Somali Center for Policy Research

Somali Center for Policy Research

Share

Somali Center For Policy and Research

17/10/2024

๐Ÿ“ŒAnalyzing Shocks in Somalia: Beyond Climate Concerns๐Ÿ”ฆ

Recent data from the Somalia Integrated Household Budget Survey (SIHBS) 2022 highlights a critical issue facing the Somali people. According to the treemap, account for 40.6% of the total shocks experienced, closely followed by at 37.2%. The data also reveals thatโ€” or severe water shortage at 35% and Large rise in at 36%โ€”collectively account for 71% of all shocks. This underscores that economic and environmental shocks are significantly affecting the daily lives of Somali communities.

The absence of local production, combined with a highly dollarized economy lacking its own currency, worsens the effects of inflation.

The substantial increase in food prices is directly linked to the country's massive import bills and the scarcity of local production. This dependency makes us vulnerable to global market fluctuations, diminishing the purchasing power of households.

Moreover, the prices of local essential goods might rise from, for example, $1 to $1.50 or $2, due to the dollarized and digitalized economy, and this is an immediate 50% to 100% surge in prices. It is hard to encounter prices between $1 and $1.50. This volatile pricing pattern complicates household budget management, leading to heightened financial stress and uncertainty.

Official statistics may report moderate inflation rates, but the lived experiences of Somali citizens tell a different story. The stark discrepancy between and inflation underscores the pressing need for robust monetary policies. Implementing strategic measures, including the issuance of new currency to stabilize prices and restore economic confidence, is essential in the short term.

๐Ÿ”Addressing inflation through effective monetary policies is not just necessaryโ€”it is urgent. By prioritizing economic stability, we can establish a resilient foundation for all to thrive.

Photos from Somali Center for Policy Research's post 31/05/2024

Fariintan ayaa lagu qoray albaabka laga galo Masjid kuyaal wadanka Turkiga. "Muslimiinta sharafta badanoow! Masaajidka marka aad ku tukanaysaa, hadii qaybta dambe laga waayo caruur qoslaysa codkooda, waa in aad u baqdaan jiilkiina dambe/mustaqbalka.

30/04/2024



Dhaqalaha Soomaaliya inkasto ay jirto dib u habayn hadana waxa uu wajahayaa caqabado gaar ah. Sanadihii la soo dhaafay, dalku waxa uu la daalaa dhacayey colaado, xasillooni darro siyaasadeed, iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda, sida abaaraha, iyo fatahaadaha. Arrimahaasi waxay si weyn u hor istaageen kobaca dhaqaalaha iyo horumarka guud wadanka.

Arimahaasi waxay Soomaaliya ka dhigeen in ay ka mid noqoto wadamada ugu dakhliga yar Afrika. Sanadan 2024 GDP-ga qofkiiba (PPP) waxay gaadhaysaa 1176 oo dollar, taasoo ka dhigaysa inay ka horeyso keliya Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo Burundi.

Marka loo eego dariiqa/wadada ay hadda ku socoto Soomaaliya, GDP-ga qofkiiba (PPP) ayaa la filayaa inuu waxyar kordho sanada 2045 taas oo ah 1722 dollar. Si kastaba ha ahaatee, tiradan ayaa aad uga hoosaysa, marka la barbar dhigo celceliska (4123 dollar) dalalka dakhligoodu hooseeyo isla sanadkaas.

Si kale aan u dhigo, hadii celceliska wadamada dhakhligoodu hooseeyo manta ka sareeyo Soomaaliya 900 oo dollar, labaatan sano ka dib waxay ka sarayn doonaan 2400 oo dollar, taas oo la micno ah in dhaqaalaha wadamadaasi la saadaalinayo in uu si xawli ah u kori doona, halka Soomaaliya xaaladeedu aanay weli soo fiicnaan doonin.

Tani waa qaylo dhaan ku socota mustaqbalka, hadii Soomaalidu aanay ka leexan wadadii ay soo hayeen 30 kii sano ee la soo dhaafay, meel fog ma gaadhi doono 30 sano ee soo socda.

21/09/2023

๐•๐”ธโ„๐•Œโ„•๐•‹๐”ธ โ„‚๐•€๐•ƒ๐•„๐•€-๐”น๐”ธ๐”ธโ„๐•€๐•Š๐•‹๐”ธ ๐•Š๐•€๐•๐”ธ๐”ธ๐•Š๐”ธ๐”ป๐”ป๐”ธ ๐•Š๐•†๐•†๐•„๐”ธ๐”ธ๐•ƒ๐•€๐”ป๐”ธ

๐—•๐—ข๐—ข๐—Ÿ๐—œ๐—ฆ๐—”๐—ฌ๐—ก๐—ง๐—” ๐—•๐—จ๐—Ÿ๐—ฆ๐—›๐—”๐——๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—ฆ๐—จ๐—š๐—œ๐——๐—” ๐—”๐— ๐—ก๐—œ๐—š๐—”

๐—›๐—ข๐—ฅ๐——๐—›๐—”๐—–
Xarunta Cilmi-baarista Siyaasadda Soomaalidu waa xarun loo dhidbay cilmi-baarista, lafa-gurka, taxliilinta iyo gorfaynta arrimaha khuseeya siyaasadda Soomaalida. Xaruntu waxay ay sidoo kale u dhidban tahay ka talo bixinta, iyo curinta Siyaasadaha muhimka u ah wax ka qabashada xaaladaha cakiran ee soomaalida haysta. Xaruntu waxa ay ku dedaalaysaa inay noqoto rug loo aayo hoyna u noqoto deraasaynta arimaha bulshada, ka talo bixinta iyo alifaadda siyaasadaha muhimka u ah bedqabka, horumarka iyo koboca xooggan ee bulshada.

๐—›๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ
Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa bilaabay in uu sameeyo ciidamada xasilinta ee magaalo madaxda maamulkaasi ee Laascaanood. Hadaba Xarunta waxay soo jeedinaysaa in la sameeyo Boolistaynta Bulshada (Community Policing).
Boolistaynta Bulshadu (BB) waa hab udub dhexaad u ah kobcinta xidhiidh wanaagsan oo dhexmara saraakiisha booliiska iyo bulshada ay u adeegaan. In kasta oo ay muhiim tahay in la ogaado in SSC-Khaatumo, sida gobollo kale ee dalka, ay wajaheyso caqabado ammaan oo muuqda, hadana samaynta BB waxay keeni kartaa in la helo xal macquul ah oo lagu yareeyo caqabada amni. Hoos waxaan ku eegi doona todoba qodob oo muhiim u ah samaynta arintan:

1. ๐—จ๐—ป๐˜‚๐—ด๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ
Maamulka SSC-Khaatumo waa in ay dhisaan unugyo boolis oo bulsho oo gaar ah oo ka tirsan waaxyahooda booliiska. Unugyadani waxay u heellanaan doonaan dhisidda iyo ilaalinta xidhiidhka togan ee bulshada.

2. ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ
Samaynta guddiyo xaafado oo ka kooban xubnaha bulshada ayaa ka caawin kara booliska in ay ka hortagaan khataraha amni. Ku dhiiri geli samaynta barnaamijyada ilaalinta xaafadaha halkaas oo dadka deegaanka ay iskaashi la sameeyaan sharci fulinta si ay u soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada shakiga leh. Barnaamijyadani waxay booliiska u noqon karaan ilo xogeed qiimo leh.

3. ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—ท๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ & ๐—๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ
Awood siinta hogaamiyayaasha bulshada dhexdeeda laga qadariyo iyo Jamaahiirta ayaa noqon kara kuwa u adeegi kara isku xidhka dadka iyo booliiska. Waxayna gacan ka geysan karaan in la xakameeyo farqiga u dhexeeya sharci fulinta iyo bulshada, kobcinta kalsoonida iyo iskaashiga.

4. ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ & ๐—ช๐—ฎ๐—ฐ๐˜†๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ
Ku dhiirigeli xubnaha bulshada inay la yimaadaan fikradahooda iyo xalalka wax ka qabashada arrimaha badbaadada. Lahaanshaha bulshada waxay ka dhigan tahay in bulshadu ay door muhiim ah ka ciyaarto aqoonsiga mashaakilaadka iyo inay si wadajir ah ula shaqeeyaan sharci fulinta si loo xalliyo.

5. ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฎ
Ku dhiirigeli xubnaha bulshada inay la wadaagaan macluumaadka booliiska ee ku saabsan fal-dambiyeedka ama arimaha laga shakiyo. Tani waxay u baahan tahay kalsooni heer sare ah oo ka dhaxaysa booliska iyo bulshada. Si wax looga qabto welwelka ku saabsan aargoosiga ama cabsida ku lug lahaanshaha, bixi habab lagu soo tebiyo qarsoodiga falal dambiyeedka.

6. ๐—๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ ๐—ฐ๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ
Tus in xogta ay bixiso bulshadu si dhab ah loo qaato oo lagu dhaqmo. Marka xubnaha bulshadu ay arkaan in talooyinkoodu u horseedayaan natiijooyin wax ku ool ah, waxay xoojinaysaa kalsoonida ay ku qabaan nidaamka.

7. ๐——๐—ต๐—ถ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ & ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—ท๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ถ๐—ฟ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ธ๐—ฎ
Boolisku shaqadiisu waxaa kor u qaadi kara helitaanka sirdoon xoog badan iyo bulsho si wadajir ah ula shaqaysa.

21/09/2023

Xarunta Cilmi Baadhista Siyaadda Soomaalida, waxay soo saartay tilmaamo kooban oo ku socda sida amniga bulshada loo adkayn karo, bulshada iyo booliska u wada shaqayn lahaayeen.

Somali Center for Policy Research Somali Center For Policy and Research

Want your school to be the top-listed School/college?

Telephone

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 04:00
Sunday 07:30 - 16:30