Horn of Africa School Galkacyo, Somalia

Horn of Africa School Galkacyo, Somalia

Share

A centre for learning and quality education.

Horn of Africa School Galkacyo, Somalia is an integrated and academic school with quality education to ensure there is bright future based on intellect and reasoning and to minimise illiteracy rate in our society.

17/05/2026

On the second day of their official visit, Horn of Africa School Galkacyo, Somalia had the honor of hosting a senior delegation from the Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug headed by the Director General of Education Albashir Elmi Hussein the Mudug Regional Education Officer (REO), and accompanying officials.

The delegation engaged with the school administration and staffs to assess ongoing educational activities, strengthen cooperation and discuss efforts aimed at advancing quality education across the region.

During the visit, the Director General also met with the Form Four (F4) candidates and encouraged them to prepare seriously for the forthcoming national examinations. He advised the students to remain disciplined, focused, and confident in order to achieve academic success and make their families and community proud.

———————END——————
Office of the School Administration and Media.
Email: [email protected]
Tel: 061947600 / 0613150303
Location: Garsoor, Galkayo, Galmudug, Somalia.

16/05/2026

This morning, Horn of Africa School welcomed a high-level delegation from the Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug , led by the Director General of Education, Mudug Regional Education Officer (REO) and Other Staffs.

15/05/2026

Ardeyda dugsiga geeska Africa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 15 May — Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed sanadkii 1943. 🇸🇴✨
83aad sanad-guuradii🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴 🇸🇴🇸🇴

Maalintaan taariikhiga ah waxay astaan u tahay waddaniyad, midnimo iyo doorka weyn ee dhalinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin xoriyada dalkooda.

15 May waa maalin xusuus iyo sharaf u leh halyeeyadii dhalinyarada ee naftooda iyo dadaalkooda u huray xorriyadda, midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Hambalyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana idiin rajeynaynaa mustaqbal ifaya iyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan. ❤️🇸🇴
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug

09/05/2026

Dugsiga geeska Africa ayaa soo bandhigay muuqaal aad u qurux badan oo muujinaya jacaylka ay u qabaan midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo calanka buluugga ah ee mideeya ummadda Soomaaliyeed. 🇸🇴
🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴
Bandhiggaan ayaa ahaa mid ay ardeydu si weyn ugu muujiyeen waddaniyad, midnimo, iyo dareenka qaranimo, iyagoo bulshada ku dhiirrigelinayay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka dalka.

Waxaa si cad looga dheehan karay farxadda, hibada iyo rajada wanaagsan ee ay ardeydu u qabaan mustaqbal ifaya oo Soomaaliya yeelato. ❤️

Horn of Africa School Galkacyo, Somalia
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

Photos from Horn of Africa School Galkacyo, Somalia's post 03/05/2026

Waxaa si rasmi ah u soo idlaaday Tartanka Group-yada ee ardayda
Kadib tartan adag oo xamaasad leh, waxaa koobkii ku guuleystay:

Kooxda Bisha Cas (Primary Part Two)
Hambalyo! Hambalyo! 🎉

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeyneynaa Kooxda Bisha Cas guusha ay gaareen, waxaana ku dhiirrigelineynaa inay sii wadaan dadaalkooda iyo horumarkooda.
Sidoo kale, mahad gaar ah ayaan u jeedinaynaa dhammaan ardaydii ka qeyb gashay tartanka, macallimiinta hagayay, iyo maamulka dugsiga oo door weyn ka qaatay hirgelinta tartankan.
Guushu waa mid lagu gaaro dadaal, isku duubni iyo kalsooni

Photos from Horn of Africa School Galkacyo, Somalia's post 22/04/2026

Horn of Africa Primary school 🏫 @
Maanta waxaa si guul leh loo soo gabagabeeyay tartanka aqoonta horn of Africa Primary school ee ardayda,.
Tartankan oo ahaa mid xiiso badan, ugu dambeyntii waxaa koobkii tartanka ku guuleystay: Fasalka 7C
Hambalyo! Hambalyo!
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneynaa ardayda fasalka 7C guusha ay gaareen, waxaana ku boorrineynaa inay halkaas kasii wadaan dadaalkooda iyo horumarkooda.
Sidoo kale, mahad gaar ah ayaan u jeedinaynaa dhammaan ardaydii ka qeyb gashay tartanka, macallimiinta hagayay, iyo maamulka dugsiga oo door weyn ka qaatay qabsoomidda tartankan.
Guushu waa mid lagu gaaro dadaal, isku duubni iyo kalsooni .

20/04/2026

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug, waxa ay la Wadaagaysaa Ardayda, Waalidiinta iyo Maamulada Dugsiyada Galmudug, Xilliga la qaadayo Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga dhexe ee 𝙁𝙖𝙨𝙖𝙡𝙠𝙖 𝟴𝙖𝙖𝙙 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟔.

- 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃 -

12/04/2026

Musharaxa naadiga ardayda Horn of Africa School

Musharaxa:abdirishiid hussen jaamac

Guul baanu ku rajeynaya Musharaxa

12/04/2026

Musharaxa naadiga ardayda Horn of Africa School Galkacyo, Somalia

Musharax:Abdirisaaq abdulqasir ciise

Guul baanu ku rajeynyn.

Photos from Horn of Africa School Galkacyo, Somalia's post 12/04/2026

Maanta waxaa si sharaf leh loo qabtay munaasabad lagu guddoonsiinayay musharixiinta Headboy & Headgirl shahaadooyinka u oggolaanaya inay si rasmi ah u bilaabaan ololahooda doorashada.
○ Shahaadooyinkan ayaa u oggolaanaya musharixiinta inay si sharciyeysan u bilaabaan ololahooda, iyagoo soo bandhigaya aragtidooda, hoggaankooda, iyo qorshahooda mustaqbalka ardayda.
○ Shahaadooyinka waxaa si rasmi ah u guddoonsiiyay Guddiga Doorashooyinka Ardayda, kuwaas oo si hufan u maamulaya geeddi-socodka doorashada.
○Dugsigu wuxuu ku faanaa inuu ardayda siiyo fursad ay ku bartaan hoggaanka, isla markaana ay uga qayb qaataan dhismaha mustaqbalkooda.
○Doorashadan waxay astaan u tahay bilowga tartan furan oo ku dhisan cadaalad, karti, iyo hufnaan.
Hambalyo dhammaan musharixiinta – waxaan idiin rajeyneynaa guul iyo tartan sharaf leh👏🙌

Want your school to be the top-listed School/college in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Hobyo Street
Gaalkacyo

Opening Hours

Monday 06:00 - 20:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Thursday 06:00 - 12:00
Saturday 06:00 - 20:00
Sunday 09:00 - 20:00