27/06/2025
Munaasabad Kooban oo Dhiirrigelin ah
Ardayda dhamaysatay fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ayaa lagu qabtay duleedka degmada Ceeldibir, munaasabaddan waxaa soo qaban-qaabiyay Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceeldibir Shucayb Xassan Cali iyo Maamulaha Dugsiga Degmada Macallin Cabdalle Xirsi Maxamuud.
Waxaana kasoo qayb galay madax kala duwan oo ay kamid ahaayeen
Gumiye hasan ali hasan aasaase salad libqan gudomye kuxigenka labad bashir maclin xusen iyo ganacsade nuruye hashi siyada oo beertiisa nagu marti qaadey.
Ujeeddada waxay ahayd in ardayda lagu dhiirrigeliyo waxbarashada, loo muujiyo qadarin, iyo in la xoojiyo dadaalka maamulka iyo bulshada ee ku aaddan kobcinta tacliinta.