07/08/2020
Waa sheeko yaab, irkig, fajac, iyo ku cilmiqaadasho leh
QISADII MUCJISADA LAHAYD EE DHIMBIL KA QABSATAY JAWAAHIR (sheeko yaab leh)
Sideedaba, godadlaha gabdhaha shabiya, sida uu gabdhaha u lug gooyo ayuu isba ugu lug go`aaye, ninkani, waxa uu hog geliyo gabdho iyo waxa ay hog goliyaan, waxa uu ka yaabiyo iyo waxa ay ka yaabiyaanba, qisooyinkii soo maray waxaa ka mid ahayd, middan soo socota:
JAWAAHIR, waxaa ay Dhimbil isku barteen magaalada Hargeysa. Waxaa ay degganeyd Burco oo ay ka shaqeyn jirtay, waxaa ayna fasaxyada tegi jirtay Hargeysa oo reerkoodu degganaa. Waxa ay ahayd gabar 28 jir ah oo aan horay guur u soo marin. Haddii aad aragto qaabdhismeedka jirkeeda iyo quruxda uu Alle ku abuuray, yaab dartiis inta gacanta madaxa saaratid ayaad afka maroojineysaa. Inta bislaatay oo bislaatay ayey hadda u baahan tahay in la gurto. Laakiin waxaa yaab leh, Jawaahir, Dhimbil hortiis nin la ma sheekeysan, sababta oo ah, nin oo dhan waa ka gaabsan jirtay, sababo u gaar ah awgood, laakiin Dhimbil waxa uu ku soo aadey xilli ay ku duceysanaysey, “Ilaahow mid aadan ku hungoobin ku sii.”
Muddo ayey Dhimbil iyo Jawaahir wada sheekeysanayeen, oo marna uu ugu tegi jirey Burco, marna ay ugu imaan jirtay Hargeysa, aad ayeyna inta isku fahmeen, iskuna jeclaadeen. Laakiin waxaa jirta cillad yar oo ay leedahay Jawaahir oo ay ka baqeyso in ay si toos ah ugu sheegto, laakiin dhawr jeer oo ay u sarbeebtay uu fahmi waayey. Xilli dheer oo ay jacayl wada naaxinayeen ka dib, waxa ay ku heshiiyeen in ay isku mehersadaan si hoose, magaalada Burcana ay gees ka degaan, maadaama Jawaahir uusan qoyskeedu ku nooleyn Burco. Waxa ay sidaa oo kale isku waafaqeen, in ay guurkoodaas muddo qariyaan inta arrimo Dhimbil u gaar ah uu iska soo xallinayo.
Jawaahir waa diidday in la gacmagacmeeyo ilaa uu ka guri geysto, oo uu u dhigo aqal dibedda laga keeney, uuna u gado dahab qaali ah, waxaa ayna shardigaas ugu xirtay, waxaa ay ka baqeysay in uu ninkaasi si sahal ah uga tago. Nimcada hor taalla ayuu arkayaaye, aqal aan caadi ahayn ayuu u gadey, isaga oo dejiyey guri weyn is la markaasina waxaa uu korkeeda ka wada luley dahab iyo luul.
Marka habeenkii aqalgalka la gaaray, ayuu isa soo diyaariyey. Casho macaan oo ay u karisay ka dib, waxaa la is la aadey qolkii jiifka iyo sariirtii marqaanka. Inta aysan ciyaartii iyo boodboodkii bilaaban, ayaa gacantiisa midig waxaa ay bilowday in ay si naxariis leh oo deggan u dul marmarto jirkeedii oo sidii lagu dhalay ah. Isaga oo aysan jidbadii weli gaarin, ayey gacantiisii oo xarga goosatay taabatay wax aysan filayn! Hawadaas inta ku dhagay ayuu nalkii shiday, mise qoftu waa nin iyo naag isku jira, oo cambarkii dumarka iyo caarkii ragga oo saaxiib ah baa kuwada rakiban! Inta istaagey ayuu dharkiisii haahaabtay.
Inta uu dharkiisii raaraadsanayey ayey la hadlaysey oo lahayd, “Alle walaalo ha iga tegin, waxaan waa caadi, cisilku meeshiis ayuu isaga yaallaa mooyee ma shaqeynayo, kan kale ayaa ii caadi ah, kaaley oo bal tijaabi ha iska cararine, ina-adeerow saan ha iiga tegine xitaa hal koolbo ii tuur, weligey nin ma arage… Walaaloow… Walaaloow ... Ina-adeerow macaanow miyaadan naxariis lahayn?!.”
Iyada oo sidii u caatabeysa, ayuu ka soo cararay oo gaari xamuul ah oo Hargeysa u socday ka sii fuulay. Intii uu Hareysa ka soo gaarayey oo dhan waa fajacsanaa oo yaabbanaa, oo bisinka ayuu gurayey! Waxaa uu kala garan la’yahay, in uu qofku qoris-maris ahaa iyo in sidaa wax ka ahaayeen. Weligi sheeko mooyee shaahid kuma arag Labeeb, waxa uuna u qabi jirey sheeko-xariir, oo run uma haysanba.
Subixii markii la gaarey, ayuu sidii uu u yaabbanaa is weydiiyey in uu guurkaas ansax ahaa iyo in kale. “Culimo ma weydiisaa?” ayuu is leeyahay. “War waxaas yaan lagaa maqal, yaana lagugu sheekeysane,” ayuu is kula warramey. “Maxaa dhibkaas iyo waxaas ku geliyey, isaga qor warqad furriin ah, waa intaas oo ay Labeeb kale heshaaye,” ayuu inta go’aan ku gaarey, is la markaasina u qoray xaashi cad oo erayo furriin ah ku qoran yihiin, waxa uuna ugu dhiibey gaarigii ugu horreeyey ee u socday Burco. Wax meher ah uma raacsiin, saa shaki waxaa uu ka qabay in guurkaas jiray iyo in kale e. Warqadda furriinka ayuuba yaa Allaahu ugu direy. Halkaas ayaana ugu dambeysey Jawaahir.
FG: Waa sheeeko ka mid ah qisooyinka buugga Godadle iyo dhibaatooyinka Dhimbil iyo dumar kala qabsanaya, . . . Gabar aan buuggan akhrin, waa u helis in ay ku dhacdo dabinno rageed oo badan! Wiil aan akhrinna, waxaa laga yaabaa in ay qabsadaan wixii Dhimbil qabsaday. Ma jiro qof akhriyey oo aan khabiir noqon!
Buugan, hadda waxa uu yaallaa maktabadaha magaalooyinka: Hargeysa, Burco, Garowe, Baladweyne, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.
Xasuusin: Buuggan PDF lagu ma helo. .
Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus