16/03/2026
๐๐๐ก๐ ๐๐๐ฎ๐ค:- Qaar ka mid ah ardayda barata culuumta caafimaadka ee Jaamacadda Modern, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah maamulka iyo dhaqaatiirta Jaamacadda, ayaa deeq isugu jirta biyo iyo gargaar caafimaad gaarsiiyay deegaanka ๐๐๐๐ง๐๐๐, oo dhanka galbeed ka xiga deegaanka Laasacadale kana mid ah deegaanada hoos yimaada Galkacyo.
Ujeeddada deeqdan ayaa ahayd in gargaar degdeg ah loo fidiyo bulshada deegaanka, maadaama deegaankan uu ka mid yahay meelaha ay ka jirtay biyo laโaan saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka dadka halkaas ku nool.
Ardayda iyo maamulka Jaamacadda ayaa xusay in ay ka goโan tahay ka qeyb qaadashada howlaha samafalka iyo taageeridda bulshada, gaar ahaan xilliyada ay jirto baahi biniโaadantinimo.
Ugu dambayn, dadka deegaanka ayaa si weyn uga mahadceliyay deeqdan muhiimka ah ee la soo gaarsiiyay iyagoo tilmaamay in ay ku timid xilli aad loogu baahnaa isla markaana ay wax weyn ka tari doonto xaaladda adag ee ay wajahayeen.