09/23/2024
IYADUBA WAA DHACDAA¿!
[Vortioxetine] oo MAGACA suuq-geeynteedu yahay [Trintellix] Iyo [Brintellix], lagu dabiibaa kolka buufisku xad ka bax noqdo, gaadh ahaan dadka waaweyn, Isu suran yahay[C18H22N2S], tiiyoo uu isugu udban yahay xagga mass-ka [298.45 g·mol−1], ku wanaagsanaa howshii kolkii h**eba loo amaamuday iyo iloowsiinta qofkaa buufisku la tagay rag iyo dumar ku uu yahayba maalmihii xanuunka badnaa ee soo maray, kuwan oo kolkii h**eba sabab u ahaa in uu heerkaa gaadho.
Imika Aqoonyahanada xagga sayisku Iyo dugsiyadda caafimaadku ina barayaan in kiniinkan uu qudhiisu dabiibe loo qaateen ah u noqon karo kansarka halista ah [ ] ee ay adkaatay in loo helo sabab ama walax lagu dabiibi karo ku ay noqotana.
[Glioblastoma] oo ah kasar xagga maskaxda ah, ayaa ay in dhawaytaba adkayd in loo helo dabiib loo qaateen ah oo lagu sal-siibi karo, tu sabab looga dhigay iyadii oo aysan gaaraynin dawo nooc ay tahayba intii loola qasaday halkaa, oo keliya in lagula taacalaa ay tahay [ ], [ ] Iyo qaliino yaryar oo aan sida u buurnayn, sida badan bukaanada uu kansarkani haleelo sanad ama laba ayaa ay cudurkan sababtii aakhiro u hoydaan.
Sababaha ugu badan ee aan waxba looga qaban Karin ayaa lagu tilmaamaa in ay adag tahay in ay gaadho Kolba intii daawo loola qasday gudaha maskaxda [blood-brain barrier] oo ah gal dabiici ah oo dhaca gudaha hoose ee maskaxda, ujeedada halkaa loogu sidkay ayaa ay ugu horaysaa in maskaxda Iyo xidhiidhiyaasha danab-sidaayasha maskaxda uu ka ilaaleeyo sumoowga Iyo wax walba oo dhibaya taa.
In muddo ah ayeey ragga culuumta maskaxda daba taagani danaynayeen in ay ka talaabaan galkaa si ay gudaha ugu dhacaan iyagii oo Ka raja qaba in ay gaadsiiyaan tii ay arkayeen in ay ugu habban tahay xagga dabiibka walow ay weli tilmaamayaan in ay adag tahay sidii looga gudbi lahaa galkaa.
Qaar kale oo Isla culimadaa maskaxda ah ayaa qaba in ay degdeg tahay in go'aan k**a dambays ah laga gaadho in dawooyinkaa buufiska loo qaaato ay dawo loo qaateen ah u noqon karaan kansarkaa halista ah ee [Glioblastoma].
Info: & News Agencies | Photo; ATAAC