20/06/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan Ardayda maanta u fariisaneysa Imtixaanka Qaranka. gaar ahaan Reer Al-shacab Waxaan idiin rajeynaynaa guul, nasiib wanaagsan, iyo in Eebbe idiin fududeeyo imtixaanka.
Xusuusta:
Kalsooni ku qabo naftaada iyo dadaalkaaga.
Si taxaddar leh u akhri su'aalaha ka hor intaadan ka jawaabin.
Maamul waqtigaaga si wanaagsan.
Isdeji, hana ka welwelin su'aal adag.
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu idiin waafajiyo natiijooyin aad ku faraxdaan, kana dhigo dadaalkiinnii mid miro dhalay.
Guul iyo gobannimo ayaan idiin rajeynaynaa. Ilaahay ha idiin sahlo Imtixaanka Qaranka. Aamiin.