Modern University for Science and Technology Galkayo

Modern University for Science and Technology Galkayo

Share

Modern University

06/08/2026

𝙅𝙄𝙈𝘾𝙀 𝙒𝘼𝙉𝘼𝘼𝙂𝙎𝘼𝙉!

Acmaasha suuban Allaha inaga aqbalo.

Photos from Modern University for Science and Technology Galkayo's post 26/07/2026

𝐆𝐚𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨: 𝐉𝐮𝐥𝐲-𝟐𝟔-𝟐𝟎𝟐𝟔

Tababar Ciwaankiisu yahay 𝘽𝙖𝙨𝙞𝙘 𝙈𝙚𝙙𝙞𝙘𝙖𝙡 𝙇𝙖𝙗𝙤𝙧𝙖𝙩𝙤𝙧𝙮 𝙏𝙚𝙘𝙝𝙣𝙞𝙦𝙪𝙚𝙨 ayaa si habsami leh uga socda Jaamacadda Modern, Faraca Galkacyo.

Tababarkan oo diiradda saaraya aasaaska farsamooyinka shaybaarka caafimaadka ayaa usbuucii 3aad si toos ah uga socda xarunta Jaamacadda Modern.

Tababarkan oo soconaya muddo 𝟖 𝐭𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝 ah ayaa si bilaash ah loogu qabanayaa ardayda, waxaana ka faa'iidaysanaya tiro badan oo arday oo iskugu jira heerar kala duwan oo waxbarasho.

Inta uu tababarku socdo, ka qaybgalayaashu waxay baranayaan aasaaska farsamooyinka shaybaarka caafimaadka, iyagoo isku daraya casharro iyo tababarro wax-ku-ool ah.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha ardayda Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan bulshada iyagoo leh karti, xirfad iyo aqoon la jaanqaadaysa baahiyaha adeegyada caafimaadka ee deegaanka.

Jaamacadda Modern waxa ay sii wadi doontaa diyaarinta iyo hirgelinta barnaamijyo waxbarasho iyo tababarro tayo leh oo kor u qaadaya aqoonta, xirfadaha iyo adeegga bulshada.




Photos from Midowga ardayda Jaamacadda Modern Galkacyo's post 23/07/2026
23/07/2026

Maamulka iyo dhammaan bahda Jaamacadda Modern waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan 𝘿𝙧. 𝙈𝙤𝙝𝙖𝙢𝙪𝙙 𝘼𝙝𝙢𝙚𝙙 𝙅𝙞𝙢𝙘𝙖𝙖𝙡𝙚 , oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka.
Waxaan kuugu hambalyeynaynaa kalsoonida laguu muujiyey iyo mas'uuliyadda culus ee laguu igmaday.

Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu kugu asturo xilka culus ee luguu igmaday, kaana dhigo mid ku guuleysta gudashada waajibaadka qaran ee laguu xilsaaray.



10/07/2026

Information Technology Day and Their Project Denfense

09/07/2026

Jimce Wanaagsan.

08/07/2026

PA2022 iyo Maalinkoodi Book difaacashada

Hambalyo dhamaantiin

Photos from Modern University for Science and Technology Galkayo's post 08/07/2026

𝙃𝙖𝙢𝙗𝙖𝙡𝙮𝙤! 𝙃𝙖𝙢𝙗𝙖𝙡𝙮𝙤!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda Kulliyadda Computer Science &IT, gaar ahaan Waaxda 𝙄𝙣𝙛𝙤𝙧𝙢𝙖𝙩𝙞𝙤𝙣 𝙏𝙚𝙘𝙝𝙣𝙤𝙡𝙤𝙝𝙮 , oo si guul leh u difaacday buugga qalin-jabinta ee heerka koowaad ee jaamacadda.

Waxaad soo bandhigteen 𝙢𝙖𝙨𝙝𝙖𝙖𝙧𝙞𝙞𝙘 𝙬𝙖𝙭-𝙠𝙪-𝙤𝙤𝙡 𝙖𝙝 oo wax weyn ka tari kara horumarka bulshada iyo deegaankaba.

Waxaan bogaadinaynaa hal-abuurkiinna, dadaalkiinna iyo sida aad aqoontiinna ugu beddesheen xalal wax ku ool ah.

Waxaan idiin rajaynaynaa guulo isdaba joog ah, horumar joogto ah iyo mustaqbal ifaya.

Alle ha idiin anfaco cilmiga aad barateen, hana idinku guuleeyo himilooyinkiinna.





07/07/2026

𝙊𝙂𝙀𝙔𝙎𝙄𝙄𝙎 𝙈𝙐𝙃𝙄𝙄𝙈 𝘼𝙃!

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda iyo dadka daneeya barashada cilmiga shaybaarka in Jaamacadda Modern University ay qabanayso tababar gaaban oo cinwaankiisu yahay:
𝙈𝙚𝙙𝙞𝙘𝙖𝙡 𝙇𝙖𝙗𝙤𝙧𝙖𝙩𝙤𝙧𝙮 𝙏𝙚𝙘𝙝𝙣𝙞𝙦𝙪𝙚𝙨.

Tababarkan oo ah mid si gaar ah diiradda u saaraya xirfadaha aasaasiga ah ee shaybaarka ayaa socon doona muddo 2 bilood ah, waxaana loogu talagalay in ka qaybgalayaashu ay helaan aqoon iyo xirfado wax-ku-ool ah oo ay ugu diyaar garoobaan shaqada shaybaarka.

𝙁.𝙂:-Tababarku waa bilaash (𝙇𝙖𝙘𝙖𝙜 𝙡𝙖'𝙖𝙖𝙣) tirada la qaadanayo waa ay xadidantahay.

📍 𝐆𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚: 𝐌𝐨𝐝𝐞𝐫𝐧 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 – 𝐂𝐚𝐦𝐩𝐮𝐬 𝟐
🕒 𝐖𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚: 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐛𝐭𝐢𝐢
📅 𝐌𝐮𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚: 𝟐 𝐁𝐢𝐥𝐨𝐨𝐝
💰𝐂𝐨𝐮𝐫𝐬𝐞 𝐅𝐞𝐞: 𝐅𝐫𝐞𝐞
🎓 𝐂𝐞𝐫𝐭𝐢𝐟𝐢𝐜𝐚𝐭𝐞: 𝐖𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚

Wixii faahfaahin ah la xariir. Lamabarada hoos ku xusan:-

WhatsApp :- 61 2342958 - 613445133-613445134


07/07/2026

Hambalyo Ardayda Nursing iyo Nutrition

Want your school to be the top-listed School/college in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Gaalkacyo