09/06/2025
Dhuusamareeb 09/06/2025
Dhammaan maamulka iyo macalimiinta dugsiga hoose dhexe ee waaberi waxay duco iyo hambalyo udirayaan ardayda fasalka 8aad oo dhawaan ufadhiisa doona imtixaanka shahaadiga ee wasaarada waxbarashada galmudug qaadeyso.
Waxaan sidookale uga mahadcelineynaa martiqaadka iyo sagootinta ay galabta noogu sameeyeen duleedka magaalada.
Waxaan idin leenahay guuleysta imtixaankana allaha idiin fududeeyo.
fans
11/01/2025
Dhuusamareeb: 11/01/2025
Maanta oo taariikhdu tahay 11/01/2025 waxaa dugsiga hoose dhexe ee waaberi Ka bilaawday imtixaanka dhexe(mid-term).
Dhammaan maamulka iyo macalimiinta dugsiga hoose dhexe ee waaberi waxay ardayda urajeynaayaan in ilaahey u fududeeyo imtixaanka si nabadana ay Ku dhameystaan.
Waaberi school ugu imaaw waxbarasho tayaysan.
DHAMMAAD
20/08/2024
Maamulka,macallimiinta,ardayda iyo dhaman reer Waaberi waxay Hambalyo farxadeed la wadaagayaan dhamaan ardayda fasalka 8aad oo dhamantood kasoo gudbay imtixankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug.
Tirada ardayda ka qayb gashay imtixaanka ayaa ah in ka badan 70 arday oo dhamaantood soo gudbay.
Guuleysta dhamaan ardaydeena.
18/07/2024
DHUUSAMAREEB, DUGSIGA WAABERI,16/7/204
=======================================
Waxaa si habsami leh noogu soodhamaaday xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay Ku qalin jabinayeen Arday caafimaad(Axulary nursing) Ka bartay Waaberi primary and secondary schools.Dhusamareeb.
Xaflada ayaa waxaa Ka qaybgalay xildhibaano heer state IYO heer deegaan isugu Jira, agaasimeyaal IYO maamulka DUGSIGA.
Waxaa ugu danbeyntii ardayda qalinjabisay la gudoonsiiyay Shahaado muujineysa heerkooda aqooneed.
DHAMMAAD
17/05/2024
Dhuusamareeb: 16/5/2024
MaalinKhamiis ah
Waxaa xarunta dugsiga Waaberi primary and secondary schools.Dhusamareeb laga sameeyay olole dhir beeris ah oo ay fulinayeen ururka Bulsho Bile.
Ololaha waxaa qayb ka qaadanayay maamulka dugsiga,macallimiinta iyo qaar kamid ah ardayda dugsiga
waxaana maamulku u mahadceliyay cid kasta oo qayb ka qaadatay howshan muhiimka ah isagoona ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan badqabka iyo ilaalinta geedaha lagu beeray dugsiga.
DHAMMAAD
13/03/2024
Dhuusamarreeb 3-1-2024;
Waxaa maanta oo arbaca ah noo qabsoomay tartanka RAMADAANKA ee school ka WAABERI PRIMARY SCHOOL.
kulankaan oo ahaa kii 1aad ayay isku arkeen labada kooxood ee kala ah:
1) Dalsan iyo
2) heegan
Tartanka ayaa ku soo dhammaaday barbardhac.
DHAMMAADO
13/01/2024
Dhuusamareeb, 13/01/2024.
Waxaa maanta si jawidegan ah noogu bilaawday imtixaanka dhexe(terem ka).
Dhammaan maamulka iyo macallimiinta dugsiga ayaa ardayda urajeeyay in ay imtixaanka ku baasaan.
Waaberi primary and secondary schools.Dhusamareeb ugu imaaw waxbarasho toosan oo tayeysan.
GUUL DHAMMAAN ARDAYDA DUGSIGA
03/01/2024
Inaa lilahi wa inaa ilayhi rajicuun dhaman Mamulka , Macaliminta iyo ardayda iskulka waaberi Dhusamareeb waxay tacsi u dirayan dhaman qoyska iyo ehelada ay ka baxday alle ha unaxaristee Nimco Cabdi Jamac oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan ka gudbay fasalka 8aad
Nimco waxay ahayd arday kuwanagsan Waxbarashada ilahay waxan uga baryaynaa inuu ku irsaqo janadisa
25/12/2023
DUGSIGA WAABARI DHUUSAMARREB: ISNIIN 24 DISEEMBAR 2023
Waxaa maanta na soobooqday kormeerayaal ka socday wasaaradda waxbarashada heerarkeedakala duwan.
Wafdigaan kormeerka ah ayaa hubinaayay tayada waxbarashada Dugsiyada galmudug gaar ahaan Dugsiga Waaberi primary and secondary schools.Dhusamareeb
Wafdiga ayaa mid mid u booqday fasallada Dugsiga waxa ayna bogaadiyeen shaqada ay hayaan maamulka iyo macallimiinta Dugsigu.
WAABERI SCHOOL UGU IMAAD WAXBARSHO TOOSAN OO TAYAYSAN
-----------------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
09/12/2023
Waabarei school ugu imaad waxbarasho tayaysan.
26/07/2023
Waa madalayasha iskulka waaberi iyo wasir kuxigenkii h**e ee wasaradda iyo DEO dagmada dhusamareeb Maxamuud Axmed Cali
Mahadsanidiin barayasha iskulka waaberi sharaf iyo karaamo ayaad mudantihiin waxqabadkinii wanagsaa waa lamahdiyay
Rag isla jaanqaday iskuna kalsoon ayaad tihiin
Hambalyo macaliminta Waaberi Dhusamareeb