06/09/2023
Taariikhdii cabdilahi binu mascuud✨️🖊
Cabdulaahi bin mascuud bin gaafil bin xabiib oo ku nisbo sheegto ree sacad bin hudeyl bin mudrika[1] waxa oo ku dhashay makka 594 miilaadi, Hooyadii waxaa la oran jiray umu cabdi binti cabdi wud, waxeyna ahayd ree banii zuhra [2] magaalada makka ayuu ku barbaaray ibni mascuud, wuxuuna u raaci jiray dadka ree makka ariga.
Islaamida
*
Islaamida ibin mascuud waa h**eysay waxaa lagu sheegaa inuu ahaa qofkii lixaad ee islaama, Qisada uu ku islaamay waxey ahayd:
Maalin baa waxaa soo maray asigoo ari la jira Abuubakar RC iyo Nebiga scw, waxey weydiisteen caano ay cabaan, ibni mascuud ayaa ugu jawaabay inay amaano ku yihiin agtiisa cidna uu ka waraabin karin, Nebiga scw ayaa ka dalbay inuu u keeno lax aana wali oorka boodin, markuu keenay candhada ayuu ka masaxay caanaaba ka imaaday weel ayee ku listeen asaga iyo abuubakar weyna cabeen, ibni mascuud wuu yaabay, wuxuuna ku dhahay Nebiga I bar hadalkaan fiican (quraanka), Nebiga scw ayaa ku dhahay "waxaa tahay canug wax la baray" [3]
Maalinkaas wixii ka dambeeyay ibni mascuud wuu iska daayay qoosaarnimada wuxuuna u go'ay u khidmeena rasuulka scw, mana ka hari jirin safar iyo nagaasho. Hooyadii iyo walaalkiis ayaa iyagana qaatay diinta islaamka[4].
Qofkii u h**eeyay ee Kor u qaada quraanka makah.
Gaalada qureysh aa cadaadis daran ku heysay muslimiinta mana jirin cid ku dhiiran karto inay quraanka muujiso aa ka ahayn Nabiga scw. Maalin baa waxaa meel ku kulmay saxaabada waxey is dhaheen qureysh waligeed ma arag quraanka oo kor loo qaadayee miyuu jiraa qof maqashiin karo?.
Ibni mascuud ayaa yiri aniga igu daaya, saxaabada ayaa ku dhaheen adiga qaraabo ku difaacdo ma qabtid waa kuu baqeenaa, wuxuu dhahay iga taga ilaah baa qabaa asaa I dhoorayo, qureysh oo kacbada ag dhooban ayuu u tagay suurada al-raxmaan buu ku dul aqriyay, qureysh baa ku xanaaqday waxey ku bilaabeen dil, dhaawac badan bay gaarsiiyeen, ibni mascuud oo dhaawaca ka muuqdo ayaa ku soo laabtay saxaabada, waxey dhaheen; saan ayaa kaaga baqeenay, wuxuu u sheegay inuu diyaar u yahay bari inuu ku laabto, waxee dhaheen may waad maqashiisay waxey nacaayeen bas waay[5].
Hijradiisa xabasha kadibna madiina
✨️
Ibni mascuud wuxuu maray dhibkii kasoo gaaray muslimiinta h**e xaga Qureysh taas oo keentay inuu u hijroodo xabasha soo u la badbaado naftiisa iyo diinkiisa[6], sanado ka dib makka ayuu ku soo noqday hadana madiina ayuu u haajiray kadib markuu Nebiga scw faray saxaabada inay u haajiraan[7].
Hijrada ka dib✨️
markuu madiina u haajiray, rasuulka scw ayaa la walaaleeyay sacad bin mucaad ama mucaad bin jabal sida riwaayaadka qaar qabaan, wuxuuna kala qeyb galay nabiga scw dhamaan dagaalada, dagaalkii badar wuxuu qofka dhameystiray abuu jahal ka dib dhaawacii ilmo cafraa ey gaarsiiyeen, Nabiga scw ayaana siiyay seefta abuu jahal[8]. Dagaalkii uxud wuxuu ku juray in yar oo Nabiga scw ku hartay dadkii markey yaaceen
Watigii khulafa raashidiin✨️
wuxuu qeyb ka qaatay ibni mascuud furashada shaam, dagaalkii yarmuuk ayuu xaadiray[9], asigaana qeybiyay maalinkaas ganiimada, Furashooyinka ka dib wuxuu jecleestay inuu d**o ximsa[10][11], ilaa oo uga yimid amarka khaliifka labaad cumar inuu aado Kuufa Ciraaq si dadkeeda oo u baro diinta una saacido talyaheeda cusub camaar bin yaasir, ibni mascuud waxaa uu tagay kuufa faafinta diinta ayuuna ka bilaaway dad badan ayuu soo saaray ilaa 4000 oo qof baa la sheegaa inay gaarayaan dadkii uu wax baray
Xuquuqda Qoraha Waa :Macalin Abdirahman Kampala