12/09/2025
Machadka Al-Furqaan ayaa ku qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayey dhalashada Nabigeenna Muxammad ﷺ.
Xafladdan barakaysan Waxaa kaso qeyb galay qeyba kamid ah culumaa udiinka gobolka kuwooda ugu waa weyn, arday, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa lagu soo bandhigay muxaadarooyin qiimo leh, qasiidooyin iyo wacdiyo xambaarsan jaceylka iyo sharafta Rasuulkeenna ﷺ.
🌿 Machadka Al-Furqaan mar walba wuxuu u taagan yahay barbaarinta iyo tarbiyeynta jiilka cusub si ay u noqdaan kuwo diinta iyo akhlaaqda ku wanaagsan