25/08/2026
WARGELIN MUHIIM AH.
Ku Socota: Dhammaan Ardayda Dugsiga.
Maamulka dugsiguNurul-Iman School-Guri’el wuxuu dhammaan ardayda ku wargelinayaa in si adag loo ilaaliyo xeerarka labbiska iyo anshaxa dugsiga.
Arday kasta waxaa laga doonayaa inuu yimaado dugsiga isagoo xiran uniform-ka saxda ah, kana fogaado waxyaabaha hoos ku xusan ee aan la oggolayn.
Sidoo Kale Waxaa Ardeyda Guud Ahaan Laga Rabaa In Ku Soo Qaataan Buugaagta iyo Agabka Dugsiga Ee Waxbarashada ( Boorso ) Nooc Kasta Ha Ahaate Oo Aysan Dhicin In Ardeygu Uu Buugaagta Gacanta Ku Soo Qaato.
23/08/2026
WARGELIN MUHIIM AH.
Ku Socota: Dhammaan Ardayda Dugsiga.
Maamulka dugsiguNurul-Iman School-Guri’el wuxuu dhammaan ardayda ku wargelinayaa in si adag loo ilaaliyo xeerarka labbiska iyo anshaxa dugsiga.
Arday kasta waxaa laga doonayaa inuu yimaado dugsiga isagoo xiran uniform-ka saxda ah, kana fogaado waxyaabaha hoos ku xusan ee aan la oggolayn.
17/08/2026
Maamulka, macallimiinta, ardeyda iyo dhammaan bahda Dugsiga Nurul-Iman School-Guri'el waxa hambalyo u dirayaan dhammaan ardeyda Soomaaliyeed ee ku guuleystay imtixaanka Fasalka 8aad ee Ee Gal-Mudug, Sannad Dugsiyeedka 2025-2026, gaar ahaan ardeyda dugsiga Nurul-Iman.
Waxaan Guushan Weyn Aan Mahadda 1aad U Celineynaa Allah SWC oo dadaalka Maamulka, Mucallimiinda iyo Waalidiinta Sabab ugu dhigay guushan.
Nurul-Iman Hoyga Akhlaaqda Toosan iyo Akhlaaqda La Hubiyey.
Mahadsanidiin
16/08/2026
Maamulka, macallimiinta, ardeyda iyo dhammaan bahda Dugsiga Nurul-Iman School-Guri'el
waxay hambalyo u dirayaan dhammaan ardeyda Soomaaliyeed ee ku guuleystay imtixaanka qaranka ee fasalka 12aad, sanad dugsiyeedka 2025-2026, gaar ahaan ardeyda dugsiga Nurul-Iman.
Alle mahaddii dhammaan ardeydii Sanadkan u fadhiisatay imtixaanka qaranka ee ka socday dugsiga Nurul-Iman School-Guri'el way gudbeen waliba natiijo aad u qurux badan.
Tirada guud ee ardeydu waxa ay ahayd 29 ardey (11 wiilal iyo 18 gabdhood), kuwaas oo dhammaantood ku baasay imtixaanka qaranka ee fasalka 12aad.
Waxaan Guushan Weyn Aan Mahadda 1aad U Celineynaa Allah SWC oo dadaalka Maamulka, Mucallimiinta iyo Waalidiinta Sabab ugu dhigay guushan.
Nurul-Iman Hoyga Akhlaaqda Toosan iyo Aqoonta La Hubiyey.
Mahadsanidiin.
15/08/2026
Maamulka iyo Mucallimiinta Nurul-Iman School-Guri'el Waxay Hambalyo U Diraayaan Dhammaan Ardeyda Fasalka Form Four Ee Maanta La Shaaciyey Natiijadooda.
Maamulka iyo Mucallimiinta Waxa Ay Dhiirigelinayaan Ardeyda Soomaaliyeed Ee Ku Hartay Imtixaanka In Aysan Niyad Jebin Oo Ay Dadaalaan Sanadkan Soo Socda Soona Hooyaan Guulo I.a
Maamulka iyo Mucallimiinta Waxay Si Gaar Ah Hambalyo Ugu Diraayaan Ardeyda Dugsiga Oo Guud Ahaan Ku Baasay Imtixaankii Ay Galeen Waxayna Daraameeyaan Maamulka iyo Mucallimiintu In Dadaalkoodii Mira-Dhalay.