SSA Cavendish University Uganda

Directions

SSA Cavendish University Uganda Somali Students Association at Cavendish University Uganda

Assalam calaykum waraxmatulahi wabaraku dhamaan ardayda soomaliyeed ee jamacada.04/10/2026Waxaan halkan ku shaacinaynaa ...
06/10/2026

Assalam calaykum waraxmatulahi wabaraku dhamaan ardayda soomaliyeed ee jamacada.

04/10/2026
Waxaan halkan ku shaacinaynaa xubanaha cusub ee midowga ardayda soomaliyed ee jamacada cavendish.

Waxaan ilaahy u waydiinaaya dhamaantood inuu u fududeeyo masuuliyadaas.

Waxan kula dardaarmaya dhaman ardeyda somaliyeed in ay la shaqeyan xubnaha cusub

Waxa ino balan ah:
Midnimo, iskaashi iyo garab istaag.

Wada shaqayn wacan🇸🇴

*H.E Abdirahman Ismail Jama*
*Madaxweynaha Ardeyda Soomaliyeed.*

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo booqatay JaamacaddaCavendish University ee Uganda22-6-2026 Maanta waxaa sharaf weyn no...
23/06/2026

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo booqatay Jaamacadda
Cavendish University ee Uganda

22-6-2026 Maanta waxaa sharaf weyn noo ah in Cavendish University Uganda ku soodhawayno Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda, Danjire Fardowsa Mohamed Qanyare oo uu weheliyo Xoghaye kowaad ee safaarada Mudane: Awil suudi

Danjiraha waxaa jaamacadda ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Cavendish University Uganda, mudane: Khaliif Said Abdi, Guddoomiye Ku-xigeenka mudane: Yahye Abdiasis iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda.

Booqashada ayaa ku bilaabatay kulan ay Danjiruhu la yeelatay maamulka jaamacadda, halkaas oo looga hadlay arrimo la xiriira waxbarashada, iskaashiga iyo taageerada ardayda Soomaaliyeed.

Qodobada muhiimka ah ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqaha iyo fursadaha ay helaan ardayda ka socota
dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), fududeynta adeegyada
ay jaamacaddu siiso ardayda Soomaaliyeed, iyo in la ballaariyo fursadaha deeqaha waxbarasho ee loo
qoondeeyo ardayda Soomaaliyeed si kor loogu qaado helitaanka waxbarasho tayo leh.

Intaa ka dib, Danjiruhu waxay kulan is-xogwaraysi iyo dhiirrigelin ah la qaadatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Cavendish University Uganda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada, fursadaha ardayda, iyo doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka dalka.

Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa Danjire Fardowsa Mohamed Qanyare booqashadeeda qiimaha badan iyo waqtiga ay la qaadatay ardayda Soomaaliyeed.

Dhamaad.

Waxaa sharaf wayn noo ah inan jaamacada Cavendish University Uganda ku soodhawayno Safiirka safaarada somalia ee dalka U...
21/06/2026

Waxaa sharaf wayn noo ah inan jaamacada Cavendish University Uganda ku soodhawayno Safiirka safaarada somalia ee dalka Uganda.
Danjire: FARDOWSA MOHAMED QANYARE, oo booqasho ku imaanaysa jaamacada Si ay ugu kuur gasho xaalada ardayda soomaaliyeed iyo la kulanka madaxda jaamacada.

Gacmo furan Sodhawow Danjire.
Taariikhda: 22-6-2026
Goobta📍: Cavendish University Uganda.

KULAN LAGU SOO DHAWEEYAY ARDAYDA CUSUB EE SOOMAALIYEED EE JAAMACADA CAVENDISH.JIMCO-12-09-2025. Waxa noo qabsoomay kulan...
13/09/2025

KULAN LAGU SOO DHAWEEYAY ARDAYDA CUSUB EE SOOMAALIYEED EE JAAMACADA CAVENDISH.

JIMCO-12-09-2025. Waxa noo qabsoomay kulan ah soo dhawaynta ardeyda cusub ee kuso biirtey jamacada sanad dugsiyeedka 2025-2026 kulankaas oo ay soo agaasimeen ururka ardayda soomaaliyeed ee jamacada oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, G/xigeenka ardayda mudane: Yahye Abdiasis iyo golaha xukuumada ardayda soomaaliyeed.*

Soo dhawayn diiran ka dib Waxan ardey u sharaxnay nidaamka waxbarashada, habka maamul ee jaamacada iyo tusida xafiisyada kala duwan ee jaamacada .
Guddoomiyaha ururka ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in ardayda cusub loo muujiyo taageero iyo hagid, isagoo sheegay in ururka uu mar walba diyaar u yahay in uu ardayda Soomaaliyeed ku garab istaago talo iyo tusaalaynba si hayaanka waxbarashadooda igu hirgalo.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Cavendish wuxuu sii wadi doonaa dadaalka uu ugu jiro horumarinta wadajirka iyo guusha ardayda Soomaaliyeed. Waxaan rajaynaynaa in dhammaan ardayda cusub ay si wanaagsan ula qabsadaan jaamacadda oo ay gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.

Mahadsanidiin dhammaan ardayda ka soo qeyb gashay iyo xubnaha ururka ee kulankan muhiimka ah soo qabanqaabiyay.

DHAMMAAD.

Somali Student Associations Speaker.
Abdullahi Aden

22-Aug-2025 Gudomiyaha ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Cavendish oo hambalyo u diray ardayda qalin jabisay. Guddoomiya...
22/08/2025

22-Aug-2025 Gudomiyaha ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Cavendish oo hambalyo u diray ardayda qalin jabisay.

Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Cavendish: Mudane KHALIF SAID GARCADE ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda.
Munaasabadan ayaa ahayd mid lagu dhiirigalinayey dadaalka iyo horumarka ardayda soomaaliyeed ee ka qalin jabisay Jaamacada Cavendish University.

Waxaan si gaar ah sharaf iyo maamuus noo ahayd inuu nagala soo qayb galo safiir ku-xigeenka safaarada somalia ee dalka Uganda. H.E Abdilafit Mohamoud Ali. Waxaana ugu mahadcelinayna kasoo qayb galkiisa si uu farxada ula qayb sado ardayda soomaaliyeed ee reer Cavendish.

Ugu dambayn guddoomiyaha ayaa ku dhiirrigeliyay ardayda in ay sii wataan waxbarashadooda, ay adkeeyaan midnimadooda, isla markaana ay noqdaan hormuudka horumarinta bulshada Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

DHAMMAAD.

Somali Student Associations Speaker.
Abdullahi Aden

KULAN LAGU SOO DHAWEEYAY ARDAYDA CUSUB EE SOOMAALIYEED EE JAAMACADA CAVENDISH.Sabti-25-1-2025. Waxa noo qabsoomay kulan ...
27/01/2025

KULAN LAGU SOO DHAWEEYAY ARDAYDA CUSUB EE SOOMAALIYEED EE JAAMACADA CAVENDISH.

Sabti-25-1-2025. Waxa noo qabsoomay kulan ah soo dhawaynta ardeyda cusub ee kuso biirtey jamacada sanad dugsiyeedka 2025 kulankaas oo ay soo agaasimeen ururka ardayda soomaaliyeed ee jamacada oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, G/xigeenka ardayda mudane: Yahye Abdiasis iyo golaha xukuumada ardayda soomaaliyeed.*

Soo dhawayn diiran ka dib Waxan ardey u sharaxnay nidaamka waxbarashada, habka maamul ee jaamacada iyo tusida xafiisyada kala duwan ee jaamacada .
Guddoomiyaha ururka ardayda Mudane: Khaliif Said Garcade, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in ardayda cusub loo muujiyo taageero iyo hagid, isagoo sheegay in ururka uu mar walba diyaar u yahay in uu ardayda Soomaaliyeed ku garab istaago talo iyo tusaalaynba si hayaanka waxbarashadooda igu hirgalo.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Cavendish wuxuu sii wadi doonaa dadaalka uu ugu jiro horumarinta wadajirka iyo guusha ardayda Soomaaliyeed. Waxaan rajaynaynaa in dhammaan ardayda cusub ay si wanaagsan ula qabsadaan jaamacadda oo ay gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.

Mahadsanidiin dhammaan ardayda ka soo qeyb gashay iyo xubnaha ururka ee kulankan muhiimka ah soo qabanqaabiyay.

Asc waraxma, Dhamaan ardayda somaliyeed ee jamacada cavendish university Uganda ina cafimad qabtan ayaan idin rajeynaa.B...
26/09/2024

Asc waraxma, Dhamaan ardayda somaliyeed ee jamacada cavendish university Uganda ina cafimad qabtan ayaan idin rajeynaa.

Bacda salaan, Waxaa malintii shalay dhacday doorashada gudonka ardaydda Soomaaliyeed ee Cavendish University Uganda 🇺🇬, waxana goob-joog ahaa gudoomiye. Sadak Abdullahi Abdi iyo ururka guud ee ardaydda jaamacadda, waxan ku tartamayay labo Musharax oo kala ah Mudane. Khaliif Saed Garcade iyo mudane. Ahmed Sownax waxana markii natiijada lagu dhawaaqay goob joog ahaa Gudomiye. Sadak Abdullahi,
"Anigoo ku hadlayo afka uruurka ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Cavendish University Uganda waxaan so dhaweynaa gudomiyaha cusub Mudane. Khalif saed loo doorte inu hogamiyo gudonka sanadka so socdo.

Ugu h**eeyn waxan u mahad-celineeynaa gudigii doorashada ee Guild & Dean ka oo sida wanagsan u qabte doorashada.

Marka xiga waxan uga mahad-celineeynaa dhammaan ardaydayda reer cavendish sidii quruxda badneed ay noola soo shaqeeyeen mudadii sanadka ehed ee aynu u adeeygeeynay.

Sidoo kale waxaan u hambalyeeyna gudoomiyaha cusub ee loo doortay Mudane. Khaliif Saed Garcade , kaas oo kusoo baxay doorashada dhacde shalay oo tarikh ta tahay 25th September 2024.

Waxanan kula dardaarmayaa in uu u shaqeeyo ardaydda si hufan oo howl karnimo ku jirto iyo sinaan, Eebbe ayanan uga baryeeynaa in uu u fududeeyo shaqada loo igmaday.

Waxan ardaydda ugu baqeeynaa in ay ilaliyaan midnimadooda lana shaqeeyaan gudoomiyaha cusub si ay soomaalidu uga dhax muuqato dhamman qoowmiyadaha kale ee jamacadda".

Waxan halkaan hambalyoh diiran oo dareenkeeda wadata uga diraynaa dhammaan ardayda ka qalin bedelanaysa jaamacadda Caven...
08/08/2024

Waxan halkaan hambalyoh diiran oo dareenkeeda wadata uga diraynaa dhammaan ardayda ka qalin bedelanaysa jaamacadda Cavendish 8/08/2024, dafcaddii 13thaad👨‍🎓👩‍🎓,

waxanna leeyahay rabbi haydunka afoco cilmigiina aduun iyo aakhirob, mustaqbal ifayana waan idiin rajeyn dhamaantiin🤲🤍.

SSA Cavendish University Uganda

20/05/2024

Marka h**e mahad oo dhammi Alle swt ayey u sugnaatay🤲, marka xigtana waxaa farxad weyn noo ah haddii aanu nahay gudiga ardayda soomaaliyeed ee jaamacadda Cavendish in si qurux badan ay noogu qabsoontay munaasabad aan in badan qorshaynaynay in badanna aan hawsheeda kujirney🤲, waxaanna Alle mahadiis ah in aan sidii ugu quruxda badnayd aanu usoo bandhignay dhaqankeena soomaaliyeed🇸🇴 anagoo xil weyn iska saarnay sidii aan dadyowga kale ee Afrika inagula nool aan ugu muujin lahayn quruxda uu leeyahay hiddaha iyo dhaqankeena soomaaliyeed🇸🇴🤍

SSA Cavendish University Uganda

CUU family🇸🇴🤍
16/05/2024

CUU family🇸🇴🤍

Address

Ssacuuganda@gmail. Com
Kampala

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SSA Cavendish University Uganda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share