26/03/2026
Sheekh Cabdul Kariim Axmed ciise
Waa halyeey ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, iyo imaam ka mid ah imaamyada cilmiga, Alle wuxuu ku mannaystay inuu noqdo sabab khayr lagu helo, isla markaana uu dad badan ku hanuuniyo oo uu wax baro. Runtii wuxuu ka mid yahay kuwa soo nooleeya sunnada, isla markaana dib u cusboonaysiiya diinta.
Wuxuu ku barbaaray jacaylka cilmiga, wuxuuna dhex mushaaxay beerihiisa ilaa uu ka hantiyay qalabkii iyo aqoontii loo baahnaa, kuna noqday qof si qoto dheer ugu xididaysan cilmiga. Si gaar ah ayuu uga dhex muuqday cilmiga fiqiga, isagoo noqday imaam lagu daydo iyo meel loo noqdo, sababo la xiriira fahamkiisa dheer iyo hab-fikirkiisa cilmiyeed ee adag.
Sheekhu wuxuu leeyahay karti gaar ah oo uu si cajiib ah ugu sawiro masaa’ilka fiqiga, una fududeeyo macnahooda, uguna soo bandhigo qaab qurux badan oo maskaxda iyo qalbiga si wadajir ah u taabanaya. Waxaad mooddaa in macnayaashu hortiisa isu foorarsadaan, masaa’ilkuna afkiisa si cad uga muuqdaan, isagoo isku daraya qoto-dheeri cilmiyeed, fudayd sharaxaad, iyo qurux hadal.
Quluubta dadka ayuu kasbaday jacayl, arday badanna way ku hareereeyeen si ay uga faa’iidaystaan, waxayna duruustiisu noqdeen dugsiyo camiran oo ay ka aflaxeen culimo iyo daaciyaal badan oo iyaguna noqday iftiin hagaya bulshada, kana sii gudbinaya saameyntiisa wanaagsan.
Marka uu Kitaab akhrinayo, waxaa ka muuqda iftiin daacadnimo, waxaana laga dareemaa khushuuc iyo Tawaduc, waxaadna mooddaa inuu qalbigiisa ku akhrinayo ka hor indhihiisa, isla markaana uu naftiisa La hadlayo ka hor afkiisa, Sidaas darteed hadalkiisu wuxuu si fudud u galaa qalbiyada, wuxuuna yeeshaa raad waara.
Alle wuxuu isku daray cilmi anfaca iyo camal suuban, wuxuuna ku manaystay akhlaaq wanaagsan, dabacsanaan, iyo tawaduc badan, Wuxuu u dhow yahay dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba, wuxuuna caan ku yahay jacaylka ay u hayaan dadweynaha, Cilmigiisu ma kordhiyo wax Aan tawaduc Aheyn, mansabkiisuna ma kordhiyo wax kale mooyee naxariis iyo is-hoosaysiin.
Ilaahay ha ka abaalmariyo khayr badan Islaamka iyo Muslimiinta, ha barakeeyo cimrigiisa iyo cilmigiisa, hana ka dhigo mid dad iyo dalba anfaca, Ha ka yeelo kuwa lagu yiraahdo: “Tani waa wixii Raxmaanku kuu ballanqaaday, rasuulladuna run bay sheegeen.” Ha u daayo raadkiisa mid sii waaraya inta ay habeen iyo maalin is daba socdaan.
Waxaa Qorey ✍️Cabdi-kariim Qaasim Al-cadaala.