03/05/2024
Bandiiradley
03/05/2024
Waxaa maanta si guul ah noogu soo dhamaaday Aqoon kororsi ku saabsan Imtixaan Diyaarinta kaas oo loogu talagalay Ardayda Fasalada 8aad Iyo F4 ee wax ka barta Degmada Bandiiradley
Waxaa aqoon kororsigan soo diyaarintiisa iska kaashtay Midowga Ardayda Bandiradley MAB Iyo Gudoomiyaha waxbarashada Degmada waxaana ka faaidaystay arday boqol gaaraysa kuwaas oo ku jira diyaar garowga Imtixaanaadka Sanadkan oo ay bil ka harsan tahay
Ugu danbayn waxaan mahad gaara u jeedinaynaa aqoon yahanada aqoon kororsigan bixinayay oo kala ah
Eng Abdirashid Farah
02/05/2024
Aqoon kororsi ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen (MAB) Iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada looguna talagalay Ardayda Sanadkan galaysa Imtixaanada Dowlada Ee kala ah Fasalada 8aad Iyo F4 ayaa lagu qabandoona Maalinta Jimcada ah 03/05/2024 Xarunta Degmada Bandiiradley waxaana soo jeedin doona Aqoon yahano Deegaanka ah iyo Marti kale
FG. Dhamaan Ardayda sida gaarka loogu talagalay waa in ay yimaadaan waqtiga 7:30 Am subaxnimo Xarunta Degmada
21/08/2023
Aqoon kororsi socday mudo 3 maalin ah laguna baranayay Maaraynta Waqtiga (Time Manegment) oo uu qabtay Gudoomiyaha Midowga Ardayda Bandiradley MAB ayaa maanta lagu soogabagabeyay Degmada Bandiiradley
Sidoo kale waxaa dhamaadka aqoon kororsigaan kasoo qaybgalay Gudomiye Ku xigeenka Dhalinyarada Bandiiradley Abdullahi Siyaaso
11/08/2023
SHIRKA MADASHA WADATASHIGA URURADA BULSHDA DEG.BANDIIRADLEY
Bandiiradley 11/08/2023
waxaa maanta ka qabsoomay Hotel 24 Bandiiradley shir ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada bandiiradley Sida :
Waxaana la isla afgartay qodobada soosocda
1) in ay isku xir yeeshaan Ururada bulshada ee ka dhisan Degmada Bandiiradley
2) in ay qayb muuqata ka qaataan ololaha Waxbarashada Galmudug oo ay wado Wasaarada waxbarashada Galmudug.
3) in bilicda Degmada sare loo qaado inta lagu guda jiro maalmaha munaasabada Sanad guurada 17aad Ee Galmudug.
5) in la joogteeyo kulamada ururada bulshada ee lagu hormarinayo Degmada Bandiiradley.
6) in la taageero go,aanadii ay soo wada saareen wasaarada Deegaanka Iyo Maamulka gobalka Mudug ee ku saabsanaa ka hortaga Xaalufinta dhirta.
Dhamaad
10/08/2023
Bandiiradley 10/08/2023
Musaanabad iskugu jirtay xil wareejinta Gudoomiyihii h**e Ee Midowga Ardayda Bandiradley MAB iyo caleema saarka Gudoomiyaha cusub ayaa caawa ka dhacday Hotel 24 Bandiiradley waxaana munabada nagala soo qaybgalay madaxada wasaarada oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Mudane Maxamad Xaashi Dhoorre iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Albashir Cilmi Xuseen oo wada ololaha Waxbrahada Galmudug wadana booqasho uu ku marayay Degmada Bandiiiradleey ee gobolka Mudug.
Waxaana kulanka ku kala qaadanay talooyin iyo in laga wada qaybqaato ololaha waxbarashada Galmudug
09/08/2023
Hambalyo hamablyo hambalyo
Abdisalan Mahdi Mohamed
Gudoomiyaha Cusub ee Midowga Ardayda Bandiradley MAB
Shaqada allaha kula garab galo
05/08/2023
Hambalyo Guud Ardayda Soomaaliyeed ee Natiijada Imtixaanka Qaranka loo soo dhajiyay maanta 05/08/2023 gaar ahaan Ardayda Degmada Bandiiradley oo dhamaan kuwada gudbay Imtixaanka Qaranka Sanad dugsiyeedka 2022/2023
Hamablyo Hambalyo hamabalyo