04/02/2023
Dadaal dheer ka dib habeen habenada ka mid ah Raami oo fadhiya Sariirta ay Ruweyda ku jiifto agteeda oo fadhiga ka Hurdaayo Daal fara badana uu ka muuqdo ayey Ruweyda soo naaxday markey saas Indha u soo kala furtay ayey aragtay Raami oo fadhiga ka Hurdaayo, waxey ku tiri si Cod dabacsan leh :- Raami. markaas ayuu Farxad la soo booday. isla markiina Ereyga ugu h**eeyo uu dhahay wuxuu ahaa Alxamdulillaah, see dareemee hadda ?.
Ruweyda markaas ayey ilmeysay, isagana sidoo kale ilinta wuu Ceshan waayay waxey ku tiri :- Raami iga raali noqo Qaladka kaa galay Ciqaabtiisa waan maray. markaasuu ku yiri :- Adiga Qalad ma iga galin waxna maku qabo.
Waxey ku tiri Raami waa kuu xiisay . Asagoo ilmeynaaya ayuu ku yiri xataa Aniga waan kuu xiisay, Waxey bilowday iney Duruftii iyo Rafaadkii ay soo martay uga Sheekeyso, isagana wuxuu uga Sheekeeyo Hadalka uu Aabahed kula hadlay markuu ka soo doontay ee loo diiday dartiis inuu horumarkaan ku gaaray, wuxuuna ku yiri Aabahaa maalintaas ku soo doonanaayay haduusan qaabkaas Xun iila hadli leheen uuna na Bahdili leheen Aniga iyo Aabahey maanta heerkan ma joogi leheen, balse Ereyadiisa iyo jaceylka Adiga kuu qabay marnaba Maskaxdeyda k**a bixin mar walbo markaan soo Xasuusto Ereyadiisa ayaan dadaalkeyga sii Laba jibaari jiray ilaa aan heerkaan ka soo gaaray.
Muddo ka dib Ruweyda wey Caafimaaday, isbitalkiina wey ka baxday Xiriirki jaceylka ee Raami iyo Ruweyda ka Dhexeeyay 10sano ka dib, dib ayuu u soo laabtay welibo isagoo ka Xoog badan sidi h**e jaceylkooda oo xambaarsan Xamasad iyo Xiiso fara badan, iyago midba midka kale uu soo maray duruufo Adag, muddo dheerna kala maqnaa ayey hada isku soo laabteen ayagoo aad u wada Faraxsan.
Ruweyda Aabaheed ayaa qirtay inuu Raami iyo Aabihiisa xumeeyay, wuxuuna go'aansaday inuu Qaladkiisa saxo, wuxuuna ku booqday Raami iyo Aabihiisa Gurigooda, wuuna ka soo raali geliyay Qaladkii uu ka galay.
Sidaas darteedana Lamaanihi 10 sano ka dib ayey haddana dib isku Calfadeen, Aroos wada galeen, Farxad ayeyna ku wada Noolayeen, Ubadna ilaah wuu kala siiyay.
HALKAS AYEY KU DHAMAATEY SILSILSDI JACAYLKU DHALIN YARO ,
Dhamaad
๐ฅฐ โค๏ธ๐