Caawa Waxaan Kaaga Warami doonaa Sida ay U dhiman doonaan Malaa'igta Allah Ee Macsuumiinta ah Aakhiru zabaanka.
Sidee ayeey U dhiman doonaan Malaa'igta Rabbi .?? Maxeey yihiin Daqiiqadaha Ugu dambeeya Noloshooda Waxa ay Codsanayaan .? : Allah baan Kugu dhaari Wll Haka bixin Adigoon aqrin Oo Aan Share gareen Billaahi Caleyka aqri Wll mcn:
Aniga qoraalkan soo tarjumay Ayaaba Ka faa'iidaystay Wax badan Waana Wixii Iigu quruxda iyo Laga yaabka badnaa Ee Aan Qoro intaan Wax qorayay .!!
بسم الله الرحمن الرحيم :
والصلاة والسلام على خير البرية محمد بن عبد الله عليه أفضل الصلاة وأتم التسليم :
قال تعالى في محكم التنزيل [[ كل من عليها فان ويبقى وجه ربك ذو الجلا ل والإكرام ]]:
Waxaan Shaki Ku jirin Wax Kasta Oo Aduunka guudkiisa Saaran Weey dhamaan Marka laga reebo Wajiga Allah jalla Wacala
Walaalaha Aan jeclahay Waxaan doonayaa inaan idiinkaga Waramo Keyfiyada iyo Qaabka ey Malaa'igta Rabbi U geeriyoon doonaan
Sida laga soo raray Ibnu aljowzi Kitaabkiisa lagu magacabo: { بستان الواعظين ورياض السامعين}
Muqadamadiisa H**e Waxaa Uu Ku lafa gurayaa Qaab dhimashadedka Malaa'igta rabbi Waxaa Uu yiri
" Ka dib markii Uu Buunka Ugu h**eeyo afuufo Malaga lagu magacaabo " israafiil Waxaa hal Mar Ruxmaya dhulka guud ahaan mashriq iyo maqrib
Dhul gariir daran ayaa Ka dhacaya
Waxaa Hal mar Halaagsamaya Wixii Makhluuq ahaa Ee dhulka Saarnaa iyo Waxaa Sidoo Kale dhimanaya Malaa'igtii saarneed todobada Samaawaad ,
Xitaa Waxaa dhimanaya Qeeybo ka mid ah Malaa'igta Oo Lagu magacaabo Saraadiqaat , Saafuun, Musabixuun iyo Malaa'igta Carshiga Xambaarsaneed
Waxaa soo haray afartaan malag Ee lagu Kala magacaabo , Jabriil Csw Miikaa'iil Malakul-mowd iyo israafiil Csw.
Ayagane Waxaa U hor dhiman doono Malagul jabriil cw:
" Dhimashada Malagul-jibriil Csw :
Markan Waxaa la doonayaa in Ruuxda laga soo qaado Malagul-jibriil , Allah ayaa Waxa Uu la Hadlayaa Malakul-mowd Waxaa Uu Ku Oranayaa isagoo Og , " Malkul-mowdow Wax dhulka iyo Samada Ku baaqi noqday miyaa jiraan .?
Malakul-mowd Waxaa Uu Oran doonaa "Rabbiyow Waad iiga Ogaal badan tahay Lkn Waxaan Ogahay in ay Kaliya Nool yihiin israafiil Miikaa'iil jabriil Csw iyo Aniga Oo ah Adoonka Daciifka ah Malakul-mowd Waxaa Uu iska dhigayaa Ruux miskiin ah illeen Maanta Awood Aan tii Rabbi aheeyn Ma jirtee.
Waxaa Ka Keenaya Hadalkaa is Miskiiminta ah Ka dib Markii Uu arkay Koonkii dhamaa Ee Samo iyo dhul lahaa Oo Wax dhaqdhqqaaya aysan jirin, Kaliya isaga Ku afar lee ay Nool yihiin iyo Allah Oo Maanta doonaya Wajigiisa Oo Kaliya in Uu soo haro Qasabna tahay Waxa Makhluuqa ah Ee Kale in ay dhamaadaan.
Waxaa Malakul-mowd La farayaa in Uu baxo Uu U tago Malakul-jibriil isagane Ruuxada Ka soo qaado Malakul-mowd Waa Uu soo baxayaa Waxaa Uu imaanayaa Malkul-jibriil Oo Sujuudsan Markaas ayuu Malkul-miwd Ku Oranayaa Maxaa Ku moogeysii yaa miskiin Waxaa laga doonaya.....
Hadda Ma Ogtahay Beni Aadamkii Waa dhamaadeen Jinkii Waa dhamaaden Malaa'igtii ayaa U dambeysay ayagane Hal k**a harin marka Afartena laga reebo Hadane Waa Aniga Soo doonay Ruuxdaada.!!
intaa Markii Uu maqlo Malakul-jibriil Waa Uu Ooynayaa😢 Waxaa Ku leeyahay Rabiyow sakaarul-mowdka ii fududeey Waa Mid Xanuun badan.
Walaalayaal kawarama Waxaa Sidaa Sakraatka Uga baqanaya Waa Mid Ka mid ah Malaa'igta Rabbi Waa malakul-jibriil Kii Waxyi Nabiga U Keenayay Waligiis Rabii Ma Uusan Caasin Dambina lagama qorin, Annaga Oo bashar ah Halkeen Ka joognaa Cabsida Malagaas , Sidee ayuu noqonayaa Sakaraatkul-mowdkeena Markaan dhimaneyno .?!!😢 Allow Na Amaanso.
Hal mar ayaa la dhufanayaa Malakul-jibriil dhufasho dhulka ayuu Ku dhacayaa isagoo dhintay
" Dhimashada Malga- Miikaa'iil csw:
Markaa Ka dib Rabbi ayaa Oranaya "Malakul-mowdow Cid Kale miyaa hartay.?
Waxaa Uu leeyahy Rabbiyow Waxaa haray isaraafiil miikaa'iil iyo Aniga Oo ah adoonkaaga daciifka miskiinka ah.
Waxaa lagu Oranaya Orod Ruuxda Ka soo qaad Malagu Lagu Magacaabo Miikaa'iil
Malaku-mowd Waa Uu soo baxaya Waxaa Uu imanayaa Malaga Lagu magacaabo Miikaa'iil isagoo Biyaha Roobka iska Kiileeysanaya Oo Aan Warba U haaynin Doonaya in Uu Meel Ku da'siiyo Roobka.
Waxaa Uu Oranayaa " Malakul-mowt yaa Miskiin Maxaa Kaa daboolaya Xaalada jirto Miyaadan Ogeeyn in Beni Aadankii jinkii malaa'igtii Xayawaanadii Dhamaadeen .?isagane Waxaa Uu leeyahay Rabbiyow Sakaraatka ii fududeey Markaa Waxaa ruuxda Ka soo qaaday Malalkul-mowd.
" Dhimashada Malaga-israafiil csw:
Allah ayaa Ku Oranaya Malakul-mowdow Cid Kale Oo baaqi ah miyaa jirto.?
Waxaa Uu Oranayaa Rabbiyow Waxaa soo haray Israafiil Oo buunka yeerinayay iyo Aniga Oo Adonkaaga Oo miskiinka ah
Waxaa la Amraya in Uu ruuxda ka soo qaado israafiil Waa uu soo baxayaa Markii Uu U yimaado israafiil Waa{ Malag Aad U Weeyn} Allah Ka sokow Wax Ka Weeyn ma jiro Malagan , isagane Sidii Oo kale ayaa ruuxda looga soo qaadayaa.
" Dhimshada Malaga-Mowd csw:
Waxaa soo haraya malakul-mowd Kaligiis Allah ayaa Ku Oranaya" Cid hartay ma jirtaa.?
Waaxa Uu Oranayaa Waxaa soo haray Rabbiyow adoonkaaga daciifka miskinka ah
Allah ayaa Ku Oran doona " Adigane Waa inaad dhadhamisaa Qaraarka geerida iyo Sakaraatku leeyahay " Orod Oo tag Naarta iyo jannada inta Ka dhaxeeyso Halkaa Ruuxda isaga qaad.
Malakul-mowd Waa Uu baxayaa Halkii ayuu tagayaa Waxaa Uu bilaabayaa baroorasho Aan Mid la mid ah Waligeed la maqlin Aad ayuu U qeeylin doonaa Waxaa la yiri Baroorta iyo qeylida Ka baxeeyso Haddii makhuuqa maqli lahaayeen Naxdin ayeey la dhamaan lahaayeen .😢
" Waxaa Soo haray Allah swt Kaliya :
Markaan Kaliya Waxaa soo haray Oo Nool Allah Rabbul-caalamiin Ka dib Allah ayaa Dhulkii Sidaa U soo fiirinaya Waxaa Uu Ku Oranayaa 《 Aduuney Aaway Wabiyadaadi? i , Aaway Geedahaadii? , Aaway Dhismahaadii Aaway Boqoadii Kibirka badnaa ? Aaway Carurtii Kuwii Dhulka isku Kibri jiray.?Aaway kuwii Arzaaqadeyda cuni jiray Ee Hadane igu Caasiyi jiray ? Allah Aan Aniga aheeyn Caabudi jiray.?
Maanta yeey Boqortinimada U sugnaatay.?
Allah Wax U jawaabo Markii Uu Waayo 40.000sano Ka dib ayuu isaga Naftiisa isu jawaabayaa Waxaa Uu leeyahay " Waa aniga Cidda iska leh boqortinimada maanta .
سبحان الواحد القهار , سبحان الفرد الصمد
اللهم انا نشهد بأنك انت الله لا إله إلا أنت الواحد الأحد الفرد الصمد الذي لم يلد ولم يولد ولم يكن له كفوا احد:
Waxaa Kuu fiican Haddaad tahy kheyr doon inaad Qoraalkan U dirto ilaa 3group Ama La Wadaag Cod ahaan Saaxiibadaa
Waxeey la mid noqoneysaa Adigoo Sadaqo jaariyo ah dhismo masaajid Ku darsaday Ajarkeeda Oo Kale.
{ رَبّـ❤ـيٌ اجعل أمهاتنا من نساء الجنة ووالدينا بجوار نبينا محمدﷺ بالجنه} بلغوا عني ولو ءاية:
Aniga Waan Ku soo gaarsiiyay Adigane Waajibkaada gudo Oo Sii Faafi Ka dib
Ducadaada Waa ii Muhiim Wl ii soo duceey Waxaad iga istaahishaan inaan Wax badan Oo Kale Oo Kheyr ah idiin soo diyaariyo.jzkllh.
*Prepared by* : ~Saacid Aadan Cadde~
معهد السنة للعلوم الشرعية والثقافية
KU SOO DHAWOW MACHADKA AL- SUNNAH INSTITUTE QAYBIHIISA KALA DUWAN
اهلا وسهلا ومرحبا بكم
12/03/2025
"Waa kuma Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi, Wadajirka oo la xiray inuu Soomaali yahay?
Isha Sawirka ISIS ee Soomaaliya, DAACISH
16 xiisad 2025
Waxaa lagu cabiray cabbirka u malaynaya inay aqoonsadeen ninka maamula hawlaha maskaxda ee filimka ee Daacish.
Warbixin ay soo daabacday wakaalada wararka cunaqabataynta Qaramada Midoobay, oo ku salaysan xog sirdoon oo laga helay xubno ka mid ah Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay inay jirto “kalsooni korodhay” oo ah in dagaalka uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Ninkan ayaa diiradda hogaamiyihii shanaad ee kooxdaasi tan iyo dilkii Abu Bakar al-Baghdadi.
Kooxdan ayaa mar ka talin jirtay dhul haysta oo ka tirsan dalka Ciraaq iyo Suuriya, sidoo kale saameyn weyn ku lahaa wadamo ku yaalla Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa inay tahay meesha ay muuqata ku leeyihiin.
Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa saldhigeeda ugu weyn ku leh buuraleyda Calmikaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka mid ahaayeen Puntland ay dhawaan ka qeylo dhaamiyeen guluf dagaal oo loo arkay kii ugu xooganaa ee dhexmara ciidamada Puntland iyo kooxdaasi.
Intii uu socday cudurka Puntland, Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah oo ka sameeyay saldhigyada Calmikaad, iyadoo tirada Mareykanka ee Afrika uu dhawaan sheegay inay ku dileen tobaneeyo ka tirsan kooxda Daacish. Aqoonsiga hogaamiyaha Daacisha ama ISIL , Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi, ayaa ahayd mid aan caddayn. Waxaa jiray kalsooni sii kordhaysa oo ka dhex muuqata qaar ka mid ah Dowladaha ah, taasoo sheegaysa in al-Qurashi uu yahay Cabdiqaadir Muumin, oo ah madaxa Daacish ee Soomaaliya, laakiin shakiga laga muujiyey ayaa sii socda,"ayaa lagu yiri warbixinta.
Muhiimadda uu Muumin, u leeyahay hawlgallada caalamiga ah ee Daacish shaki kuma jirin. Warbixinadii h**e ee sirdoonka Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in la dalacsiiyay si uu u hogaamiyo wilaayada Islaamiga ah, taasoo si dhaba u siinaysa xakameynta faracyada kooxda ee Afrika sida lagu xusay warbixinta kooxda.
"Tani waxay muujin kartaa isbeddel qorshaysan oo ku wajahan qaab hawlgal oo si ka dheereeya, meel ka fog goobta dagaalka aasaasiga ah," ayaa lagu yiri warbixinta.
Maha in dhammaan dalalka bixiyey xogta sirdoon ee warbixinta ay isku raacsan yihiin
Tan iyo geeridii hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi 2019, kooxda ayaa isku dayday inay ilaaliso hogaamiyeyaashooda iyagoo qarinaya aqoonsigooda iyo sidoo kale yaraynta muuqaalada dadweynaha.
Sanadkii 2022-kii kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyihii ururkaasi Abuu Xuseen Al-Xuseeni Al-Qurashi, waxayna badalkiisa u magacaabeen Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi.
Haddii Abu Hafs uu yahay Mumin ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka badbaado ugu yaraan hal isku day dil oo duqayn hawada oo Mareykanka fuliyey bishii May 2024-kii.
Warbixintii toddobaadkan ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo duqayntii, Mumin uu "qaaday tillaabooyin si uu u xadido soo bandhigida kooxda ee dareenka aan loo baahnayn ee dibadda,"
Waa kuma Cabdiqaar Muumin?
Waa kuma Cabdulqaadir muumi XIGASHADA SAWIRKA, DAACISH
Inta laga ogyahay, Cabdiqaadir Muumin, wuxuu dhashay sanadihii kontomeeyadii, isagoo ku dhashay degmada Qandala ee gobolka bari ee Soomaaliya.
Muumin, ayaa dhammaadkii sagaashameeyadii galay Yurub, xilligii dagaalada culusi ka socdeen Soomaaliya, isagoo ku horreeyey dalka Sweden oo uu daganaa in door ah, balse markii danbe wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska halkaas oo uu waayo kale ku qaatay.
Waxaa uu ka mid ahaa culimadii Masaajidka Quba oo ku yaala magaalada Leicester iyo Xarunta Islaamiga ah ee Greenwich ee London.
Cabdiqaadir Muumin, ayaa ku biiray Maxk**adihii Islaamiga ahayd ee ka dhismay koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-dii
Wuxuu sarkaalka la hadlay BBCda sheegay in xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamigaa uu tagay Muumin, magalada Bosaaso ee gobolka Bari.
"Wuxuu Bosaaso ka qaban jiray waqtigaas uu maxaakiimta ka mid ahaa muxaadarooyin masaajidada balse markasta waa uu qabay fikirkaas hadda uu wado," ayuu yiri sarkaalku.
Sarkaalkaan ayaa sidoo kale u sheegay in BBC da in markii Maxaakiimta iyo al-Shabab ay kala baxeen uu Cabdiqaadir Muumin ku biiray kooxda al-Shabaab, isaga oo joogi jiray xilligaas Xamar iyo shabeellada hoose, "Basle wuxuu sanadkii 2007-dii markii kooxda al-shabaab xubnahadooda ka asaasmayeen Puntland uu yimid deegaanada Puntland. Wuu dhuumaalaysan jiray, markii danbana wuxuu galay buuraha isagoo ka tirsan al-shabaab,"
Waxaa la aaminsan yahay Muumin, inuu ka soo baxsaday Ingiriiska, ka dib markii ay baaritaan ku samaysay haya'adda sirdoonka gudaha dalkaas ee MI5, ka dibna waxa uu ku biiray kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay.
Cabdulqaadir ayaa waxaa u dhaxda xaas ay iska soo guursadeen dalka Ingiriiska, waxa uuna sheegay sarkaalka la hadlay BBC da in ay mar gacanta u gashay hay'adooda xilli ay ka soo laabaneysay buuraha Galgala.
Dhammaadkii sanadkii 2015-kii ayaa la rumaysanyhay in Cabdiqaadir Muumin, uu xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu ubuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya.
Muuqaal ay kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu ka soo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si lamida sanadihii ka danbeeyey gaar ahaan 2022-kii ayay kooxdu sii dayeen tiro ka tirsan ciidamadooda oo tabbabar ku qaadanaya buuraha bari ee Puntland.
Kala soco Somali news wararkii dunida
09/03/2025
06/03/2025
Kusoo dhawow machadka Al sunnnah institute waxa uu qaadanayaa ardo cusub
Machadka waxa uu sameeyay qiimo dhimis 85% ah bisha barakaysan ee ramadaan awgeed
Machadku waxa uu ku shaqeeyaa hab fogaan arag ah (online)
Hadabo ka faa'iidayso fursadaas meel kastood joogtidba
26/02/2025
*OGAYSIIS*
_"Mar kale iyo bishaaro cusub"
Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan bulshada weynta soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin dal iyo dibad-ba in mac-hadka "Al-sunnah institute"_ ee barashada diinta, uu qabanayo ardayda cusub taas oo ah tiro gooni ah kaliya _50 arday_ iyo _qiimo dhimis_ la sameeyay inta ka dhiman bisha. Mac-hadku waxaa uu wax kubixiyaa qaab fogaan arag ah ama online oo wahliso hab waxbaris casri ah, adiga oo joogo gurigaaga ama goobtaada shaqada ayaad baranaysaa.
Mac-hadku wuxuu lagu barta *Qeybta Qur'aanka:* 1. Qorida iyo akhrinta Qur'aanka. 2. Xifdinta Qur'aanka.
*Qaybta Shareecada:* 1. Axaadiista. 2. fiq-higa. 3. tafsiir ka. 4. towxiidka. 5. Siirada. 6. Iyo ducooyinka.
*Qeybta Maadooyinka Aas-aaska ah:*
1. Xisaabta. 2. barashada af-soomaali. 3. Iyo Af-carabiga.
-Intaa waxaa kuu dheer in macaliintu ay yihiin kuwa qabiir ku ah habka waxbarista.
-Isdiiwaangelintu way socotaa Fadlan ka faa'ideyso oo nagala so xariir number-kan/WhatsApp: https://Wa.me//+252619707412
[ ...Laf iyo Dhuux lais kuma helo...]_
*AMMAANO ALLAH*
22/02/2025
Waa ducooyin aad iyo aad qiimo badan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Garbahaarrey
09/03/2025
26/02/2025