23/08/2025
Galkacyo 22 - 08 - 2025
Waxaa maanta si guul leh uga soo xirmay Jaamacadda Daha tababbarkii ku saabsanaa Leadership & Management, kaas oo loo qabtay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada ardeyda jaamacadaha Galkacyo.
Tababbarkan oo socday laba maalmood waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey:
🌟 Guddoomiyaha Ardeyda Jaamacadaha Galkacyo (GUYA)
🌟 Machadka Manha Training
Waxaana lagu baranay casharro muhiim ah oo ku saabsan:
🔹 Xirfadaha hoggaaminta iyo maamulka
🔹 Iskaashiga iyo wada-shaqeynta kooxeed hoggaamineed ee ardeyda
Mahad ballaaran waxaan u jeedineynaa Maamulka Jaamacadda Daaha, Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug iyo Machadka Manha Training Centre.
Waxaa soo xiritaanka barnaamikja iyo shahaado gudoonsiinta nagala soo qeyb galey Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug, Ustaad Nawaal Shariif, dhakhaatiirta Gobolka iyo Xillibaan Abdullahi Awil Dhunkaal iyo marti sharaf kale.
~~Dhammaad~~
*****************************
GUYA MEDIA
WAAXDA WARFAAFINTA GUYA