26/09/2025
Maamulka Jaamacadda Islaamiya faraceeda Galmudug-Galkacyo ayaa ka qeyb galay xafladda qalin-jabinta dufcadda 10-aad ee ka qalinjabisay Mac-hadka Al-imaam Almuzani, maamulka ayaa ugu hambalyeeyay ardayda qalin-jabintooda kuna booriyay in ay sii wadaan hayaankooda waxbarasho.
12/09/2025
DUFCADDA 6AAD EE JAAMACADDA OO DIFAACDAY DHIGANAYAASHA QALIN-JABINTA
11/09/2025 Waxaa ka qabsoomay Hotel Global ee Gaalkacyo Galmudug Kulan Ardayda Dufcadda 6aad ay ku difaacanayeen Dhiganayaasha Qalin-jabinta Jaamacadda.
Ardayda ayaa soo bandhigay Buugta ay qoreen, iyada oo Barayaasha Jaamacaddu ay su'aalo ka waydiiyeen ardayduna waa ay ka jawaabeen.
Niqaashka ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday si guul ah.
10/08/2025
Waxaa maanta magaalada Cadaado lagu qabtay xafladda qalin-jabinta dufcada 1-aad ee Jaamacada Islaamiyah faraca Galmudug-Cadaado. Xafladda waxaa ka qeyb galay maamulka sare ee Jaamacadda, mas'uuliyiin ka socotay Dowladda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
07/08/2025
Maamulka guud ee Jaamacdda ayaa kulan muhiim la qaatay qeyb kamid ah ardayda Jaamcadda faraca Gaalkacyo-Galmudug.
06/08/2025
Waxaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo wafdi ka socday Jaamacadda Islaamiyah oo uu hogaaminaayo Dr. Maxamed C/laahi Cabdi "Tooshow" oo ah maamulaha guud ee Jaamacadda; iyadoo safarka ay ku weheliyeen, madaxa diiwaan-galinta; Dr: C/laahi Haaruun Shiikh Cusmaan iyo Dr: Maxamuud Cumar Cabdi.
19/05/2024
تعزية
إنا لله وإنا اليه راجعون
بقلوب راضية بقصاء الله وقدره نعزي أسرة الجامعة الإسلامية في الصومال من طلابها وأساتدتها بوفاة الاستاذ/ عبد الله إبراهيم فارح عميد القبول والتسجيل، ونسأل الله سبحانه وتعالى أن يتغمده بواسع رحمته ويثبته بالقول الثابت ويلهم ذويه واسرة الجامعة الصبر والسلوان ويخلفهم خيرا منه
آمين آمين
29/09/2023
Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu qabtay xafladda qalinjabinta ardeyda Jaamacadda Islaamiyah faracaeeda Gaalkacyo, qeybta shareecada.
Xafladda waxaa kasoo qeyb galay; madax, culimo, odoyaal iyo mas'uuliyiin kale.
02/08/2023
Jaamacadda Islaamiyah faraceeda Gaalkacyo, waxay bilaabeysaa qabashada ardeyda cusub ee Sanad jaamacadeedka 2023/2024, horay ugaar oo oga hamuun beel barashada Cilmiga!
Mahadsanidiin
27/06/2023
عيد الأضحى المبارك
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
كل عام وأنتم بخير
.
04/06/2023
Jaamacadda Islaamiya faraceeda Gaalkacyo waxay u hambalyeynaysaa, Ardeyda Dufcadda 4aad ee difaacday buugtooda qalin jabinta.
Hambalyo dhammaantiin, waxaan idiin rajeunaynaa waayo qurux badan oo waxbarasho
22/03/2023
رمضان مبارك
كل عام وأنتم بخير
.