01/09/2026
MACRUUF INTERNATIONAL COLLEGE
Xafiiska Maamulka Sare
DATE: 1/9/2026
UJEEDDO: HAMBALYO IYO BOGAADIN MAAMULAYAASHA CUSUB
Maamulka Sare, Guddiga Agaasinka, Macalimiinta, iyo dhammaan Hawlwadeenada Macruuf International College, waxay halkan Hambalyo, Bogadin, iyo Duco aan lasoo koobi karin uga dirayaan Maamulayaasha cusub ee loo magacaabay Dugsiyada Sare ee Yaasin Nuur iyo Cumar Samatar, kuwaas oo kala ah:
* Mr. Mohamed Abdullahi Khalaf β (Loo magacaabay Maamulaha Dugsiga Sare ee Cumar Samatar).
* Mr. Mohamed Ahmed Hassan β (Loo magacaabay Maamulaha Dugsiga Sare ee Yaasin Nuur).
Macruuf International College waxay u aqoonsan tahay labadan masuul inay yihiin tiirar lixad leh oo ka tirsan bahda waxbarashada Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobolka Mudug. Waxay muddo dheer, si hagar la'aan ah iyo dhabar-adayg leh, ugu soo khidmeeyeen barbaarinta, waxbarista, iyo hagidda kumanaan arday Soomaaliyeed ah.
Waa geesiyaal aqooneed oo qiimo weyn ugu fadhiya bulshada, khibraddooda ballaaran iyo daacadnimadooda shaqona ay tahay mid la wada qirayo.
Maamulku wuxuu Ilaahay uga baryayaa inuu ku asturo xilka culus ee loo igmaday, uguna fududeeyo gudashada waajibaadkooda. Waxaan aaminsanahay in magacaabistoodu tahay guul u soo hoyatay waxbarashada Gobolka Mudug.
Tixgelin iyo Sharaf,
Maamulka Macruuf International College with Macruuf online academy