17/06/2026
Waxaa si habsami leh oo nabad ah ku soo idlaaday maalintii 4-aad ee Todobaadka Bandhigg Cilmiyeedka Ardayda Jaamacadda Modern, kaas oo sanadkiisii 4-aad ka socday Jaamacadda Modern Faraceeda Galkacyo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo agaasimayaal ka tirsan Dowladda Galmudug, musharraxiin u taagan Golaha Wakiillada Galmudug, musharraxiin u taagan xilka Duqa Degmada Galkacyo, Duq Ku-xigeenka Degmada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.
Sidoo kale, bandhigga waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ay ku jiraan waalidiin, odayaasha dhaqanka, maamulka Jaamacadda, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Modern.
Waxaa sidoo kale Madasha goob-joog ka ahaa ardayda dugsiyada sare ee dhawaan u fariisan doona Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad, kuwaas oo fursad u helay inay daawadaan hal-abuurka, cilmi-baarista iyo mashaariicda ay soo bandhigeen ardayda Jaamacadda.
Todobaadka Bandhigg Cilmiyeedka ayaa ujeeddadiisu tahay dhiirrigelinta hal-abuurka, cilmi-baarista iyo isku-xirka aqoonta ardayda iyo bulshada, iyadoo la soo bandhigayo mashaariic iyo fikrado wax ku ool ah oo ka tarjumaya tayada waxbarasho ee Jaamacadda Modern.
Jaamacadda Modern β Galkacyo Aqoonta iyo Hal-abuurka Bulshada u Adeega.
17/06/2026
16/06/2026
16/06/2026
16/06/2026