Sh. Cabdiraxmaan Sh.Bilaal Caad

Sh. Cabdiraxmaan Sh.Bilaal Caad

Share

Muslim, Somali, Shiikh, Macalin, Qoraa, ka shaqeeya helidda umad muslim ah oo xoog leh,tiro,aqon,awod

Aragtidaydu waa: in aan arko umada islaamka ah umad xoog leh oo ku faanaysa caqiidadeeda akhlaaqdooduna sarayso

15/12/2025

WAXTARKA SOOMAALIDA, SOOMAALI WAA DAHAB
SH. MAXAMED IDIRS AXMED

01/08/2025

Hadii Salaadda la Aqimo Hawlna aad ku jirtid maxaad samaysaa?
Khudbada Jimcaha ee Maanta 01/08/2025 waxaan noo akhriyay Macalin Haaruun Abuukar Imaamka Masjidka Faaruuq Gaalkacyo, waxaa uuna ka hadlay ilaalinta Salaadda.
Alle waxaa uu amaanay Dadka Salaadda ilaaliya, kuwa joogteeya, kuwa ku khushuuca, waxaa hoog iyo halaag uu u sugnaaday qofka Salaadda dayaca ee wakhtigeeda ka dib dhiga.
Salaaddu waa Raasumaalka Diinteena waana arinka ugu horeeya ee Aakhiro la iska xisaabin doono, haday kuu hagaagto waad guulaysatay, hadii ay kaa xumaatana waad khasaartay.
Salaadda marka aan tukanayno ma usoo xiisnaa? maku raaxaysanna? mise culayskeeda ayaan iska rognaa?
Salaadda aan wakhtigeeda ku ilaalinno, Ragguna Masjidka haku tukadaan.
Maanta Xagee ku tukaday, Khudbadu maxay ku saabsanayd?

24/01/2025

Sh. C/caziiz Sh. Cali (Xafidahullaah)
"Waaya aragnimada reer gaalkacyo waxay ku ogaadeen reerna inuusan reer kale ka adkaan karin kana xoog badan karin".
"Ina Rag Walaalow wuxuu ku dhaamo waayay" ayaa Wiilwaal laga sheegaa.
Reer Gaalkacyoodoow meel dheer aan gaarsiinno intaan Share ku qabano.
Masjidka Ramadaan Gaalkacyo

20/01/2025

Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waxaa loo dilay waa kaalinta uu bulshada ugu jiray oo ka dhignayd Hogaamiye Danta Guud Hormuud ku ah, Dadka Culimada wax ka sheegaya, bal waxa ay umadda u hayaan ama u qabteen ha sheegaan inta aysan Culimada afka ku taagin.

19/01/2025

Imaanku (Qiritaanka Alle) waa Dhawr iyo 70 qaybood waxaa ugu ajar weyn Kalimadda Tawxiidka لا إله إلا الله oo ah furaha Jannada, hadii si daacad ah ay qalbigaaga ugasoo go'do dambiyada ayaa laguugu dhaafayaa, miisaanka qiyaamahana way cuslaysaa, qofkii qalbigiisa ay ku jirtana naarta waa lagasoo saaraa.
Carabkeenna iyo Qalbigeenna kalimadaasi haku waynaato.

18/01/2025

Alle ha u naxariisto Eedo Canab Caad oo tii alle u timid.
Naftayda iyo Ehelkayga waxaan uga tacsiyaynayaa geeridaas xanuunka badan ee ku timid eedo

Photos from Sh. Cabdiraxmaan Sh.Bilaal Caad's post 17/01/2025

Xalay 16/01/2025 waxaan ka qayb galnay Xafladda Khatinta Tafsiirka Quraanka kariimka ah oo uu akhrin jiray Sh. Dr. Maxamad Xasan Al Xariiri kana bixi jiray Masjid Cumar Binu Khadaab Gaalkacyo.
Waxay ahayd Xaflad si weyn loogasoo qayb galay ilaahay shiikha hanoo barakeeyo, cilmiga diinta ee uu faafinaya ilaahay miisaanka xasanaadka ha u saaro, qofka dadka diinta baraya waxaa u duceeya makhluuqaatka oo dhan inta dhulka dul saaran inta biyaha ku jirta iyo ahlu samaawaatka oo dhan.
Waxaa balan inoo ah inaan Masaajidda Qalbigeenu ku xirnaado, duruuska ka baxaysana aan ku taxanno.

19/10/2024

القائد المقدام يحيى السنوار
رحمه الله رحمة واسعة وتقبّله في الشهداء
قال صلى الله عليه وسلم: "من مات ولم يَغْزُ، ولم يُحَدِّثْ نفسَه بالغزو مات على شعبةٍ من النِّفاق"
التّخلّف عن الجهاد وعدم الإنفاق في سبيل الله هو هلاك وذل للأمة
قال تعالى: (وَأَنفِقُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَلَا تُلْقُوا بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ)
قال الطبري في تفسير الآية معناها: وأنفقوا في إعزاز ديني الذي شرعتُه لكم، بجهاد عدوّكم الناصبين لكم الحربَ على الكفر بي، ونَهاهم أن يلقوا بأيديهم إلى التهلكة ... ولا تستسلموا للهلكة، فتُعطوها أزمَّتكم فتهلكوا.
والتارك النفقةَ في سبيل الله عند وجوب ذلك عليه، مستسلم للهلكة بتركه أداءَ فرضِ الله عليه في ماله.
#الأقصى دون نحورنا

16/08/2024

Xalay 15/08/2024 waxaan ka qayb galay Muxaadaro Ciwaankeedu ahaa: Axkaamta Gudoomidda Badeecadaha iyo saamaynta ay ku leedahay iibka.
Waxaa noo soo jeediyay Shiikheena weyn Sheekh Maxamed Macalin Axmed
Waxaad ka daawan kartaa Muxaadarada pageka Masjidka Ramadaan Gaalkacyo

09/08/2024

Sh. C/caziiz Sh. Cali ayaa khudbadda Jimcaha ee Masjidka Ramadaan Gaalkacyo uga hadlay Amaanada in la ilaaliyo, wuxuu fariin u diray Madaxda Dawlada si ay u fasaxaan Dhismaha Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo

Photos from Sh. Cabdiraxmaan Sh.Bilaal Caad's post 25/07/2024

Dr. Sh Yahya Suufi oo Caawa Muxaadaro ka galay Masjidka Ramadaan Gaalkacyo ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo kasoo qayb galka Muxaadarada waxaa uuna kula dardaarmay Dadwaynaha, dhaqanka wanaagsan inay ilaaliyaan, dadkana sii gaarsiiyaan.

Waxaa uu yiri: "wanaagga sheegsheega, Dadki marka ay idin waydiiyaan, waxaad tiraahdaan: Magaalada Gaalkacyo way hormartay, waa magaalo fiican, dabakhyaa ka dhisan, waan shaqaysanaa, baahi nama hayso"

Aduun meel walba dhib waa ka dhacdaa ee lama buunbuuniyo.

Want your school to be the top-listed School/college in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Gaalkacyo