19/12/2025
GABA-GABADA IMTIXAANKA KALKA KOOWAAD
Waxaa si guul leh ku soo dhammaaday imtixaankii kalka koowaad ee dugsiyada ku bahoobay dalladda Aadan Cadde, kuwaas oo kala ah Dugsiga Aadan Cadde Primary iyo Dugsiga Khaalid Binu Waliid Primary.
Imtixaankan oo socday muddo dhowr maalmood ah wuxuu ahaa mid si habaysan u dhacay, iyadoo ardaydu muujiyeen dadaal iyo feejignaan. Waxaa sidoo kale si hufan uga qayb qaatay maamulka labada dugsi, macallimiinta, waalidiinta, iyo hawlwadeenada kale ee fulinta imtixaanka.
Maamulka dalladda Aadan Cadde waxay u mahadcelinayaan dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta imtixaanka, gaar ahaan ardayda oo muujisay karti iyo niyadsami. Waxaa sidoo kale la bogaadinayaa dadaalka joogtada ah ee waalidiintu ku bixiyaan horumarinta waxbarashada ubadkooda, iyo macallimiinta oo si xirfad leh u gudanaya waajibaadkooda.
Ugu dambeyn, natiijada imtixaanka oo dhowaan la shaacin doono waxay ka turjumaysaa heerka aqooneed ee ardaydu ka gaareen kalka koowaad ee sanad-dugsiyeedka. Waxaa la rajaynayaa in ardaydu ku talaabsadaan horumar joogto ah, isla markaana wajigga labaad ee bilaaban doona 1/1/2026 ay uga qeyb galaan adkaysi iyo dhiiranaan dheeri ah.
Wabillaahi Towfiiq