Shaqo la'aanta wadankeena ka jirta iyo shaqaale la'aanta america ka jirta ππ»ββοΈ
Heerka shaqo la'aanta Mareykan hadda waa 5.8% laakiin bishii April ee sanadkii laso dhaafey waxa ey gartey 14.8% , wadankena data sax ah lagama haayo walow 2019 data la qiyaasey ey mareysey 11.39% maxey Noqon kartey 2020 oo covid lagu jirey wa suaal?
Laakin qeybta ugu yaabka badan sheekadan aya ah
Wali USA waxaa laga la'yahay shaqale dad ku filan, shirkadaha ayaa ku bixinaya lacago gunno ah oo gaaraya ilaa $6 kun si ey ula saxiixdsan $50 oo cash ah ayaad heli doonta kaliya inaad apply gareyso.
- Shirkada Mc Donald ayaa siinaysa $50 qofkii uso baxa interview ma ahn inaad shaqale aad noqotey kaliya waa uso gudbida Wareysig, sidoo kale Marki laga so tago mishaarka 6 bilood hadad shaqeysid Apple Brand New phone ayaad helaysa.
- shirkada gawaarida ee Carmax ayaa sidoo kale qaadneysey shaqaale cusub bishi january ee sanadkan, qofkii shaqale ahan loo qaata ayaa lahaa $5 kun, hadii uu yaqaan in ka bdn Laba luuqad wxy helayey $6.5 kun.
- Amazon ayaa rabta in ey shaqaaleysiiso tiro gaareys 75 kun oo qof "waxaad helaysa &1000 kun oo gunno ah, hadii aad tilaalka covid heysatidna $100 dollar oo dheeraad ah, 2020shirkada waxa ey shaqaaleysiisey 500 kun oo shaqaalo cusub.
Dhibaatada ugu weyn ee shirkadaha heysta ayaa ah in Dowlada wadankooda ey dadka lacag siin bilowdey inta lagu Jiro Covid si loo ilaaliyo caafimaad qabka shacabka, dad bdn ayaa ka fadhiistey shaqaayinkooda, Sidoo kale shirkadahaan in ey shaqaale cusub qaataan lacago faro badan oo gaareysa ilaa $12 kun.
Wadankeena shaqo la'aanta waxa u dheer in qabiil laguugu xiro Midkii hela shaqada uu apply gareeyey, mushaar yari oo intaad u qalantey in ka yar lagu siiyo adoo shaqo xoog leh lagugu qabanaayo, dadkii Jaamacadaha ka baxay dad badn oo kamid ah ey rabaan in ey kaliya rabaan in ey xafiis fadhiistaan.
Dowlada wadanka waajib ayaasaaran oo ah in ey Numbrka shaqo la'aanta ey aad u yareyso wado walbo ha isticmaashe, Waxaan rajeyneyna wadankeena bash bash iyo barwaqo gaaro.
W/Q: Muktar
Mukhtar Raaxey
Mukhtar Raaxey Official Page
19/12/2019
That is For Sure.
"Don't tell anyone for you direction" waayo dadka qaar hamigaada markad u sheegto waxa ey kaaga dhigaan wax aan suurto gal aheynin but you must know wax walbo wa Possible.
08/11/2017
.......
11/03/2017
Sheeko Gaaban oo Qosol Leh!!!!!!!!
Xariif aan Waligiis tukan ayeey ku dhaheen ilaahey ka baq intaad dhiman tuko,Sijaayad ayuu soo qaatay, Markaasey dhaheen Masaajidka ku fiican Salaada ee aad.
Masaajidka marku tegay ayuu arkay jamaaca Tabliiq ah oo masaajidka dhex jiijiifan, qaar dhar dhaqanayaan, qaarna cunta karsanayaan
Waa iska soo laabtay
Markaas aya la dhahay maxa usoo laabatay
Kulahaa Masaajidka iskaabulaa laga kireeyay.πππππππ
Mention ku dheh Xariif Noocaas Hadaa okthy
03/11/2016
Habka ugu wnaagsan ee wax lagu xifdin karo waa ay badan yihiin waxan kasoo qaadanayaa qodobada ugu muhiimsan kuwaas oo kuu suurta gelin kara in aad wax ku xifdisid sida ugu sahlan waxayna kala yihiin qodobadaas:
1.In aad ku kalsoonaatid nafsadaada.
Ku kalsoonaashaha nafsadaada waxay qeyb weyn ka tahay in aad wax xifdisid ay kuu suurta gelin karta in aad dhaqso wax xifdisid waayo nafsada waxa aad ka dhaadhiciso ayun bay qaadanaysaa ka dhaadhici in aad sheygaan xifdin kartid.
2.Faham marka h**e casharada inta aadan isku dayanin in aad xifdisid.
Fahamka waa muhiim in aad faham guud ka qaadatid duruusta markaas lagu siiyay si ay kuugu sahlanaato in aad si dhaqso ah ku xifdisid waayo waxa maka aad fahamsantahay ayaa suura gal ah in aad xifdisid.
3.In aad qoratid macluumaad ku saabsan in casharka uu socdo.
Waxaa muhiim ah in aad qoratid meelaha ugu muhiimsan cashirka si ay kuugu sahlanaato xifdintiisa waayo marka aad haysid meelaha ugu muhiimsan way kuu sahlantahay in aad dhaqso xifsitid.
4.In aad booska ama fadhiga badalatid.
Tusaale makaaga h**e hadii aad fadhiday meel ama boos bug badan suura gal ma ahan in aad kusii xifisid waayo maskaxdaada waxaa ku furan buuq badan so waa in aad ka guurtaan meesha aad fadhiday uga guurtaan meel aan zaxmad ahayn aan buuq ahayn.
5.In aad heshid hurdo kugu filan
In aad heshid hurdo kugu filan waxaay qeyb wayn ka tahay in aad dhaqso wax ku xifdisid marka waxaa haboon in aad heshid hurdo kugu fialan.
6.In aad qaadatid cunto kugu fialan.
Waa in aad isticmashaa cuntada vitaminka ku badan waxayna kobcineynsaa wax xifdintaada
Hadii Aad faaido u arakto
Like & share
Mahadsanidiiin
02/11/2016
8 SHEY OO GUUL LAGU GAARI KARO
Nin layiraahdo Dr. Richard wuxuu yiri maalin ayaan diyaarad saarnaa, agtaydana waxaa fadhiday gabar yar oo dhigata skuulka sare kana soo jeeda qoys faqiir ah waxayna aadna u jeclayd inay wax kabadasho dhibka haysta qoyskeeda. Waxayna i waydiisay sidee loo garaa guul? Ana waxaan dareemay xanuun badan maxayeelay ma awoodin inaan siiyo jawaab sax ah oo tafatiran. Waxaan goβaansaday in markaan diyaaradii ka d**o aan raadiyo dad gaaray guul iyo horumar, aana weydiiyo sidee guul loo gaaraa? 7 sano kadib iyo 500 oo waraysi oon kaqaaday dad guulo sare gaaray waxaa iisoo baxday in guul lagugaaro arimahan soo socda:
1. Hilow: Hilowga loo hiloobo gaaritaanka guusha ayaa qofka kuqasba inuu shaqa qabto, oo uusan kasexanin. Dadka jecel inay guul garaana uma shaqeeyaan inay helaan lacag oo kaliya, ee waxay udadalaan inay shaqadooda ku raaxaystaan, kadibna waxay isla helaan guul iyo maal badan.
2. Shaqo: Guul oo dhan waxaa saldhig u ah, shaqo loo maro dhib badan, wax bilaash iyo raaxo ku yimaadana maba jiraan waa wax riqiis ah oon qiimo badan lahayn. Dadka huromarka gaara waxay qabtaan shaqo ay kuraaxaystaan. Waqtigooda iyo naftoodana ay uhuraan, waxayna ushaqeeyaan siqota dheer.
3. Tababar iyo kucecelin farabadan: Si aad unoqoto guulayste bilaw shaqo fiican aadna ubadi taba-barashada iyo kucelcelinta, oo riyo iyo sixir midna hasugin, ee kutalagal dadaal iyo taba-barasho dhab ah si aad shaqadaa Master uga noqoto.
4. Hadafkaaga Beegso: isagana kuseexo kuna sookac, hana iskudayin inaad hal jeer toban shay kashaqayso, balse hadafkaaga oo qura ah indhaha kuhay habeen iyo maalin, soo jeed iyo hurdo labadaba.
5. Cadaadinta Nafta: Naftaada kucadaadi siday h**e ugusocon lahayd markasta iyo sikastaba, haka-shakin hana kaxishoon hadafkaaga magac dhawgiisa iyo kucelcelintiisa, naftaadana hamahdinin hubsana inaada wali gaarin meeshi usaraysay una qiimaha badnayd. Markasta sii raadi meel ka saraysa meesha aad hada joogto.
6. Dadka U adeeg: una qabo wax qiima leh, taasina waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gaaro. Kaligii noolade ama dantii raadiye meeldheer magaaro, oo qofka naftiisa uun kafikiraya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay. Qofka meel dhow kusocdaana dhaqsuu daala, halka qofka meel dheer kusocdaa daalku uusan xasuusanayninba.
7. Raadi fikrado cusub: hana sugin wax haljeer kugu soo daga oo guul weyn kugaarsiiya. Guushu waa fikrado yaryar oo laysku daray, lagu celceliyay, lakobciyay, oon laga daalin. (Dhibicda yar ee dhulka ugu dhacda si isdaba joog ahi god bay qodaa, laakin baaldi buuxa hadii haljeer dhulka lagu shubo god ma qodi karto).
8. Haka Harin: Dadaalkii aad soowaday xataa haday kaa hortimaado guul darro, ama dadka shaqo laβaanta ahi kucaayaan, Waxaad ogaataa inay guul darradu dhasho guul qiimo badan tahayna hordhicii guusha weyn, hadaad kahartase waxaad noqonaysaa cumrigiisii khasaariyay.
Tilmaamahaasi waa kuwa guul iyo wanaag lagu gaaro sida uu ninkaa aqoonta iyo khibrada dheer lihi udhigay, waxaana haboon qofku inuu isagu ismiisaano meesha uu kajoogo tilmaamahaas balse siguud waxaan oran karaa umada somaliyeed waa umad lagu imtixaanay fudayd, dagdeg iyo dhakhso afka buuxso, guul ordaysa dusha kagadhac. Taasina waamid kahor imaanaysa sunada Ilaahay ee kudhisan in guusha macaan lagaaro oo kaliya markii lahelo fikir wanaagsan, niyo adag, dadaal is dabajoog ah iyo rabi oo latala saarto.
ππππππππππππππππ
I am sure You Inaaf ka Faaideysan doonto
Hadii Aad ka heshey war bixinta sii share gareee.....
π±π±π±π±π±π±π±π±π±π±π±π±π±π±π±π±
01/11/2016
Wax kasta oo sababa kacsanaan, fikir badan, murugo, khalkhal iyo deggenaansho-xumi xagga jirka ama maskaxda ah, waxa ay noqonayaan walbahaar.
Haddaba, haddii aad walbahaarsan tahay niyadda ku haay in aadan keli ku aheyn, waxa uu la-dersaa 70 boqolkiiba dadka dunida ku nool, waana qeyb ka mid ah nolosha caadiga ah.
Waxaa la arkaa in heerka walaaca ee ku soo wajahay uu ku jajuubo, deetana aadan awoodin inaad maareyso.
Maxaa keena walbahaarka?
Waxaa sababa nafta oo aan awood u yeelan in ay sameyso wax ay doonaysay, markaa dhiigga ayaa sare u kaca, waxayna saameyn ku dhacaysaa qalbiga, xaaladdaa iyada ah waxaad doonaysaa inaad degdeg ugu dhaqaaqdo arrin aadan ka fiirsan.
Ogaanshaha Walbahaarka
Ogaanshaha iyo barashada walbahaarka ka hor waxaa iyana muhiim ah inaad adigu is-taqaan, qofka aad tahay, dabcigaaga, akhlaaqdaada iyo xusuustaada, waayo waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato murugada ku saameyn karta inta ay la eg tahay iyo sidii aad ula falgeli laheyd.
Maareynta walbahaarku waa maamulidda naftaada, dareenkaaga, aragtidaada iyo inaad xukunto kana awood roon tahay la-dhaqanka mashaakilka ku soo food saara, yoolka koowaad ee hiigsimaadka leh waa nolol ka dheellatiran xag walba sida; xiriirka qoyska, asxaabta, shaqada, ama waqtiyada kuu gaarka ah ee aad ku howlan tahay wajahidda horumarkaaga, nasiinadaada, IWM.
Maxaan sameeyaa?
1. U samee wax kasta raalli-gelinta Alle, kuna samee wax kasta sunnaha Nebi Muxammad (NNKH).
2. Sameyso jadwal nolol maalmeed, oo sharraxaya qofka aad tahay, ujeeddada aad ka leedahey nolosha iyo halka aad hiigsaneyso.
3. Ha yareysan awoodda maskaxeed ee aad leedahey, isla markaana tirtira dib u dhac kasta oo ku beegsan kara.
4. Ka dhigo saaxiibkaaga koowaad qoraal akhriska, kuna dedaal daraasaynta culuumta kala duwan.
5. Ka qeybgal xalaqaadka diiniga ah iyo goobaha aqoon-kororsiga si aad u dhisto garaadkaaga.
6. Ha ahaado risqiga aad quudato mid xalaal ah, haba yaraado maalkuye, lana soco in faqiirku Jannada ka hor gelayo qaniga.
7. Dabool irrid kasta oo walbahaar sababi karta, una gudub maalin walba baal cusub ee horumar leh, adigoo ka gudbaya kuwii horay u keenayay walbahaarka.
Maxaa ii daran si aan uga fogaado walbahaarka?
β’ Cabidda sigaarka: Sigaarka waxaa u dhinta malaayiin dad ah sanadkiiba, wuxuu lid ku yahay xasilka jirka, xitaa haddii aad jeceshahay dhuuqiddiisa, waxa uu u daran yahay caafimaadkaaga.
β’ Hurdada badan: hadduu jirku jiifo in ka badan xadkii loogu talagalay, wuu baarixayaa, wuxuuna dareemayaa caajis iyo jajabni, waxaa tegaya degganaantii iyo xusuustii caadiga aheyd.
Booqo saaxiib: waxaa la yiri: βWaxaad qarsato way ku qurunsadaanβ haddii fikirkaagu bato raadi saaxiib aad ku kalsoon tahay una sheeg dareenkaaga, waqti ku bixi wadajirkiinna, isku day inaad waayo waayo ka sheekaysataan, waxaa kuu ifi doona talooyin tayo leh, laakiin saaxiibkaagu waa inuu ahaado saaxiib wanaagsan ee kugu gargaara raallin-gelinta Eebbe.
Naftaada u sheekeey: adduunyadu waa dhibaato socota, adigu awood uma lihid inaad xalliso dhibaatadaa, sidaa darteed, waxaa roon inaad ka badbaaddo oo qura, istaag meel bannaan ah, cirka eeg adoo caadi iska dhigaya, neefso oo qaado hawada, is waydii maxaa ku walaacinaya? ma qaddar Alle ayaa diidma leh!.
Jimicsi iyo ciyaar: jir ciyaar k**a weynaado, caqlina cilmi k**a weynaado, ciyaar ha tuman cilmina ha baran waa cibaaro adduun!βJimicsi ayaa jir kaaba, jiifaa jirro ahββJir waa jimicsi jirrana waa jiifβ dhaqdhaqaaqa dhiigga ayaa ah farxadda jirka, sababtoo ah, waxaa uu dhiig daray ah (fresh) dhex marayaa xididdada welwelsan iyo kuwa fiyoow.
Nasiino iyo hurdo: hadduu jirku shaqeeyo muddo dheer wuxuu dareemayaa daal iyo dhacsaal, waqtiga ceynkaa ah, haddii ay shaqadu kugu badan tahay, waa inaad heshaa fasax aad ku nasato, cilmi baaris caafimaad ayaa ku talinaysa in uu qofku helo hurdo ugu yaraan siddeed saac habeenkii, Alle naxariistiisa waxaa ka mid ah in habeenkii la nasto maalintiina la shaqeeyo. Sidoo kale ha moogaanin inaad qaadato cuntooyin wanaagsan
ππππHadii aad anfac u araktay Share garee Mahadsanidiiinππππππ
19/10/2016
waxa jiri jiray nin taajir ama maalqabeen sidaad u taqaano waxaana u shaqayn jiray dad tiro badan dadkaasi wax ka mid ahaa nin cunto kariye ah
ninkaasi taajirka ahaa wuxuu ahaa nin aad dabeecad qalafsan oo aad u canaan badan gaar ahaan ninka cunto kariyaha ah aad buu u canaanan jiraay
hadaba mudo ka dib wuxuu go,aansaday inuu dabeecadihiisa wax badan ka badalo oo uu dad la macaamilkiisa hagaajiyo waxaanu u yeedhay ninkii cunto kariyaha ahaa si uu u raaligaliyo
waxaanu ku yidhi β waxaan maanta rabaa inaan kaa raali galiyo dhaqankaygii iyo dabeecadaydii qalafsanayd ee aan kugula dhaqmi jiray iyo canaantii waxaanan kuu balan qaadayaa in aanan dib kuu canaanan doonin β
markaas buu isagoo faraxsan ninkii cunto kariyaha ahaanaa ku yidhi taajirkii β waad mahadsan tahay ana waxaan kuu balan qaadayaa maanta ka dib in aanan maraqa cantuuf kuugu soo tufayn β
waxa xaqiiqo ah in qof waliba wixii aad gashato aad ka helayso
Its rare to get like this hhhhhh
17/08/2016
Maanta oo ay taariikhdu tahay 17/8/2016 waxaaa Dalka Rio ku Ordi doono Orodyahanka Wadankeena Asigoo la tartami doono Orodyahano badan Ow ka mid yahay Mo Farah .....
Waxaaan ka rajeyneynaa Orodyahankeena Inuu Ku soo guuleeesto
10/08/2016
Waxaaa meeshan ku diyaarsan Book Muhiim ah Oo caawin doona Ardada Jecel iney wax bdn ka bartaan Math Iyo aradad barata Engineering bookaan waa free wa bilaash Linkiga hoose ku dhufo ka bacdina la soo deg ................
basic_engineering_mathematics__fifth_edition.pdf (3.25MB) - SendSpace.com Basic Engneering Mathematics Edition five for free
31/07/2016
Jimicsiga hala badiyo Wax bdn Aa arkeee
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Kampala