13/09/2025
KULAN LAGU SOO DHAWEEYAY ARDAYDA CUSUB EE SOOMAALIYEED EE JAAMACADA CAVENDISH.
JIMCO-12-09-2025. Waxa noo qabsoomay kulan ah soo dhawaynta ardeyda cusub ee kuso biirtey jamacada sanad dugsiyeedka 2025-2026 kulankaas oo ay soo agaasimeen ururka ardayda soomaaliyeed ee jamacada oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, G/xigeenka ardayda mudane: Yahye Abdiasis iyo golaha xukuumada ardayda soomaaliyeed.*
Soo dhawayn diiran ka dib Waxan ardey u sharaxnay nidaamka waxbarashada, habka maamul ee jaamacada iyo tusida xafiisyada kala duwan ee jaamacada .
Guddoomiyaha ururka ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in ardayda cusub loo muujiyo taageero iyo hagid, isagoo sheegay in ururka uu mar walba diyaar u yahay in uu ardayda Soomaaliyeed ku garab istaago talo iyo tusaalaynba si hayaanka waxbarashadooda igu hirgalo.
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Cavendish wuxuu sii wadi doonaa dadaalka uu ugu jiro horumarinta wadajirka iyo guusha ardayda Soomaaliyeed. Waxaan rajaynaynaa in dhammaan ardayda cusub ay si wanaagsan ula qabsadaan jaamacadda oo ay gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.
Mahadsanidiin dhammaan ardayda ka soo qeyb gashay iyo xubnaha ururka ee kulankan muhiimka ah soo qabanqaabiyay.
DHAMMAAD.
Somali Student Associations Speaker.
Abdullahi Aden
22/08/2025
22-Aug-2025 Gudomiyaha ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Cavendish oo hambalyo u diray ardayda qalin jabisay.
Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Cavendish: Mudane KHALIF SAID GARCADE ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda.
Munaasabadan ayaa ahayd mid lagu dhiirigalinayey dadaalka iyo horumarka ardayda soomaaliyeed ee ka qalin jabisay Jaamacada Cavendish University.
Waxaan si gaar ah sharaf iyo maamuus noo ahayd inuu nagala soo qayb galo safiir ku-xigeenka safaarada somalia ee dalka Uganda. H.E Abdilafit Mohamoud Ali. Waxaana ugu mahadcelinayna kasoo qayb galkiisa si uu farxada ula qayb sado ardayda soomaaliyeed ee reer Cavendish.
Ugu dambayn guddoomiyaha ayaa ku dhiirrigeliyay ardayda in ay sii wataan waxbarashadooda, ay adkeeyaan midnimadooda, isla markaana ay noqdaan hormuudka horumarinta bulshada Soomaaliyeed ee mustaqbalka.
DHAMMAAD.
Somali Student Associations Speaker.
Abdullahi Aden
27/01/2025
KULAN LAGU SOO DHAWEEYAY ARDAYDA CUSUB EE SOOMAALIYEED EE JAAMACADA CAVENDISH.
Sabti-25-1-2025. Waxa noo qabsoomay kulan ah soo dhawaynta ardeyda cusub ee kuso biirtey jamacada sanad dugsiyeedka 2025 kulankaas oo ay soo agaasimeen ururka ardayda soomaaliyeed ee jamacada oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, G/xigeenka ardayda mudane: Yahye Abdiasis iyo golaha xukuumada ardayda soomaaliyeed.*
Soo dhawayn diiran ka dib Waxan ardey u sharaxnay nidaamka waxbarashada, habka maamul ee jaamacada iyo tusida xafiisyada kala duwan ee jaamacada .
Guddoomiyaha ururka ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in ardayda cusub loo muujiyo taageero iyo hagid, isagoo sheegay in ururka uu mar walba diyaar u yahay in uu ardayda Soomaaliyeed ku garab istaago talo iyo tusaalaynba si hayaanka waxbarashadooda igu hirgalo.
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Cavendish wuxuu sii wadi doonaa dadaalka uu ugu jiro horumarinta wadajirka iyo guusha ardayda Soomaaliyeed. Waxaan rajaynaynaa in dhammaan ardayda cusub ay si wanaagsan ula qabsadaan jaamacadda oo ay gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.
Mahadsanidiin dhammaan ardayda ka soo qeyb gashay iyo xubnaha ururka ee kulankan muhiimka ah soo qabanqaabiyay.
26/09/2024
Asc waraxma, Dhamaan ardayda somaliyeed ee jamacada cavendish university Uganda ina cafimad qabtan ayaan idin rajeynaa.
Bacda salaan, Waxaa malintii shalay dhacday doorashada gudonka ardaydda Soomaaliyeed ee Cavendish University Uganda 🇺🇬, waxana goob-joog ahaa gudoomiye. Sadak Abdullahi Abdi iyo ururka guud ee ardaydda jaamacadda, waxan ku tartamayay labo Musharax oo kala ah Mudane. Khaliif Saed Garcade iyo mudane. Ahmed Sownax waxana markii natiijada lagu dhawaaqay goob joog ahaa Gudomiye. Sadak Abdullahi,
"Anigoo ku hadlayo afka uruurka ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Cavendish University Uganda waxaan so dhaweynaa gudomiyaha cusub Mudane. Khalif saed loo doorte inu hogamiyo gudonka sanadka so socdo.
Ugu h**eeyn waxan u mahad-celineeynaa gudigii doorashada ee Guild & Dean ka oo sida wanagsan u qabte doorashada.
Marka xiga waxan uga mahad-celineeynaa dhammaan ardaydayda reer cavendish sidii quruxda badneed ay noola soo shaqeeyeen mudadii sanadka ehed ee aynu u adeeygeeynay.
Sidoo kale waxaan u hambalyeeyna gudoomiyaha cusub ee loo doortay Mudane. Khaliif Saed Garcade , kaas oo kusoo baxay doorashada dhacde shalay oo tarikh ta tahay 25th September 2024.
Waxanan kula dardaarmayaa in uu u shaqeeyo ardaydda si hufan oo howl karnimo ku jirto iyo sinaan, Eebbe ayanan uga baryeeynaa in uu u fududeeyo shaqada loo igmaday.
Waxan ardaydda ugu baqeeynaa in ay ilaliyaan midnimadooda lana shaqeeyaan gudoomiyaha cusub si ay soomaalidu uga dhax muuqato dhamman qoowmiyadaha kale ee jamacadda".
08/08/2024
Waxan halkaan hambalyoh diiran oo dareenkeeda wadata uga diraynaa dhammaan ardayda ka qalin bedelanaysa jaamacadda Cavendish 8/08/2024, dafcaddii 13thaad👨🎓👩🎓,
waxanna leeyahay rabbi haydunka afoco cilmigiina aduun iyo aakhirob, mustaqbal ifayana waan idiin rajeyn dhamaantiin🤲🤍.
SSA Cavendish University Uganda
16/05/2024
Waxaa sharaf weyn noo ahayd in qayb kamida gudoomiyayaasha ardayda soomaaliyeed ee jaamacaddaha kala duwan ee magaalada Kampala ay nagalasoo qayb galeen munaasabaddii aanu kusoo bandhigayney hiddaha iyo dhaqanka ee jaamacadda Cavendish.
Gudoomiyayaasha aad ku arki kartaan sawiradeena hoose waxaa kamida, gudoomiyaha cusub ee jaamacadda st.lawrence Abdirizack, gudoomisada jaamacadda Clarck international university Aamino(Hayaan) iyo weliba gudoomiyaha jaamacadda Isbat Abdifitah.
16/05/2024
Waxaa farxad weyn noo ahayd in u qaybsamaha waxbrashada ee safaaradda Soomaaliya Somali Embassy in Kampala- Uganda Mudane Liibaan Hussein Deerow uu nagalasoo qayb galay munaasabaddii aanu kusoo bandhigayney hiddaha iyo dhaqanka ee jaamacadda Cavendish.
Sawirka waa gudoomisada ardayda soomaaliyeed ee jaamacadda Cavendish Bahja Omar, gudoomiye ku xigeenka Sadak Abdullahi, uuna ku weheliyo u qaysamaha waxbarashada ee safaaradda Somalia.