Puntland students union in uganda - psu

Puntland students union in uganda - psu

Share

Finding solutions to big challenges and to preparing students for leadership in complex world

Photos from Puntland students union in uganda - psu's post 16/09/2020

kadib-ka qaybgalkii book-ga han iyo hiigsi ee bandhigiisu ka dhacay magalada Kampala wadanka Uganda taarikhdu markay ahayd 13 September 2020.

waxaan aad ugu Faraxsanahay inaanu Aragno Dhalinyaro aqoonyahano somaliyeed ah Oo dadaal ugu jira sidii ay bulshada Wax u tari lahaayen sida qorida book iyo dhiganaal cilmi iyo tusaalayn ku astaysan,

Gaar ahaan Waxaanu bogaadinaynaa in Gabdhaha soomaliyeed ay qaaten door muhiim ah Oo ay waxtar-kooda ku muujinayan bulshada dhexdeeda sida soo saarida Buugaag wax tar u leh akhrista yaasha somaliyed.
Buuga Han iyo Hiigsi oo ay qortay walashen faduma abdi allore runtii waa book ay wakhti iyo dadaal dheer galisay waana book muhiim ah sigaarana diirada u saaraya haweenka,

iyo haldoorka lamida ee somaliyed waxan leenahay horay in loosocdo mooye yaan dib-loo noqon.

12/08/2020

Gudoomiyaha jaaliyada puntland ee uganda zakariye Mohamed Abdullahi iyo guud ahaan jaaliyadu waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayan xubnaha kala ah:-

1.ilhan omar
2.omar fatah
3.jamal osman

kadib guushoodii doorashadii maraykanka ee heer Federal,Gobol iyo Degmo.

jaaliyada puntland ee uganda oo ugu horeeyo mudane gudoomiye zakariye Mohamed Abdullahi waxay idin rajaynaysa guul iyo hormar.

zakariye Mohamed Abdullahi.

Photos from Puntland students union in uganda - psu's post 10/08/2020

Xuska 22 sano guuradii ka soo wareegtay Markii la asaasay Dowlada Puntland ayaa waxaa ay ka dhacday xalay Magalada kampala ee Casimada dalka uganda.

Xafaladaan oo ay soo agaasimeen Maamulka Jaaliyada Puntland ee Ugnada iyo gacansatada Reer puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay Dhalinyaro, Aqoonyahano, Cuqaal, Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay xukumada soomaliya iyo Heer puntland Ganacsato iyo qaarka mida Hooyooyin ku nool magalada Kampala.

Gudoomiyaha jaaliyada Puntland Zakariye Mohamed Abdullahi ayaa Hambalyo u Diray shacabka Reer Puntland iyo ciidamada qalabka sida ee xukumada Puntland waxaa uuna kula Dardaarmay Dhalinyarada in la xoojiyo midnimada Umada Reer Puntland meel waliba ay joogaan.


Munaasabada waxaa khadka talefoonka uga soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdrashid yuusuf jabriil iyo wasiirka waxbarshada Puntland Abdulaahi Mohamed Hassan Masuuliyiintaan ayaa ugu hambalyeeyay shacabka ku Nool wadanka Uganda Xuska sanad guurada 22aad Ee ka soo wareegtay Asaaskii Puntland waxaan ay Dhalinyarada kula dardarmeen in Ay ku Dadalaan sidii ay wax ugu qaban lahayeen Dalkooda iyo Dadkooda.

Ugu danbayntii waxaa xaflada Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay Gudigii ka soo shaqeeyay Qabanqabada xafladaan oo lagu amaanay hawsha ay soo qabteen.

04/08/2020

إنا لله وإنا إليه راجعون,

inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucun,
aniga oo ku Hadlaya magacayga iyo Kan ardayda iyo jaaliyada puntland ee dalka uganda.

waxaan ka tacsiyaynayna geerida naxdin
leh ee ku timid walal Sharmaake Cusmaan Cashuur,
Alle ha u naxaristo marxuumka qabrigana ha u waasiciyo janatul fardowsana haka waraabiyo ehelka, qaraabada iyo dhaman umada rer puntland samir iyo Iman alle haynaga siiyo.

aaaamin aamin aaaamin.

31/07/2020

Happy anniversary 1-August to all puntlanders specially for those who are in uganda.

Celebrate well and have your big day with safety and healthy.

Sanad guuro wacan.

31/07/2020

Asc, Waxaan u hambalyeynayaa dhamaan umada islaamka ah meel walba oo ay joogaan waxaan gaar ahaan ugu hambalyeynayaa shacabka reer puntland farxada maalinta ciidka anigoo ah gudoomiyaha jaaliyada puntland ee dalka uganda Zakariye maxamed Abdullahi.

Ciid mubaarak.

12/07/2020

Xafladda Xil-wareejinta gudoomiyaha Cusub jaaliyadda Puntland

waxaa maanta xafladda xil wareejin lagu qabtay dalka Uganda taasoo ujeedkedu Ahaa gudoomiyaha cusub jaaliyada Puntland ee dalka uganda Mudane zakariye Mohamed Abdullahi taaso uu xilka kala wareegay Gudoomiyihii horre Jaaliyadda Puntland Mudane Abdiweli carabey Xafladdas waxaa kasoo qayb galay Odayaasha Dhaqanka Aqoonyahanka Culimadda Ganacsatadda haweenka dhaliyaradda jaaliyada puntland ku dhaqan dalka uganda.

waxaa xafladda khadka talefanka uga qayb galay wasiradda wasaradaha waxbarashada iyo arimaha gudaha Dowladda Puntland Wasiir Abdulahi Mohamed isse iyo wasiir Mohamed abdirahman dhabancad Wasiiradda ayaa waxay hambalyo iyo bogaadin u diren gudoomiyaha Cusub ayagoo ku dheerigeliyey inuu ka shaqeeyo wadajirka isku duubnidda jaaliyada puntland ee ku dhaqan dalka uganda.

xafladda ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u daggan dhamaan bulshadda kasoo qayb-gashay ayaa hamblyo iyo dheerigelin u diray gudoomiyaha cusub jaaliyadda Puntland Mudane zakariye Mohamed abdulahi.

Mahadsanid...

19/03/2020

Bismillah, Dhamaan Jaaliyada iyo Ardayda puntland ee dalka uganda waxay soo dhaweynayaan Shirkii wadatashiga puntland ee ka qabsoomay magaalo madaxda DPL ee garoowe 15/March/2020.

Waxaa uu ahaa shir looga arinsanayay masiirka umada Puntland, Qodobada ka soo baxaynaa waxaa ay ahaayeen kuwo wax tar buuxa u leh DPL.

Waxaan ku boogaadinayaa Madaxda puntland in la asteeyo xili ay Haldoorka iyo umada puntland ay mar ka wada hadlaan ayahooda umadeed, Siyaasadeed & Dhaqaale ahaanba.

Gudoomiyaha Ururka ardayda puntland ee uganda

Hon Abdiweli M. Hassan

Photos from Puntland students union in uganda - psu's post 23/11/2019

ururka ardayda puntland ee dalka uganda ayaa kulan la qaatay Gudiga tirakoobka ardayda puntland ee dalkaasi iyagoo ka wada hadlay qaabka ugu haboon ee loo tirakoobi karo.

20/11/2019

Waxaa uu gudoomiyaha ardayda puntland ee dalka uganda Maanta oo taarikhdu tahay 20/Nov/2019 Magacaagabay Xubno Loo idmaday Tirakoobka ardayda puntland ee wax ka barata jamacadaha dalka uganda.

Photos from Puntland students union in uganda - psu's post 01/11/2019

Waxaa mudo Labo maalmood ah ku sugnaa dalka uganda casimadiisa kampala Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare puntland mudane Abdullahi Maxamed Xasan.

Waxaa wasiirka safarkiisa ku wehelinayay Agaasimaha tacliinta sare puntland.

Agenda Safarkooda ayaa waxaa uu ahaa in ay xaliyaan khilaafaad dhaxyaalay Ardayda puntland iyo safarada somaliyeed ee dalka uganda iyo isku xidhka jamacadaha puntland iyo uganda.

Gudoomiyaha ururka ardayda puntland ee dalka

Abdiweli M.Hassan

Photos from Puntland students union in uganda - psu's post 20/10/2019

Waxay ahayd Xaflad casho sharaf ah oo loo sameyay Gudomiyaha barlamaanka puntland iyo tiro xildhibaano ah oo howlo shaqo u joogay wadanka uganda gaar ahaan caasimadiisa kampala.

Gudomiyaha Ururka ardayda puntland ee uganda:-

Abdiweli M.Hassan

Want your school to be the top-listed School/college in Kampala?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Kampala