30/11/2020
Selamullahi calaykum waraxmatullahi wabaraaktuh, aad ayaan u salaamaya ardayda aanu bahwadaagta kunahay hayaanka waxbarasho ee ku nool dalkani turkiga. Magacaygu waa Khalid Ibrahim Abdi, gudoomiyaha cusub ee loo dortay ardayda turkiga, ILAAHAY waxan ka baryayaa inuu xilka walaalahay aan u qaadey uu sida ugu wanaagsan ii waafajiyo isaga ayay awoodiisa tahaye, waanan ku han weynahay in aan wax badan kusoo kordhin doono idamka RABI.
Waxa aan ka cudur daaranayaa mudada cishada ah, ee aanan wax qoraal is barasho ah so dhigin, exams jiray aawadeed.
Sida aynu ka war hayno, waxa mudooyinkii u danbeeyay hoos u dhac baahsan ku yimid midnimadii iyo iska warhayntii ardayda walaalaha iyo isku dalkaba ah, iyada oo laga yaabo in aynaan isba garaneyn, inaga oo hal wadan kuwada nool, oo xitaa laba isku magaalo ahi aanay dadka iska dhex garaneyn.
Waxa aan bud-dhig iyo bilaysinba ka dhigi doonaa wada jirka, is barashada, iyo iska warheynta intaba.
“TABAN TAABADAY LABA GACMOOD TAMAR KU YEESHAANE
TISKA WAXA LA QAADAA MARKAY TIIRISAA BIDIXE.”
Hadii aynu inagu isku xidhnaano midnimada dhexdeenuna adkaato, filiqsanaan iyo kala daadsanaanna aynu iska jirno, waxa inoo suurta galaya in wax walba oo inaga hor imaada si dhib yar aynu uga gudubno !.
“ILKUHU WADA JIRKOODAY, HILBAHA ADAG KU GOOYAANE,
HADAY INIBA MEEL TAAGANTAHAY, ADHAX MA FEENTAANE!.”
Dardaarankaygu wuxu yahay mid aynu noqonno mabda’ midaysanna aynu wada yeelano bi idnillahitacaalaa.
“NIN UUNBAA GUDOONSHEE
XIL WAA LAYSU GORORSHAAYE
GALLADUNA WAXAY SAARANTAHAY
WAX ISKU G*Y G*YNE…”
~HADRAAWI.
"واعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا واذكروا نعمت الله عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا وكنتم على شفا حفرة من النار فأنقذكم منها كذلك يبين الله لكم آياته لعلكم تهتدون"
~ “BALANTEENU WAA MIDNIMO"