugsiga Amal, iyo  Ustaad Abdirahman Sameeco waxa uu ardayda kala hadlay muhiimadda...
21/04/2026

📍Bookhashadii fasallada sideedaad ee dugsiga Amal, iyo Ustaad Abdirahman Sameeco waxa uu ardayda kala hadlay muhiimadda u diyaar garowga imtixaanka shahaadiga ah.

Waxa uu ardayda ku booriyay inay kordhiyaan dadaalkooda, dib u eegaan casharrada, isla markaana si fiican u maareeyaan wakhtiga.

Sidoo kale, waxa uu kula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaabaha mashquuliya, su’aalo weydiiyaan macallimiinta, isla markaana yeeshaan kalsooni nafeed.

Ugu dambayn, Ustaad Sameeco waxa uu ardayda u rajeeyay guul iyo horumar. 📚✏️🎓✨

  unug kamida hawl wadeenada dugsiga Amal primary and kg School .
24/03/2026

unug kamida hawl wadeenada dugsiga Amal primary and kg School .

📌 OGAYSIIS       OGAYSIIS    0GAYSIIS
23/03/2026

📌 OGAYSIIS OGAYSIIS 0GAYSIIS

Address

Nimco Sagal Nacnac Streat
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amal primary and kg School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Amal primary and kg School:

Shortcuts

Share

Category