Omar Bin Abdiaziiz primary and secondary school

Omar Bin Abdiaziiz primary and secondary school

Share

Dugsiga waxaa la aasaasay sannadkii 1996-dii, waxaana uu leeyahay 29 sano oo waayo-aragnimo wax-barasho oo heer sare ah. Guriceel galgaduud somalia

Sannadkii 2020, dugsiga waxa uu ku guulaystay inuu galo kaalinta 8aad ee qiimeynta dugsiyada ugu fiican dalka.

Photos from Omar Bin Abdiaziiz primary and secondary school's post 12/06/2026

Hambalyo Guulaystayaasha Tartanka Isreeb-reebka Biology iyo Chemistry! 🏆

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda ku guulaystay tartanka isreeb-reebka maadooyinka Biology iyo Chemistry ee loo qabtay ardayda fasallada kala ah F1, F2A iyo F2B ee laanta Bilan.

Ujeedka tartanka ayaa ahaa in ardaydu ku dadaalan aqriska maadoyinka iyaga oo ku tartamaya kuna soo bandhigaya aqoontooda. Tartanka waxaa ku guulaystay:

1- Hannad Cumar Siyaad-F1
2. Caasho Maxamed Salaad-F2B
3-Anas Cumar Xaashi-F2A

Guulaystayaasha ayaa ku guulaystay abaalmarin lacageed, dhibco iyo shahaado sharaf taaso dhiirigalin ah dadaalkii ay muujiyeen.

Hambalyo. 🏆

Photos from Omar Bin Abdiaziiz primary and secondary school's post 11/06/2026

Waxaa maanta si rasmi ah u soo gabagaboobay sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Hambalyo dhammaan ardayda. Waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan oo aad ku faraxdaan, kana tarjumaya juhdigii aad geliseen waxbarashadiinna.

Fasax wacan.

08/06/2026

Ustaad Shafici Cali Good, maamulaha dugsiga laanta Bilan, ayaa khudbad iyo dardaaran wax-ku-ool ah ka jeediyay munaasabadda qado-sharafta ahayd ee ay soo qabanqaabiyeen ardayda fasalka F4.

06/06/2026

Ustaad Abdiqadir Maxamed Xirsi, oo ka mid ah macallimiinta dugsiga, ayaa khudbad iyo dardaaran wax-ku-ool ah ka jeediyay munaasabadda qado-sharafta ahayd ee ay soo qabanqaabiyeen ardayda fasalka F4.

Munaasabaddan ayaa lagu maamuusay macallimiinta iyo maamulka dugsiga, iyadoo ay ka muuqatay mahadnaq, ixtiraam iyo qaddarin ay ardaydu u hayaan macallimiintii kasoo qayb qaadatay safarkooda waxbarasho.

29/05/2026

Tartanka Xarig-Jiidka Final - Kulanka Koowaad.

F4 vs 8

Waxa ay guushu ku raacday fasalka F4.

26/05/2026

Ciid Al-Adxa Mubaarak 🌙✨

Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda Ciidda u diraynaa guud ahaan ummada muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan bahwaynta dugsiga Omar bin Abdiaziz meel walba oo ay joogaan.

Ciid Wanaagsan.

Photos from Omar Bin Abdiaziiz primary and secondary school's post 23/05/2026

Waxaa si rasmi ah usoo dhammaaday tartan- aqooneedka dugsiga sannad dugsiyeedka 2025/26. Iyadoo kulanka k**a dambaysta ah ay isku wajaheen labada fasal ee kala ah Form 3 Waaberi iyo Form 3 Bilan oo ahaa guulaystayaashii labada laan ee dugsiga.

Kulankan oo aad u xiiso badnaa ayaa labada fasalba soo bandhigeen dadaal, aqoon, iyo tartan qurux badan oo ay si heer sare ah ugu loolameen hanashada horyaalka aqoonta dugsiga.

Natiijadii ayaa kusoo idlaatay:

Form 3 Bilan — 19 Dhibcood
Form 3 Waaberi — 20 Dhibcood

Sidaas darteed, waxaa ay guushu raacday fasalka Form 3 Waaberi.

Hambalyo Form 3 Waaberi oo noqday Horyaalka Aqoonta Dugsiga Omar bin Abdiaziz 2025/26.

Sidoo kale hambalyo Form 3 Bilan oo ku guulaystay kaalinta 2aad ee tartan-aqooneedka dugsiga.

20/05/2026

Ardayda Dugsiga Hoose ee Iskuulka Omar bin Abdiaziz.

19/05/2026

Kulanka koowad, Semi-Final-ka Tartanka Xarig-jiidka laanta Bilan ayaa dhexmaray fasallada kala ah Form 2B iyo Form 4.

Waxa ay guushu raacday Fasalka Form 4.

Hambalyo fasalka Form 4 oo u gudbay final-ka tartanka.

14/05/2026

Kulanka 3aad, Tartanka Xarig-jiidka laanta Bilan ayaa dhexmaray fasallada kala ah Form 1 iyo 8aad.

Waxa ay guushu raacday Fasalka 8aad.

Hambalyo fasalka 8aad.

Want your school to be the top-listed School/college in Guri Ceel?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Guri Ceel

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00