Adult Commercial Secondry School Laanta Gurceel

Adult Commercial Secondry School Laanta Gurceel

Share

Adult Commercial Secondry school Waa Aasaska Furaha nolosha waana bad Baadiyaha bulshda aqoon la aan waa Iftiin al aan

18/06/2026

πŸ“’ OGEYSIIS

Dhammaan ardayda fasallada Form-4 waxaa lagu wargelinayaa inay soo doontaan ID-yada imtixaanka 10:00 barqanimo si ay ugu diyaar garoobaan imtixaannada soo socda.

Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Mahadsanidiin.

Photos from Nuuriye show's post 17/06/2026

Guul dhamaan ardayda

15/06/2026

OGEYSIIS DIWAAN-GELIN

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan dadka danaynaya waxbarashada in ay furan tahay diiwaan-gelinta Adult School ee heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Waxbarashadu waxay soconaysaa saddex gelin oo kala ah: Subax, Galab iyo Habeen.

Dadka danaynaya waxaa lagu dhiirigelinayaa inay si degdeg ah isu diiwaan-geliyaan si ay uga faa’iidaystaan fursaddan waxbarasho.

Adult School Waxbarasho tayo leh oo qof walba u furan.

Faahfaahin kala xariir
615959776/615806933/615630603

13/06/2026

Anshaxa Imtixaanka ee Ardayga β€” Fasalka 8aad (2025–2026)

03/06/2026

OGEYSIIS
Dhamaan ardayda waxaa la ogeysiinayaa inay qaataan Pass Card-kooda ka hor bilaabashada imtixaanka.

Xafiisku wuxuu furan yahay 9:00 subaxnimo ilaa 8:00 fiidnimo, si aad uga soo qaadataan Pass Card-ka.

Fadlan hubiya inaad haysataan Pass Card-ka kahor maalinta imtixaanka.

Mahadsanidiin.

22/05/2026

Gebe-gebada tartan aqooneedkab2025-2026. Ee Adult Commercial Secondry School Laanta Gurceel

Photos from Adult Commercial Secondry School Laanta Gurceel's post 20/05/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loogu soo geba-gabeeyey tartan aqooneedkii sanad dugsiyeedka 2025–2026 ee ka socday dugsiga Adult School.

Tartanka oo ahaa mid xiiso badan islamarkaana ay ka muuqatay dadaal iyo tartan aqooneed heer sare ah, ayaa final-kiisii waxaa iskugu soo haray fasallada Form 1 iyo Form 3.

Kadib tartan adag oo xamaasad badan, waxaa ugu dambeyn guusha qaaday fasalka Form 1 oo muujiyey karti, feejignaan iyo wada shaqeyn wanaagsan.

Hambalyo ayaan u direynaa ardayda Form 1 guusha ay gaareen, sidoo kalena waxaan bogaadineynaa dhammaan ardaydii ka qeyb gashay tartanka iyo macallimiintii dadaalka gelisay diyaarintiisa.

Tartankan wuxuu dhiirrigelin u yahay horumarinta aqoonta, kalsoonida iyo dedaalka wanaagsan ee ardayda.

20/05/2026

Final Tartan aqooneedkii noo socday sanad dugsiyeedka 2025-2026 ayaa soo geba geboobay maanta oo tariikhdu tahay 20/5/2026,

waxaana fooda is daray fasalada form 3 iyo form 1 waaxana guushu raacday fasalka form 1

18/05/2026

πŸ“’ OGEYSIIS. πŸ“’ OGEYSIIS. πŸ“’ OGEYSIIS

Waxaa dhammaan ardayda iyo macallimiinta la ogeysiinayaa in maalinta Arbacada ah uu dhici doono tartan aqooneedkii FINALKA ahaa ee u dhexeeya fasallada Form One iyo Form Three, kaas oo lagu soo afmeerayo tartan aqooneedkii ka socday schoolka sanad dugsiyeedka 2025–2026.

Tartankan ayaa noqon doona mid xiiso gaar ah leh, waxaana lagu soo bandhigi doonaa aqoonta iyo kartida labada fasal.

Sidaas darteed, waxaa dhammaan ardada schoolka lagu casuumayaa inay kasoo qeyb galaan oo dhiirrigeliyaan ardayda tartamaysa.

Guul iyo gobannimo ayaan u rajaynaynaa labada fasal.

06/05/2026

Tartan aqooneed aad u xiiso badan oo ka socda Adult School Guriceel, gaar ahaan wareegii 2aad ee tartanka πŸŽ“πŸ“š

Waxaa fooda is daray fasalada: πŸ”Ή Form 1
πŸ”Ή 8aad B

Tartankan oo ahaa mid kor loogu qaadayo aqoonta, dhiirrigelinayana ardayda, ayaa ahaa mid aad u xamaasad badan πŸ”₯

Waaxana guushu raacday fasalka form 1 Hambalyo form 1 sidoo kale waa ku mahadsan yihiin 8aad B dadaalka ay muujiyeen

GUUL GUUUL. GUUUL

Want your school to be the top-listed School/college in Guri Ceel?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Guri Ceel