11/09/2019
Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Gaalkacyo Eng. Muxidiin Maxamed Cabdi ayaa ka qeyb galay Shir Lagu dhisayay Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee Dalka.
----------- --------- ----------- ----------- ------------ ----------- ----------- -----------
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Shalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Gudiga Qaranka Tacliinta Sare ee dalka.
Gudigaan oo baahi weyn loo qabay ayaa ah Gudi ka koobaan shanxubnood islamarkana dhinacyo badan laga fiiriyay dhismihiisa, Waqti badan lagu bixiyay.
Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shegay in Gudigani ay yihiin Gudi dhinacyo badan laga Hubiyay.
"Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah in aan maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo dalkeena baahi weyn u qabay. Guddigani waa guddi dhinacyo badan laga fiiriyay dhismihiisa, isla markaana waqti badan lagu bixiyay.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan bahda waxbarashada oo dalkeena heerkaan soo gaarsiiyay, sababna u ah in aan maanta ka hadalno sidii aan tacliin tayo sare leh u heli lahayn oo aanan joogin marxaladda, sidee jaamacad ku furunnaa?.
Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan inta kasoo qeyb gashay xafladdan oo uu ugu horreeyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.
GALKAYO UNIVERSITY