18/01/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN.
Maamulka iyo macallimiinta Sayid Warsame Secondary School. waxay si weyn ugu hambalyeynayaan ardayda fasallada kala duwan ee ku guuleystay Imtixaanka Midterm-ka.
Waxaan si gaar ah u hambalyeynaynaa saddexda (3) arday ee ugu sarreeyay fasal kasta, kuwaas oo galay kaalmaha koowaad ee natiijooyinka imtixaanka.
Hambalyo dadaalkiinna iyo adkaysigiinna. Waxaad tihiin mustaqbalka ifaya ee deegaanka iyo dalka, waana ku faanaynaa guushiinna.
Ku sii dadaala waxbarashada, guul ayaana idiin rajeyneynaa dhammaantiin .
04/01/2026
Waxaa inoo bilowday Imtixaamka Mid- term ee Sanad Dugsiyeedka 2025-2026.
Dhamaan Ardeydeena waxaan u rajeyneynaa Guul.
Sayid Warsame Secondary School.
17/10/2025
๐๐ Sayidwarsame Secondary School oo soo dhoweynaya Maktabadda Guud ee Bardheere! ๐๐
Maamulka iyo ardayda Sayidwarsame Secondary School waxay si diirran u soo dhoweynayaan Bardheere Public Library, oo booqasho aqooneed ku imaaneysa dugsigeenna. ๐คโจ
Booqashadani waa fursad lagu xoojinayo xiriirka aqoonta, akhriska iyo hal-abuurka dhalinyarada. ๐ก๐
Ku soo dhowow Maktabadda Bardheere!
Waxaan rajeynaynaa wada shaqeyn iyo is-dhaafsi aqooneed oo miro dhal ah. ๐ฟ
๐
๐
โจ
๐
29/08/2025
๐ข Hambalyo & Ogeysiis Dib-u-furista Iskuulka ๐ข
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii sanadkan 2025 ku guuleystay imtixaanka Form 4. Guushiinnu waa sharaf iyo xasuus qiimo leh, waxaanan idiin rajaynayaa guulo kale oo waaweyn inshaโAllah. ๐๐
Waxaa lagu wargelinayaa in Sayidwarsame Secondary School dib loo furi doono 01/09/2025.
Ardayda waxaa laga rabaa in ay ogaadan in:
โ
Arday sannadkii h**e iska maqnaa lagu dari doonin fasalka cusub.
โ
Ma jiri doonto aqbalid arday muddo bil dhan maqnaada kadibna kusoo laabta.
โ
Akhlaaqda, muuqaalka iyo dhaqanka diineed waa in si buuxda loo dhowraa.
โ
Casharrada si dardar leh ayey u socon doonaan, mana loo joojin doono maqnaanshaha ardayda.
โ
Bedel arday lama aqbali doono wixii ka dambeeya 3 bilood kadib furitaanka.
Waxaan rajaynaynaa sannad dugsiyeed guul iyo horumar leh dhammaan ardayda iyo waalidiinta. ๐
Sayidwarsame Secondary School # #
28/07/2025
Fariin Duco Ah
Bahda Sayidwarsame Secondary School waxay si weyn uga xun yihiin dhaawaca soo gaaray mid kamid ah ardaydeena qaaliga ah ee sanadkan u fariistay imtixaanka Fasalka 4-aad, Abdinajiib Gargaar, oo xalay dhaawac xabad wiifto ah uu kaga gaaray magaalada Doolow.
Alxamdulillaah, wuu nool yahay, waxaana Alle (SW) ka baryeynaa inuu u shifo, caafimaad buuxa siiyo, dhaawaciisana u beddelo ajar iyo dambi dhaaf. Waxaan sidoo kale u diraynaa duco iyo taageero, isaga, qoyskiisa, iyo dhammaan asxaabtiisa.
ุงูููู
ุฑุจ ุงููุงุณ ุฃุฐูุจ ุงูุจุฃุณ ุงุดูู ุฃูุช ุงูุดุงููุ ูุง ุดูุงุก ุฅูุง ุดูุงุคูุ ุดูุงุกู ูุง ูุบุงุฏุฑ ุณูู
ุง
Sayidwarsame Secondary School # # #
30/06/2025
Great ๐
Sayid Warsame Secondary School.
Nala wadaag sawirada dugsigaaga si aan inagana bulshada ula wadaagno.
Nagala soo xiriir WhatsApp 61 0144437
Somali Education Directory-SED
22/06/2025
Fariin Qiimo Leh oo Ka Timid Mid Ka Mid ah Ardaydii Aflaxday
Waxaa nalasoo gaarsiiyay fariin kooban oo qiimo leh oo ka timid mid ka mid ah ardaydii sanadkan dugsiga ka aflaxday, asagoo matalaya dhammaan ardaydii la qalinjebisay. Fariintan waxay xambaarsan tahay mahadnaq, dhiirrigelin iyo wacyigelin muhiim u ah ardayda weli waxbarashada ku jirta.
Waxay tusaale u tahay in dadaalka iyo anshaxa wanaagsan uu horseedo guul.
Ka: Muxyadiin Abdinoor Buule (Al-saxnuuni)
Asc dhammaan waa idin salamay salaan ka bacdi .
Mahadcelin
Mahad oo dhan Allah baa leh (SWT) โ Eebaha na abuuray, na siiyey caafimaad iyo fursad aan ku baranno. Waxaan ka baryayaa inuu cilmigeenna nagu anfaco, naguna barakeeyo dadaalka aan bixinnay.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Waalidiinteyda iyo walalahega qaaliga ah, oo ahaa tiirka ugu weyn ee nolosheyda. Dulqaadkooda, garab istaaggooda, iyo ducadooda ayaa igu hanuunisay waxbarashada ,
maalin walba waan u mahadnaqayaa. Allah ha u siyaadiyo caafimaadka, cimri dheer iyo raxmad waasac ah.
Waxaan kaloo u mahadcelinayaa maamulaha dugsiga SAYID WARSAME SECONDARY SCHOOL (Utaad Aweys Aadan xaaji da'uud) oo nagu hagay si caddaalad ah oo xilkasnimo leh, kuna dadaalay horumarinta waxbarashada iyo anshaxa ardayda.
Macalimiinta sharafta leh, waxaan idin leeyahay mahadsanidiin. Cilmiga aad nagu beertaan wuxuu nagu noqon doonaa iftiin nolosheenna oo dhan. Juhdigiinna, samirka aad noo samayseen, iyo hagidda aan marna la iloobi karin โ Alle ha idiinka abaalmariyo.
Howlwadeenada dugsiga, sida kuwa nadaafadda, waardiyeyaasha, iyo cid kasta oo si toos ah ama si dadban uga shaqeysa dugsiga โ aad baad u mahadsan tihiin. Doorkiinna waa muhiim, waxaana idiinku ducaynayaa kheyr iyo barako.
Ugu dambayn, walaalahayga ardayda ah, dhammaantiin waxaan idin leeyahay mahadsanidiin. Waxaan wadaagnay waqtiyo badan, farxad, tartan, iyo dadaal. Waan idin jeclahay dhammaantiin, waxaana rajaynayaa in guul walba aad gaartaan adduun iyo aakhiroba.
Nasiib wacan aniga iyo wallaahayga ardayda .
W/Q: Muxudiin Al-saxnuuni
19/06/2025
๐Taariikh: 19ka Juunyo 2025
๐ Dhammaadka Imtixaannada Fasalka 4aad โ Hambalyo & Bogaadin Rasmi ah
Maamulka, macallimiinta, iyo guud ahaan bahda Sayidwarsame Secondary School waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyey imtixaannada k**a dambaysta ah ee fasalka 4aad ee dugsiga sare.
Gaar ahaan, waxaan si qoto dheer u ammaaneynaa ardayda dugsigeenna kuwaas oo muujiyey dadaal, adkaysi, iyo niyadsami mudan in lagu faano. Waxaad ka gudubteen marxalad muhiim ah oo noloshiinna ah, waana bilowga safar cusub oo ku wajahan aqoon, iftiin iyo horumar.
Waxaan idiin rajeyneynaa natiijooyin farxad leh, iyo mustaqbal ifaya oo aad ku gaartaan hammigiinna nololeed.
Ha illoobin in guushu ay la timaaddo samir, dulqaad iyo dadaal joogto ah.
> "Himilo sare iyo hufnaan maskaxeed, waa furaha guusha. Nabad iyo naruuro ha idinla jirto dhammaantiin."
Sayidwarsame Secondary School
12/06/2025
Hambalyo & Soo Dhaweyn โ Mudane Aweys Adan Xaji Shukane
Maamulka, macallimiinta, iyo guud ahaan bahda Sayidwarsame Secondary School waxay hambalyo iyo soo dhaweyn diirran u dirayaan Mudane Aweys Adan Xaji Shukane, oo mar kale loo magacaabay maamulaha dugsiga, maanta oo ay taariikhdu tahay 12-06-2025.
Mudane Aweys waa shaqsi lagu yaqaanno dadaal, hufnaan iyo hoggaan karti leh, isagoo h**ey u soo qabtay xilkan si hagar laโaan ah.
Waxaan rajaynaynaa in dadaalkiisa joogtada ah uu sii xoojiyo horumarka iyo hufnaanta dugsigeenna qaaliga ah.
11/06/2025
Hambalyo & Duco:
Xafladdii Qalin-Beddelashada Ardayda Form 4 20242025. 10/06/2025
Xafladdii dhammaadka sanad-dugsiyeedka ee shalay ka dhacday Sayidwarsame Secondary School waxay ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, loona xasuusan doono.
Waxaan halkan si diirran ugu mahadcelinaynaa:
โ
Ardaydii abaabushay xafladda
โ
Macallimiintii garab istaagtay
โ
Waalidkii iyo martidii sharafta badnayd
โ
Iyo dhammaan intii qayb ka ahayd maalintaas qiimaha leh
Ardaydii abaabushay: Waxaa idinka muuqday karti, hal-abuur iyo hoggaan dhab ah. Adinku waad istaahishaan bogaadin, mahadnaq, iyo tixgelin gaar ah.
Ducaduna waa:
> โจ Ilaahay ha idiin fududeeyo imtixaanka idiin soo socda, ha idinka dhigo kuwa guusha ku tallaabsada, cilmigoodana ha u barakeeyo. Aamiin. โจ
Sayidwarsame Secondary School waxa ay mar walba garab taagan tahay ardaydeeda dadaalka leh.
Mahadsanidiin.
06/01/2025
Imtixaanka schoolka sayid warsame
Waxaa si habsami leh usocda imtixaankii term-ka dhexe ee dugsiga sare ee sayid warsme secondry school kaas oo ardeyda ay ufadhiisteen arbacadii lasoo dhaafey.
Maamulka iskuulka iyo macalimiinta ayaa kormeereya ardeyda oo imtixaanka ufadhida. Waxa ayna kula dardaarmeen iney si kalsooni leh kugalaan imtixaanka aqoontoodana kaashadaan .
Ugu dambeyn Maamulka iyo maclimiinta ayaa waxay guul urajeynayaan dhammaan ardeyda imtixaanka kujirta.
# knowledge us light