08/21/2026
Qodobka sagaalaad.
9. They strengthen Three X Rule.
Waxay Xoojiyaan Qaacidadda Three X.
Lammanaha Nolosha ku liibaanay waxay xoojiyaan Qaaciddada Three X
Qodobkaan aan ugu dambaysiiyay sagaalka qodob ee Lammaaanah Guulyastay Ee Qaacidadda Three X waxay soo koobaysaa Arin kooban laakin aad muhiim u ah taas oo oo aad ku arkaysid qoys kasta oo Nolosho ku guulaystay.
Dunidaan iyo dadka ku nool Allaah ayaa abuuray oo garanaya maslaxadoodda, wanaagooda, iyo meelaha ka jilicsan yihiin, wuxuuna soo raaciyay kitaab quraan ah oo xambaarsan dhammaan tar tiibta nolosheena, hadaan raacno waa liibaannay, hadaan ka jeesanana waan xumaaanay oo waxba nooma hagaagayaan. waxaana ka dhalanaya abaalmarin iyo ciqaab .
Computarka aan hadda ku qorayo qoraalkan markii la sameeyay waxaa la soo raaciyay waraaqo kooban oo sheegaya sida la isugu xirayo, siduu u kala horreeyo, iyo barmaamijyo lagu shubayo si uu u shaqeeyo, hadii aad khalado tar tiibtiisa iyo siduu isugu xigo waa xumaanayaa oo ma kuu shaqaynayo, hadaad raacdo nidaamkii loo sameeyayna wuu kuu shaqaynaayaa sidaad rabto ayaad uga faaidaysanaysaa.
Waxaan hadda soo qaadanaynaa qaaciddo kooban laakiin guda balaaran oo aan ku soo koobayo Sagaalka Qodob ee lammaanaha guulaysta, waa qaaciddo qofkii ku dhaqma uu e heli doono qoys barakaysan oo badhaadhe ah , waa qaacido kuu horseedaysa nolol deggen, qalbi deggen iyo qoys deggen. Qaacidadaan waxaaan u bixiay 3 X ama sedexda X waana tan.
Xiriirka Eebe oo aad Ilaalisid. ( first X)
Markaad hoos u badho Qoysaska Nolosha ku liibanay waxaad ogaanasaa inay yihiih dad dhowray xiriirka alle isla makaana Muuqaalkooda iyo dhaqankooda aad ka garanayso inay yihiin dad toosan.
Xiriirka adiga Allah waa arinka ugu muhiimsan noloshaada, waana waxa ugu h**eeya ee lagaa doonayo inaad samaysid si aduunkaaga iyo aakhiradaada u hagaagto. Diintaan samaawiga ah markii loo soo dhiibayay rasuulka scw waxaa la geeyay samadda, waxaana loo soo dhiibay salaadda oo ah cibaadada iyo xiriirka ugu muhiimsan ee u dhaxeeya adoonka iyo Allah.
Waxaa quraanka samaawiga ku qoran, aayadan macanaheedu yahay, وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا
وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ qofkii alle ka baqa alle howlihisa oo dhan waa u fududeeyaa, wuxuuna irsaaqadda ka siiyaa meel uusan ka filaynin. , sidoo kale waxaa aayad kale alle ku yidhi وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَىٰ qofkii Alle ka jesta xuskayga waxaa u sugnaatay nolol ciriiri ah, maalinta Qiyaamana wuxuu la soo taagi isagoo indho la,
Xoolo kasta oo aad haysato, maqaaam iyo darajo kasta oo aad gaartid, Aqoon kasta oo aad leedahay wax macno ah oo aad leedahay ma jiraan hadaad xiriirka Alle aadan toosin oo aadan hagaajin wax kuu hagaagayana ma jiraan, waxaadna ku dambaynaysaa shalay iyo dullinimo.
Xiririka Eebe ood hagajiso waxaa ugu h**eeya Salaadda oo aad tukatid oo aad ilaalisid, Salaada 24saac walba waxaa la tukadaa shan jeer waana duco iyo baryo aad Eebe ka baryaysid inuu kugu hagaajiyo wanaaaga kaana ilaaliyo caradiisa iyo cadaabkiisa. Salaadu waa telefoonka aad Eebe u diraysid, waa xirirka ugu muhiimsan ee dhex mara Eebe iyo adoonkiisa qofkii wanaajiyana waa hagaagay , qofkii xumeeyan xiriirkaasna waa xumaaday.
Xiriirka Allaah oo aad hagaajiso wuxuu fure u yahay liibaantaada iyo ladnaantaada, wuxuu kaloo kuu hagaajinayaa xiriirka qoyskaaga, xiriirka caruurtaada iyo xiriirka guud ee gurigaaga, marka hadaad doonayso qoys isku xiran oo xirir wanaagsan ku nool hagaaji xirirka Alle intaad awoodo waxaad arki doontaa qoyskii oo xiririkiisii kuu toosay, kuuna degey.
Dhinaca kale waa iska macruuf Lamaanaha aan Ilaalin Xiriirk Eebe ee dayacay waajibaadkii Alle saaray inaan iyagana xiriir wanaagsan dhexdooda ka dhalanayn, Nolol deggen oo niyad sami lehna ma helayaan, culys iyo cabasho ayay la nool yihiin.
La soco qormadda labaad.