UJEEDO: DIB U-EEGISTA MANHAJKA WAXBARASHO
Maxay Tahay Dhibaatada Ka Jirta Horumarka iyo Tayadda Waxbarashada?
Soojeediye: SH. Maxamuud Xaaji Yuusuf
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyigelinta Dugsiga.
Dugsiga H/Dhexe ee Liibaan -Xingalool
Page-ka rasmiga ah Dugsiga H/Dhexe ee Liibaan. Xaruunta aqoonta & hal-abuurka D/Xingalool. Ku xirnow markasta Dugsiga Liibaan.
09/08/2026
Hambalyo Ardayda Heerka 3-aad
Waxaan hambalyo iyo bogaadin diirran u diraynaa ardayda: Asmo Xuseen Jaamac iyo Maryam siciid Axmed, kuwaas oo sannad-dugsiyeedka 2026/2027 si guul leh ugu gudbay Fasalka 3-aad.
Maamulka iyo dhammaan macallimiinta Dugsiga H/Dhexe ee Liibaan -Xingalool waxay idiin rajaynayaan guulo waaweyn, dadaal joogto ah, iyo mustaqbal ifaya oo ay ka buuxaan aqoon, akhlaaq iyo horumar.
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyi gelinta Dugsiga.
06/08/2026
Hambalyo Ardayda Heerka 2-aad
Waxaan hambalyo iyo bogaadin diirran u diraynaa ardayda: Cadnaan Faysal Yuusuf iyo Carafaad Faysal Yuusuf, kuwaas oo sannad-dugsiyeedka 2026/2027 si guul leh ugu gudbay Fasalka 2-aad.
Maamulka iyo dhammaan macallimiinta Dugsiga H/Dhexe ee Liibaan -Xingalool waxay idiin rajaynayaan guulo waaweyn, dadaal joogto ah, iyo mustaqbal ifaya oo ay ka buuxaan aqoon, akhlaaq iyo horumar.
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyi gelinta Dugsiga.
31/07/2026
UJEEDO: SHAACINTA NATIIJADA IMTIXAANAADKA
Dugsigu wuxuu shaacinayaa Berri oo ah 01/08/2026 Natiijada Imtixaanka Naqliga ah Sannad Dugsiyeedka Dhammmaday Ee 2025/2026. Waxaana inoo bilaaban doono Sannad Dugsiyeedkeenii Cusubaa 2026/2027.
Sidoo kale waxaa la furayaa Dugsiga, iyadoo ay bilaabanayaan Duruustii iyo Jadwalkii Casharada.
Dhammaan waxaan u rajaynaynaa Ardayda Natiija wacan oo ay ku farxaan iyaga iyo waalidiintood.
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyigelinta Dugsiga.
27/07/2026
Wasaarada Waxbrashada ayaa shaacisay iyana sidii aynu h**e u sheegnay Dharka Cusub Ee Sannad Dugsiyeedka 2026/2027 ka bilaabanaya.
WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE PUNTLAND OO HIRGELISAY HABRAACA LABBISKA MIDAYSAN EE ARDAYDA
Garoowe, Luuliyo 27, 2026 – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay go'aamisay hirgelinta Habraaca Labbiska Dugsiyada, kaas oo lagu mideynayo labbiska dhammaan heerarka waxbarashada ee dugsiyada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee Puntland.
Habraacan ayaa lagu xoojinayaa aqoonsiga dugsiyada, anshaxa iyo sinnaanta ardayda, tayada deegaanka waxbarashada iyo fayo-dhowrka caafimaad, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, diinta iyo duruufaha bulshada Puntland.
Wasaaraddu waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan maamullada dugsiyada, waalidiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada in ay u hoggaansamaan habraacan, kana wada shaqeeyaan hirgelintiisa muddada ay Wasaaraddu go'aamisay.
Habraaca cusub oo lala wadaagay Guddoonnada Waxbarashada heer Gobol, heer Degmo iyo maamuleyaasha iskuullada waxa uu qeexayaa midabbada rasmiga ah ee labbiska heer kasta oo waxbarasho, waajibaadka dugsiyada iyo waalidiinta iyo habraacyada dabagalka ee Wasaaradda.
DHAMMAAD
24/07/2026
UJEEDO: SHACINTA DHARKA CUSUB 2026/2027
Dugsiga Hoose Dhexe ee Liibaan wuxuu shaacinayaa Jaantus Rasmiga ah oo qeexaya midabbada Lebbiska Ardayda heerarka kala duwan ee ay Wasaaradda Waxbarashada Puntland sannadka jaangoysay.
Tani waa tallaabo h**e loo qaaday, si loo ilaaliyo Nidaamka, Nadaafadda, iyo Aqoonsiga Dugsiga.
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyigelinta Dugsiga.
22/07/2026
Ardayga Maanta | Xafiiska Nashaadaadka Dugsiga Hoose Dhexe ee Liibaan Waxa uu sidoo kale idin la wadaagaya Siciid Maxamed Yuusuf Xasan, oo ka mid ah ardayda fasalka 2-aad ee Dugsiga Hoose Dhexe ee Liibaan. Siciid, waa arday firfircoon, dadaal badan, isla markaana mar walba u taagan Wax-barashada.
Siciid, waxa uu leeyahay Himil-sare oo uu ku doonayo inuu mustaqbalka anfaco diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisaba. Sidaa darteed Maamulka & Macalimiinta Dugsiga waxay u rajeynayaan mustaqbal ifaya, guulo waaweyn iyo inuu noqdo qof bulshada wax weyn ku soo kordhiya mustaqbalka.
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyigelinta Dugsiga.
21/07/2026
شعارنا اليوم: "صغار اليوم… كبار الغد 🌟"
Idriis Cabdi casiis Axmed Xasan📚
Ardaygeenna yar ee haatan ku jira heerarka Hoose Ee Waxbarashada, Idriis Cabdicasiis Axmed Xasan, waa Ubax ka mid ah Ubaxyada maanta waxbaranaya, si ay Berri u noqdaan hoggaamiye, aqoonyahan iyo haldoor dalkooda anafaca, dadkoodana u adeega.
شعارنا: [ صغار اليوم كبار الغد ]
[Carruurta maanta, waa dadka waaweyn ee berri]
Maamulka iyo dhammaan macallimiinta dugsigu waxay Idriis iyo Ardayda kale oo dhan u wada rajaynayaan mustaqbal ifaya, aqoon waxtar leh, guul joogto ah iyo horumar aan dhammaad lahayn.📖🖋
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyigelinta Dugsiga.
20/07/2026
HORDHAC: WAXAYNU GAADHNAY 1.5K TAAGEERE
Dugsiga H/Dhexe Ee Liibaan-Xingalool, Page-ka rasmiga Ee Facebook wuxuu u dabaal-dagayaa inuu gaadhay muddo kooban 1.5K oo Taageereyaal ah.
Hiigsiigeennu imika waa 2K oo Taageere iyo ka badan, oo halkan mar walba kala socda Nashaadaadka iyo Wax-soorka Dugsiga.
Mahadsanidiin mar walba bulshadeena xariirta ah.
FG: Fadlan nagu taageer Like, Share & Comment.
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyigelin Dugsiga.
20/07/2026
شعارنا اليوم: "صغار اليوم… كبار الغد 🌟"
Marwaan Jaamac Maxammed Xasan 📚
Ardaygeenna yar ee haatan ku jira heerarka Hoose Ee Waxbarashada, Marwaan Jaamac Maxamed Xasan, waa Ubax ka mid ah Ubaxyada maanta waxbaranaya, si ay Berri u noqdaan hoggaamiye, aqoonyahan iyo haldoor dalkooda anafacada, dadkoodana u adeega.
شعارنا: [ صغار اليوم كبار الغد ]
[Carruurta maanta, waa dadka waaweyn ee berri]
Maamulka iyo dhammaan macallimiinta dugsigu waxay Marwaan, iyo Ardayda kale oo dhan u wada rajaynayaan mustaqbal ifaya, aqoon waxtar leh, guul joogto ah iyo horumar aan dhammaad lahayn.📖🖋
Xafiiska Nashaadaadka & Wacyigelinta Dugsiga.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the school
Telephone
Website
Address
Xingalool
Opening Hours
| 09:00 - 17:00 |