Puplic quality

Puplic quality

Share

Page kaan waxaan ugu tallo galey barashada luuqada soomaaliya iyo Xisaab

10/27/2023

Photos from Einte tutorial's post 10/27/2023
10/27/2023

Seddax seddaxaa laga hormariyaa.
1. Geediga sahaydaa laga horumariyaa.
2. Guri deriskaa laga horumariyaa.
3. Dadka saaxiibkaa laga horumariyaa.
Jimco wanaagsan inta afka soomaaliga kuhadasha.

10/25/2023

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, (Ayatollah Ali Khamenei) ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu " hagayo" weerarka Israel ee Gaza.

"Mareykanku waa saaxiib dhab ah oo dambiilayaal ah," ayuu yiri Khamenei mar uu khudbad ka jeedinayay Tehran. "Maraykanku si uun buu u hagayaa dambiga laga gaysto Gaza."

Khamenei wuxuu intaas ku daray in gacmaha Mareykanka ay "ku wasakhoobeen dhiigga kuwa dulman, carruurta, bukaannada, haweenka iyo kuwa kale".

Mareykanka ayaa dhabarka u tuuray Israa’iil intii uu socday ololihii xoogganaa ee xagga cirka ahaa ee uu ka waday marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 6,500 oo qof.

Talaadadii, Maraykanku wuxuu Iran ku eedeeyay "inay si firfircoon u fududeyso" weerarrada gantaallada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ay kooxahooda wakiil ka yihiin ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya.

Xigasho:-Al-Jaziir.
Qoraa:- Einte Adde

Asxbtena kamid noqo, pageka like saaro mahadsanid
Hadaa asxbta kamid tahayna, postiga like and share dheh

10/25/2023

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa joojiyay booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Israa'iil, sababo la xirira dagaalka " bini'aadantinimada ka baxsan" ee Gaza, isagoo sheegay in xiriirka labada dowladood uusan hagaagi doonin.

"Waxaan lahaa mashruuc aan ku aadno Israa'iil, laakiin waa la joojiyay; ma tagi doono, "ayuu u sheegay xildhibaanada xisbiga talada haya ee baarlamaanka Arbacadii isagoo dhaleeceeyay ololaha duqeymaha Israel ee Gaza 0o u difaacay Xamaas.

Hadallada qaniinyada ah ee Erdogan ayaa sii kordhinaya sii xumaanaya xidhiidhka u dhexeeya
Turkiga iyo Israa'fil, kaas oo muddo sannado ah ka dhexeeyey xidhiidh qoto-dheer oo soo jireen ah.

Markii xulafada gobolka ay adkeeyeen, Turkiga ayaa joojiyay xiriirkii u la lahaa Israa'iil 2010-kii, ka dib markii ciidamada militariga Israa'il ay weerar ku qaadeen markab turkiga laga leeyahay oo ku si jeeday Qaza o sahay gargaar siday, halkaas oo ay ku dileen 10 of oo rayid ah.

lyadoo labada dowladood ay dib u soo celiyeen xiriirkooda 2016, Turkiga ayaa mar kale shaqada ka ceyriyay ergo
Israel 2018 ka dib markii Israel ay xasuuqday dad Falastiniyiin ah oo nabdoon oo ku mudaaharaadayay xayndaabka Gaza ee Israel.

Erdogan wuxu u muuqday inuu dib u soo celinayo cilaaqaadka qoto dheer mar kale ka dib marki calaamadihii ugu dambeeyay ee muujinaya in xiriirku u dib u soo laabanayo

Erdogan ayaa bishii h**e si shaqsi ah ula kulmay ra'isul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, kulan ay
Qaramada Midoobay ku yeesheen magaalada New York.

Halkaas, labada hoggaamiye waxay albaabada u fureen iskaashi suurtagal ah oo ku saabsan dhinacyada tamarta, farsamada, iyo amniga internetka.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Israa'il ay duqeymo bambaanooyin ah ka geysanayso Gaza toddobaadkii saddexaad, oo ay ku dhinteen in ka badan 6,500 oo qof ayna burburiyeen inta badan kaabayaasha dhulka, hoggaamiyaha Turkiga ayaa mar kale jiidaya dhowr feerar.

"Dabcan, waxaan lahayn ujeeddooyin wanaagsan, laakiin [Netanyahu] wuu ku xad-gudbay iyaga," ayuu yiri Erdogan.

"Haddii u ku si wadi lahaa ujeeddooyin wanaagsan, xirirkayagu wuu ka duwanaan lahaa, laakiin hadda, nasiib darro, tanina ma dhici doonto

Erdogan, oo Turkiga hogaaminayey labaatan sano, ayaa ah nin si weyn ugu ololeeya qadiyadda Falastiin. Waxa u dhaleecayn kulul u jeediyay Israa'iil tan iyo markii uu qarax dhimasho badan sababay uu ka dhacay Marinka Gaza ee go'doonsan 17-kii Oktoobar.

"Beesha caalamka kuma koreyso caqabada ka dhanka ah maamulka Israa'iil ee weerarrada sharci darrada ah ee aan xadidneyn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah," ayuu
Erdogan ku yiri hadal uu soo saaray Talaadadii, isaga 0o intaa ku daray in dadka Gaza ay la il daran yihin "ciqaab wadareed"

Khudbadi Arbacada ee u madaxweynaha Turkiga ka jeediyay baarlamaanka, wuxu sidoo kale ku ammaanay Xamaas inay yihin "Xoreeyayaal" u dagaallamaya "ilaalinta dhulkooda iyo dadkooda".

Dagaalyahannada Xamaas ayaa ka baxay Marinka Gaza ee go'doomiyay 7-dii Oktoobar, waxayna weerareen
Israa'iliyiin, oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah,
iyagoo dilay ugu yaraan 1,400 oo qof, in ka badan 220 maxaabiis ah, sida ay sheegeen saraakisha Israa'iil.

Erdogan ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayo Falastiin oo ka dhici doona Istanbul maalinta sabtida ah oo u soo qabanqaabiyay xisbiga talada haya ee cadaaladda iyo horumarinta.

Xigasho:-AL-Jazeera.com
Qoraa:-Einte adde

Asxbtena kamid noqo pageka like saar
Hadaa kamid tahayna, postiga like and share dheh.

10/16/2023

War;DEG;DEG:wararka aan ka helayno qaraxii ismaadaaminta ahaa ee caawa kadhacay maqayada blou sky ayaa waxaa hadda la ii xaqiijiyay inuu ku geeriyoodey Agaasimihii TVga Somali caple Cabdifitaax macallin Nuur Qeys.
Ilhy ha unaxariisto qabrigiisa ilhy ha uwasiciyo
Khoyska uu kabaxeyna samir iyo iimaan allaha haka siiyo
Aamiin aamiin wllkn aan u wada duceyno wllyl.

Want your school to be the top-listed School/college in Washington D.C.?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


New York
Washington D.C., DC
00100