22/05/2025
Maanta oo ay tariikhdu tahay 22/May/2025 waxaa Gudoomisada Ururka ardayda Jamacada Rsu-st magacowday afar xubnoodo oo ka mid ah Golaha Fulinta Jamacada
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka ay saxiixdo Gudoomisadu, wayna Saxiixday
□□□□□Dhamaad□□□□□
Mahadaanid.
21/05/2025
Hambalyo Guul-dhalinyaro!
Waxaan hambalyo diiran u dirayaa ardayda si guul leh u difaacday buuggooda jaamacadeed. Dadaalkiinna iyo adkaysigiinnu maanta midho ayuu dhaliyay, waana astaan cad oo ka tarjumaysa kartidiinna iyo himiladiinna sare.
Waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad guushan ka dhigtaan bilow cusub oo aad ku gaartaan heerar ka sarreeya nolol iyo aqoonba.
Hambalyo mar kale – mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa!
16/05/2025
Shalay oo ahayd khamiis tariikhduna ahayd 15/may/2025 waxaa kulan Guud isugu yimaaday Gudoonka ardayda iyo Gudoomiyayaasha Fasalada.
Kulankaan waxaa Gudoominayey Gudoomisada jamacada Marwo Maryan Awil Ali waxaana Goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Jamacda Abdullahi Abdulkadir Mahamed iyo sidoo kale Xoghaya Guud ee Jamacada Abdihidan Abdinuur yuusuf
Alle mahad iska leh
15/05/2025
Maanta oo taariikhdu tahay 15/may/2025 waxaa soo dhamaaday imtixaanka finalka ee jamacadda badacas faraceeda galkacyo
Ardayda waxaan u rajaynaynaa Guul iyo Hormar wanaagsan
12/05/2025
Bisimlaah
Anoo magacayga yahy Maryama Awil Ali Ah Gudomisada Jamacada Red sea Waxaan halkaan ka cadaynayaa inaan warqadaan ku raacsanhy lixdaa Gadomiye hadii xal wara lagagaari waayo arinta taagan inaa la fikir iyo dareen ahay lixdaa gadomiye
09/05/2025
Caawa oo ay tariikhdu tahay 09/May/2025 waxaa Gudoomisada Ururka ardayda Jamacada Rsu-st magacowday Labo xubnoodo oo ka mid ah Golaha Fulinta Jamacada
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka ay saxiixdo Gudoomisadu, wayna Saxiixday
□□□□□Dhamaad□□□□□
Mahadaanid.
03/05/2025
Maanta oo ay taarikhdu ahayd 03/05/2025, waxaa xilka gudoomiyaha ururka arday la kala wareegay gudoomiyihii h**e ee ardayda Jaamacadda Sicid Cawil Cali oo ahaa gudoomiyihii h**e.
waxaana xilka kala wareegtay gudoomiso Maryan Cawil Cali oo ah gudoomiyaha cusub ee ururka ardayda Jaamacadda.
Waxaan u rajeyneynaa guul iyo hogaamin suuban.
22/04/2025
Doorshada gudoomiyaha ururka ardayda Jaamacadda Badda cas Galkacyo ayaa dhaceysa 24/04/2025.
Waxaana ku tartamaya labada murashax ee kala ah:
1_Abdikariim Ali Husein ka tartamaya kulliyada dhaqaalaha iyo
Maryan Awil Ali ka tartamaysaa kulliyada culuumta caafimaadka.
Guul baan u rajeyneynaa
21/04/2025
Waxaan taageerayaa doorashada Gudoomiyaha Ardayda jamacada badacas
Oo laqabanayo 24-may-2025 kuna adaan mailinta khamiistaa waxaan kaloo tageeraya ardayda utartamaysaa hogaaminta ururka ardayda jamacada
waxaan u mahadcelinyaa dhamaan dhalanyarada kashaqaynaysa qabashada tartanka gudoomiyaha ardayda
waxaan kaloo umahad celinayaa dhamaan ardayda igala shaqaysay inta aan xukunka hayay
waxaan kaloo umahadcilniyaa dhamaan maamulka ardayda jamacada oo runtii aan la shaqaynayay muda dheer
Waxaan rajaynayaa in illahay inoo soosaro mid dhamaanteen ina hogaamiya naguna hoogimaya hormarada kala duwan.
Wabilahi tawfiiq
23/03/2025
Caawa waxa wada cayaari doona afternoon shift team ECONOMIC VS COMPUTER
19/03/2025
Waxa xalay wada ciyaaray labada kulliyadood Health Science & C.S
Waxaa laba iyo waxba ku badisay kooda Health Science.