06/08/2024
TACSI:
أنا لله وإنا إليه راجعون.
إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى.
Maamulka Macallimiinta Waalidiinta Ardayda iyo dhammaan bulshada ku dhaqan deegaanka Bakaaroole waxeey tacsi tiiranyo u dirayaan Ehelki qaaraabada iyo qoyska uu ka baxay marxuum Ustaad Abdullahi Mohamed Ali Qaloocoow oo ka mid ahaa barayaasha wax ka dhiga Bakaaroole Primary School.
Samir iyo imaan Allah naga siiyo jannatul Firdowsa Allah ka waraabiyo gadaashiis Allah nama fidneeyo.
13/01/2023
12/01/2023
Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Hirshabeelle mudane Mohamed Mohamud Abdulle iyo agaasimaha guud mudane Amin muqtar Ahmed ayaa maanta kulan la qaatay bulshada Degmada Warshiikh.
Bulshada ayaa wasiirka uga warbixisay xaalada waxabarasho ee degmada ayagoo ka mahadceliyay waxqabadkii Wasaarada sida quudinta ardayda, marshruuca BAR ama BARO oo ay ka faaideysteen arday dan yar ah.
Bulshada ayaa ka codsatay wasiirka in ay helaan macallimiin tayo leh Mushaar ku filan qaato, tuulooyinka qaar oo aysan Wili gaarin waxbarshada in lagarsiyo iyo adeegya kale oo waxabarasho.
Mahadsanidiin.
25/08/2022
Maanta oo ay Taariikha Tahay 25/08/2022. waxaa Schoolka BAKAAROOLE soo gaaray wafdi balaaran oo ka socday Ururka BADBAADO community care uu hogaaminayay Guddoomiyihii h**e ee badbaado community care ahna xoghayaha jaaliyadaha badbaado Mudane Jibriil Cali Garaare ayaa safar kor-meer ah ku yimid Tuulada Bakaaroole, waxaa ku wehliyay safar-kooda mudane Maxamed Shukri Macalin oo muddo ka soo shaqeeyay hormarinta Adeegyada Bulshada Waxbarashada & Caafimaadka, sidoo kale safarka waxaa qeyb ka ahaa culamaa-udiin aqoonyahanno iyo siyaasiyiin oo dhamaan katirsan Ururka BADBAADO.
Safarka u jeedkiisa ayaa ahaa u kuur galidda
Howlaha wax barsho ee deegaanka ka wado BADBAADO iyo wacgilinta bulshada, iyo sidii kor loogu qaadilahaa dardar-gilinta Waxbarashada.
waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Guddiga schoolka cilamaa-udiin iyo odayaasha dhaqanka oo dhamaan umahad Celiyay Ururka BADBAADO community care Dadaalka waxbarashada oo ay ka wado Tuulada BAKAROOLE.
24/05/2022
Waxaa si rasmi ah u bilaawday imtixaankii Ugu dambeeyey { Final Exam } ee sanad dugsiyeedka 2021/2022.
20/11/2021
Wafdi ay Hogaaminayeen Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Mudane 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗫𝗮𝗮𝗷𝗶 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗗𝗮𝗿𝗮𝗳𝗲𝗲𝘆, Xildhibaan 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙡𝙖𝙖𝙝𝙞 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝘾𝙪𝙢𝙖𝙧 oo ah Xildhibaan Hirshabeelle, ayaa Booqasho shaqo ku yimid Tuulada 𝘽𝙖𝙠𝙖𝙖𝙧𝙤𝙤𝙡𝙚 ee hoostimaada Degmada Warshiikh.
Gudoomiyaha, Xildhibaanka iyo Mas'uuliyiintii la socotay waxaa ku soo dhaweeyay Guddiga Tuulada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Qeybaheeda kala Duwan, Waxaana kulankaas looga hadlay sii xoojinta wada shaqeynta ee Maamulka iyo Guddiga Tuulada, Si loo gaaro horomar Ballaaran.
Intaas kadib Wafdiga waxaa ay booqdeen Iskuulka Hoose Dhaxe ee Waxaa ayna kula dardaarmeen Guddiga Schoolka iyo Waalidiinta in ay Caruurtoota ku Dhiira Galiyaan Wax Barashada 🖊
11/04/2021
Asc Ku soo Dhawaada Waa Bage Ka Rasmiga Ah
Bakaaroole Primary School