Abdisomane primary and secondary school
Hoygii aqoonta
School tayadiisa waxbarasho ay aad usareyso
Abdisomane primary and secondary school 👍
Abdisomane Primary And Secondary School
aqoon la aan waa iftiin la aan
xikmad waxbarasho oo nolosha qofka ku saabsan
Feb, 13,2,2023
Xikmad waxbarasho oo nolosha qofka bini Adaamka ku saabsan
Sidhan beey leedhay
Wax u baro sidi adigoo weligaa noolaanaya, Unoolaaw sidi adigoo berri dhimanaya.
ABDISOMANE PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL
10/02/2023
5 mar 2015
Skip to content
Abdisomane primary and secondary school
Abdisomane primary and secondary school
ururka Ardada iskuulka ABDISOMANE primary and secondary school
WACYIGALIN
Qiimaha Waxbarashada iyo saamaynta ay ku leedahay shakhsiyadda qofka
10, Feb 2023
Waxaa hubaal ah oo la xaqiijiyey in taariikhda Bini-Aadanku mar walba tahay tartan joogta ah oo ka dhexeeya AQOONTA (Education) iyo HOOGGA (Catastrophy). Taasi waxa ay faraysaa cid kasta oo mas’uul ka noqota ummaddeeda in ay himillada koobaad ka dhigato dhiska AQOONTA dadkeeda, si tartanka loogu guuleysto, himilooyinka Qaran ee fog-fogna loo sugo. Haddii kale oo ciddii xilka loo egmaday taa dhayalsato oo hareer dhaafto, waxa hubaal ah in ummaddaasi ku dambeynayso HOOG iyo Dhibaato is daba joog ah.
Waxa run ah oo aan la diidi karin, in marba heerka WAXBARASHO ee bulshadu leedahay, in mustaqbalkeeda iyo horumarkeedu ku xidhan yahay. Tanina waxa ay waajib inagaga dhigaysaa in aynu ahmiyad weyn saaro waxbarashada dadka si aynu u gaadhno himilooyinka aynu leenahay.
WAXBARASHADA IYO SAAMEYNTA AY KU YEELATO DADKA IYO DALKA.
Waxbarashadu waa nidaam barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada. Waxa ay jihaysaa aayaha waddan iyo dadka ku nool, waana hagaha ummadda oo la’aanteed aanay jiri karin nadaam, hormar iyo kaladambayn toona.
Ma jiro Dhaqaale kobcayaa oo h**e u marayaa haddii aan aqoon lagu qorshayn oo lagu maamulayn. Ma jirto bulsho is beddel iyo horumar gaadhaa; haddii aqooni maqantahay. Mana jirto bulsho hab nololeedkeeda sare u qaadi kartaa; haddii aanay aqoonta dadkeeda adeegsan.
Noociyada Wax-barashada ee ummadi u qorshayso dadkeeda, waa in ay noqotaa mid laga rabo in ay ka jawaabto marba baahida iyo mushkiladaha/dhibaatooyinka waddanka haysta. Waa in wax-barashadu ahaataa mid lagu sar gooyey dhaqanka iyo diinta aasaaska u ah bulshada, hab nololeedka, habka wax-soo-saarkeeda iyo bii’adda dalka. Wax-barashada ummadi dadkeeda iyo dalkeeda u qorshaysaa, waa in aanay noqon mid ummad kale u qorshaysay dadkeeda iyo baahida iyo dhibaatada u gaarka ah. Waa in wax-barashada heer kastaba lagu sar gooyaa baahida iyo dhibaatooyinka dalka iyo dadka u gaarka ah.
QOFKA IYO WAXBARASHADA
Siyaasadda wax-barashada iyo manhajka Qaranku ugu talo galay dadkiisa waa in u noqdaa mid qofka ku kobcinaya oo ku barbaarinaysa sifooyinka hoos ku qeexan :-
Waa in ay noqotaa mid dhisaysa/ korinaysa QOFKA shakhsiyaddiisa u garka ah, awooddiisa maskaxeed iyo tan jidheed ee ku duugan ilaa halka ay gaari karto.
Waa in ay noqotaa mid qofka u dhisaysa ixtiraamka WADDANINIMO oo u hoggaansan sharciyada, Qof bulshada wax soo saar u leh, Qofka ixtiraam u leh xuquuqda aadamiga iyo xorriyadda qofka ee aasaasiga ah.
Advertisements
REPORT THIS AD
Waa in ay noqotaa mid ku barbaarisa oo ku abuurta QOFKA ixtiraamka iyo u hilowga dhaqankiisa, afkiisa iwm.
Waa in ay ahaataa mid abuurta qof mas’uul ah oo bulsho ku dhex noolaan kara, qof bulshada fahami kara, nabadda u adeega, dulqaad leh, jecel wada noolaashaha iyo midnimada dadyowga kale.
Waa in ay ahaataa mid abuurta dareen badbaadinaya bii’adda dhulka iyo wixii ku nool sida:- dhirta/ baadka iyo noolaha kale ee ku dhaqan bii’adaha kala duwan ee dalka.
Waa in ay ahaataa mid Qofka si ballaadhan ugu dhista awood farsamo iyo hab shaqo oo u suuragelisa ku fillaanta waajibaadka noloshiisa iyo tan reerkiisa iyo ciddi kale ee uu mas’uul ka yahay.
Waa in ay ahaataa mid qofka h**e u marisa dabeecadaha iyo aadaabta suubban ee qofka si uu dad la dhaqan u lahaado.
Waa in ay ahaataa mid qofka u dhista fikir xor ah (Rational Thinking).
Waa in ahaataa mid qofka ku beerta dhaqan wax akhris, wax-barasho iyo cilmi baadhis socota.
Waa in ay ahaataa mid ku barbaarisa garashada waajibaadka ka saaran bulshada iyo waddanka iyo waxa qofku xaq ugu leeyahay bulshada iyo waddanka (Responsibilities and entittelments).
Waa in ay ahaataa mid qofka ku barbaarisa:- Maxaa xaq ah maxaa se xaq darro ah, maxaa sharci ah maxaa se sharci darro ah.
Waa in ay ahaataa mid qofka ku abuurta kalsooni uu cid kale ugu gudbin karo fikir kiisa iyo waxa uu yaqaan.
Sifooyinkaasi waa kuwa la rabo in qofku ka hantiyo habka wax-barashada ee ummadi u qorshaysay dadkeeda. Manhaj iyo agab waxbarasho oo ah kii habboonaa, qayb weyn ayay ka qaataan barbaarinta qofka.
Waxa kale oo la ogyahay in ay jiraan waxyaalo kale oo iyana saameyn muhiim ah ku leh wax-barashada qofku helayo, waxaana ka mid ah: –
Bulshada qofku ku dhex nool yahay.
Xirfadda iyo heerka waxbarasho ee waalidka.
Jiilka uu la korayo.
Meesha iyo bii’adda uu wax ku baranayo.
Laybareriga ka jira dugsiga ama magaalada.
Muusimyada dhaqanka iyo taariikhda.
Dugsiga iyo macallimiinta wax u dhigta
QOFKA IYO WAXBARASHADA Siyaasadda wax-barashada iyo manhajka Qaranku ugu talo galay dadkiisa waa in u noqdaa mid qofka ku kobcinaya oo ku barbaarinaysa
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Balad Weyn