21/12/2024
๐๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐๐๐ ๐ข๐ง ๐ฆ๐๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ฅ๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐จ ๐ฌ๐จ๐๐๐๐ฒ, ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐๐ฆ๐๐๐ง ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐ ๐ญ๐ข๐ซ๐จ ๐๐๐๐๐ง, ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐ซ๐ค๐จ๐จ๐ ๐๐ก๐๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐จ ๐ก๐๐ฅ๐ข๐ฌ ๐๐ก ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐๐ก๐๐๐ง.
____________________________________________
"Shaqaalaha waxa jiray qaar ku dhaawacmay, qaar daanku jabay, qaar cagaf dul martay, goob shaqo weyn ka socoto waad qiyaasi kartaa" Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa-Max'ed Cali Darood.
______________________________________________
Dhibaato weyn ayaa ka jirta goobaha shaqada ee wadanka, lamana dareensana. Waxa jira kumanaan qof oo goobaha shaqada ku dhibaatooba, caafimaad darro ka qaada, shilal kala kulma, ama dhimashaba kasoo gaadho, haddana inooma tirsana.
Dhanka shilalka gaadiidka waxa jira haayado tira-kooba, baadhis ku sameeya, ganaaxyo saara cidda qaldan, laakiin goobaha shaqada cidna ma xisaabiso.
In aynu maqalno mashruuc laba sano oo kali ah socday, kana yar lacag 3 Million ah, ayey dhaawacyo culus soo gaadheen shaqaale badan, waa war aan lagu farxayn. Inta badan waxa lagu qiyaasaa mashruuca hal Million oo saacadood oo shaqo (1,000,000 hrs) inta dhibaato ee dhacday sida, dhimashada (Fatality), dhaawacyo culus( series injury), dhaawacyada fudud (Firs aid injury), dhaawacyada caafimaad ee dhakhar loo galo (medical treatment), inta saacadood ee qof kaga maqnaado xanuun (Lost time injury), taasina waxa ay muujisaa hab dhaqanka bedbaado ee mashruucaas ama shirkaddaas.
โSida uu qeexayo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee JSL, Xr 31/2020 " loo shaqeeyuhu waa in uu sameeyo deegaan ku habboon shaqada oo aan wax dhibaato ah u lahayn nabadgelyada iyo caafimaadka qofka shaqaalaha ah, sidoo kale waa in uu sameeyo wax kasta oo suurto gal ah ee lagaga hortagi karo khatar ka timaadda goobta shaqada".
โ Waa daryeel masulliyadeed (Reasonable care) in la ilaaliyo bedqabka qofka soo shaqo tagay, oo uu goobta shaqada ka noqdo isagoo nabadqaba.
โWaa in wax laga bartaa shil kasta oo dhaca, la qoraa warbixintiisa, lana baadhaa, wixii laga bartana la saxaa si looga hor tago in uu mar kale dhaco shilkan oo kale.
โWaa in ay jiraan haayado qaranka u qaabilsan ilaalinta, daba galka iyo daryeelka bedqabka iyo caafimaadka shaqaalaha, loona gudbiyaa dhib kasta oo ka dhaca goobaha shaqada.