01/03/2015
Selaam......Baraarujin ku socotota Dhamaan Ardayda Somaliyed.
Codsiga Deeqaha Waxbarasho(Scholarship) ee dalka Turkiga sanadka 2015.
Cosiga darajooyinka heerka koobaad ee jaamacadeed(Undergraduate),
heerka labaad ee jaamacadeed(Masters) iyo Diktoora(Ph.D)
February 25 ilaaa 31 March sanadkan 2015. Deeqdaan waxaa ka codsan kartaan Web-ka rasmiga ah ee www.turkiyeburslari.gov.tr.(webka kolkaad gashaan dhanka midig ee kore calanka INGIRIISKA ku dhufo si aad INGIRIIS ugu bedesho). Dhammaan ardada kasoo qalinjebisa heerarka kala duwan ee waxbarashada sida:
Dugsiyada Sare (Secondary/High school),
Heerka koobaad (undergraduate/bachelor) iyo
heerka labaad ee jaamacadda (Masters) ayaa soo codsan karataa.
Shuruudaha codsiyada waxaa ka mid ah:
1) Shahaado jaamacadeed oo sax ah,
2) Warqadda darajooyinka/buundooyinka(Transcript),
3)Baasaboor sharci ah( aan dhacsaneyn),
4)Tixraac xoog leh(ugu yaraan 3 qof oo mansab iyo magac leh),
5) Haddaad soo shaqeysan caddeyn khibradeed(Experience Letter). Waa Muhiim.
6) Warqad talo bixin ah(recommendation letter),
7) Haddaad daraasad sameysay/ journaallo cilmiyadeed daabacday caddeynteeda( aad ayay muhiim u tahay).
NB: Haddii aad goordhow Iskuul ama jaamacad kasoo qalinjebisay balse shahaado haysan, shahaado caddeeneysa inaad jaamacad dhammeysay(PROFESSIONAL CERFICATE) kasoo qaado jaamacadaada.
Dhammaan wixii macluumaad laxariira xilliga codsiga, qaabka codsiga, shuruudaha codsiga, fursadaha waxbarasho iyo jaamacadaha dalka Turkey fadlan WEB-ka aan kor kusoo xusay ama FACEBOOK PAGE(Turkiye Burslari) booqo. oo ah
https://www.facebook.com/turkiyeburslari
BY; Abdelnor Dahir......