05/10/2020
Kulan soo Dhawayn & dood cilmiyeed isugu jiray, oo ay soo qaban qaabiyeen midowga Ardayda DDS ee Turkey oo ka dhacay magaalada Istanbul, oo uu marti noogu ahaa Wasiir K/x Xafiiska Madaxwaynaha DDS mudane Abdirizak Sayid, kulanka oo uu furay Wasiir Kx. Mudane Abdirizak Sayid ayaa wuxuu warbixin ardayda ka siiyay Xaalada degaanka, kullankaas oo waqti dheer qaatay, Mawduucyo kala duwana laguna Lafa-guray
Dood cilmiyeedyada Madasha lagu falanqeeyay waxaa kamid ahaa
1. Nidaamka Adeeg bixinta caafimaadka Degaanka, Caqadaha & Xalka, oo uu soo jeediyay, Mudane Dr. Ismail Dhodan
2. Marxalada siyaasadeed ee kala guurka ah ee uu dalku ku jiro & saamaynta deegaanka ay ku leedahay, Degaanka Soomalida waddo noocee ah bay tahay inuu qaado & sida loowajahayo oo ay soo jeediyeen.
Mudane Saddam Siraj (MA international relations & African Studies) iyo Mudane Ibrahim Hussein(MA Politics and Public adms)
Abdirahman Dahir (MA politics and public Adm)
3. Tayada waxbarashada ee ay ku leedahay koboca garaadka bulshada, waxbarasho noocee ah baan u baahanahay? iyo Saamaynta Saxaafada, siiba Baraha Bulshadu ku ku leedahay wacyiga bulshada Seid Abdi (PHD candidate of Educational Sciences and Curriculum Dev’t) & Ilyas Abdi (MA of Journalism & Communications)
Ka Faaiidaysiga Fursadaha ka jira ee waddankan & Khibradaha looga faaiidaysan karo khayraadka waddankeena.
Eng. Abdinur Mohamed (MA Agriculture Engineering iyo Eng. Abdinuur Abshir (Hydraulics Engineering).