Imaamu-Nawawi Primary And Secondary School-guricel

Imaamu-Nawawi Primary And Secondary School-guricel

Share

learning

Photos from Imaamu-Nawawi Primary And Secondary School-guricel's post 17/06/2026

Hambalyo iyo bogaadin!

Waxaan hambalyo iyo duco u diraynaa dhammaan ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Imaamunu Nawawi oo si guul leh u soo dhammaystay imtixaankoodii.

Waxaan aad ugu faraxsannahay dadaalkii, samirkii, iyo kartidii aad muujiseen.

Waxaan Alle (SWT) idin kags baryeynaa inuu dadaalkiinna midho-dhal ka dhigo, idiinna waafajiyo natiijooyin wanaagsan, idin kana yeelo jiil aqoon, akhlaaq, iyo hufnaan ku hoggaamiya bulshada.

Hambalyo mar kale, mustaqbal ifaya iyo guulo isdaba joog ah ayaan idiin rajayneynaa.

Photos from Imaamu-Nawawi Primary And Secondary School-guricel's post 14/06/2026

Mahad oo dhan waxa ay u sugnaatay Allaah.

Maantay waxaa si habsami leh noogu soo idlaaday Imtixaankii Final-ka ahaa ee Sanad dugsiyaadkaan 2025/2026.

Muddadii uu socday imtixaanku waxaa laga dheehanayey wajiyada Ardayda diyaar-garow fiican, Anshax wanaagsan iyo Dadaal dheeri ah.

Waxaan u rajeyneynaa dhammaan Ardayda natiijo qurux badan oo aan ku wada faraxno dhammaanteen.

Imaamu-Nawawi Primary And Secondary School-guricel
Hoyga Tacliinta iyo Barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed.

07/06/2026

Shaafici Axmed Xasan oo ka mid ah Ardayda Fasalka 6-aad oo soo jeedinaya Khudbad Soomaali ah oo uu ugu mahadcelinayo Maamulka iyo Macallimiinta soo barbaarisay soona gaarsiisey heerka ay Maanta joogaan.

Photos from Imaamu-Nawawi Primary And Secondary School-guricel's post 06/06/2026

Ardayda Fasalka 6-aad ee Galableyda ayaa soo jeediyey Daabuurkoodii ugu danbeeyey Sanad-dugsiyeedkaan 2025-2026 kaas oo ay ku macsalaameynayeen Macallimiintooda iyo Ardayda kale ee ay Galabkii wada joogaan.

Ardayda ayaa guddoonsiiyey macallimiinta Amaal-marinno kala duwan, iyagoona halkaas ka soo jeediyey Daabuur qurux badan oo si wada jir ah halkaas ugu soo bandhigeen.

28/05/2026

Maamulka, Macallimiinta iyo qeyb ka mid ah Madaxda Jaamacadaha Degmada Guriceel.

Photos from Imaamu-Nawawi Primary And Secondary School-guricel's post 27/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Mudane Mohamed Hashi Dhore ayaa ka qeyb galay kulanka sagootinta Fasalka F4.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Maamulka iyo Macallimiinta shaqada ay haayaan isagoona Ardayda kula dardaarmay in ay bixiyaan juhdi dheeri ah si ay uga soo muuqdaan meelo wanaagsan.

27/05/2026

Maamulaha School-ka Sheikh Abdirisak ayaa u mahad celiyey dhammaan Masuuliyiintii, Waalidiintii iyo Marti-sharafkii ka soo qeyb galay Xafladda.

27/05/2026

Baddal Muuse oo ka mid ah Waalidiinta School-ka ayaa u mahad celiyey Maamulka iyo Mu'asiska Dugsiga Imaamu-Nawawi sida ay mar waliba u garab taaganyihiin.

Waxa uuna Ardayda ku booriyey in ay dadaalkooda sii laba jibbaaraan Maalmaha kooban ee dhiman.

27/05/2026

Ustaad Caddaawe oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa dardaaran dheer siiyey Ardayda isagoo ku dhiirragaliyey in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan waqtiga kooban ee u haray.

27/05/2026

Maamulaha Jaamacadda Ainul Hayat Abdifitah Ali Warsame ayaa Ardayda kula dardaarmay kuna dhiirragaliyey in ay dadaalaan hayaankooda Waxbarashana ay sii wadaan, una sheegay in ay garab taaganyihiin.

Want your school to be the top-listed School/college in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Guriceel
Dhuusamarreeb
CISMAANDEEQ