Warsheik primary and secondary school

Call Directions Contact the school

Warsheik primary and secondary school Bogga hormarinta waxbarashada ee dugsiga Warsheekh

πŸŽ“ DAAHFURKA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH 2025–2026 πŸŽ“πŸ“ Dugsiga Warsheikh Primary & Secondary SchoolπŸ“… 20 Juun 2026Maanta oo ay...
20/06/2026

πŸŽ“ DAAHFURKA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH 2025–2026 πŸŽ“
πŸ“ Dugsiga Warsheikh Primary & Secondary School
πŸ“… 20 Juun 2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Juun 2026, waxaa si rasmi ah uga bilowday Dugsiga Warsheikh Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee sannad dugsiyeedka 2025–2026. Oo ay ku galeen arday ka kala socotay dugsiyada Warsheikh iyo Cadale.

Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Degmada Warsheikh, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen:
βœ… Xildhibaan Cabdullaahi Cabdulqaadir Xaaji
βœ… Kormeeraha 1-aad: Sakariye Cabdullaahi
βœ… Kormeeraha 2-aad: Maxamed Isaaq
βœ… Isku-duwaha Waxbarashada Degmada Warsheikh
βœ… Taliyaha Booliiska Degmada Warsheikh

Waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u diraynaa dhammaan ardayda u fadhiisatay imtixaanka, annagoo Alle uga baryeyna guul, dadaal miro dhal ah iyo mustaqbal ifaya. 🌟

πŸŽ“ Maalinta Ugu Dambeysay ee Imtixaanka Shahaadiga ahaa ee fasalka 8-aad Sannad Dugsiyeedka 2025-2026 πŸŽ“Waxaa maanta si ra...
18/06/2026

πŸŽ“ Maalinta Ugu Dambeysay ee Imtixaanka Shahaadiga ahaa ee fasalka 8-aad Sannad Dugsiyeedka 2025-2026 πŸŽ“

Waxaa maanta si rasmi ah ugu soo gabagaboobay dugsiga Warsheikh imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2025-2026 Munaasabaddan muhiimka ah waxaa si gaar ah uga qeybgalay Maamulaha Dugsiga Warsheikh, macallimiinta dugsiyada Warsheikh, Ceel-macaan, Ruunshiiqow, SHiiqyaalo, Qeyloweyne iyo ardayda ka kala socotay SHanta dugsi.

Waxaan sido kale mahad ballaaran u celinaynaa Wakiilka ka socday Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee DG Hirshabeele kaalintooda ku aadan diyaarinta iyo dardar gelinta imtixaanka.

Guul iyo horumar ayaan idin rajaynaynaa dhammaan ardayda fasalka 8-aad meel kasto oo aad ka joogtaan dalka Somalia ! πŸŒŸπŸ“š


MAANTA oo ay taariikhdu tahay  15 Juun 2026, waxaa si rasmi ah uga bilaabmay Dugsiga Warsheekh Imtixaanka Fasalka 8-aad ...
15/06/2026

MAANTA oo ay taariikhdu tahay 15 Juun 2026, waxaa si rasmi ah uga bilaabmay Dugsiga Warsheekh Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Furitaanka imtixaanka waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Warsheekh, oo kala ah Mudane Cabdullaahi Cabdulqaadir Xaaji iyo Mudane Abuukar Jaciir Xaaji, iyo sidoo kale Isuduwaha waxbarashada Degmada Warsheekh mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamuud.

Xarunta imtixaanka oo ah Dugsiga Warsheekh waxaa ku galay imtixaanka arday ka socota dugsiyada Ceelmacaan, Qeyloweyne, Shiiqyaalo, Ruunshiiqow iyo Dugsiga warsheekh.

Maamulka dugsiga iyo bahda waxbarashada waxay u rajaynayaan dhammaan ardayda u fariisatay imtixaanka guul, iyo natiijo wanaagsan.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo imtixaanka, kana dhigo mid ku soo dhammaada guul iyo farxad.


Waxbarashada_Hirshabeelle

πŸŽ“πŸ“š IMTIXAAN πŸ“šπŸŽ“Maanta waxaa si guul leh u soo gabagaboobay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2025/2026 ee Dugsiga Warsheikh, ...
11/06/2026

πŸŽ“πŸ“š IMTIXAAN πŸ“šπŸŽ“

Maanta waxaa si guul leh u soo gabagaboobay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2025/2026 ee Dugsiga Warsheikh, kaas oo si rasmi ah u bilowday maalintii Sabtida ahayd.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda dadaalka iyo adkaysiga muujisay muddadii imtixaanka uu socday. Sidoo kale, waxaan uga mahadcelinaynaa macallimiinta, maamulka dugsiga, iyo waalidiinta kaalintii weynayd ee ay ka qaateen diyaarinta iyo hirgelinta imtixaanka.

Waxaan Alle uga baryeynaa ardayda inuu ku guuleeyo dadaalkooda, kana dhigo kuwo natiijooyin wanaagsan ka soo hooya imtixaankan.

Guul iyo horumar ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda Dugsiga Warsheikh. 🌟




Waxaan si farxad leh ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardayda ka qeyb gashay Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ...
09/03/2026

Waxaan si farxad leh ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardayda ka qeyb gashay Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee ka qabsoomay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Warshiikh.
Tartankan oo ahaa mid kor loogu qaadayo aqoonta iyo dadaalka ardayda, laguna maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa si guul leh inoogu soo dhammaaday.
Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa fasalladii ku guuleystay tartanka oo kala ah fasalka 7aad oo ku guuleystay kaalinta 1aad ee tartanka hantayna koobkii bisha barakeysan ee Ramadaan, fasalka 1aad oo isna ku guuleystay kaalinta 2aad iyo fasalka 4aad oo ku guuleystay kaalinta 3aad.
sidoo kale waxaan bogaadinaynaa dhammaan ardaydii kale ee ka qeyb gashay dadaalkooda iyo kartidooda ay muujiyeen.

Mahad gaar ah waxaan u jeedinaynaa guddiga tartanka, maamulka, macallimiinta, iyo ardayda ka qeyb qaatay qabsoomidda iyo guusha tartankan.

Ugu dambeyn, waxaan rajeyneynaa in tartankan uu noqdo mid sii socda sanadaha soo socda, isla markaana dhiirrigeliya ardayda inay sii xoojiyaan aqoontooda.

03/03/2026

TARTANKA AQOONEED EE BILASHA RAMADAAN

Iyadoo lagu jiro barakada bisha Ramadaan, waxaa si habsami leh u socda tartanka aqooneed ee dugsiga, kaas oo kor u qaadaya xirfadaha ardayda, dhiirrigelinayana tartan caafimaad qaba oo ku dhisan cilmi iyo faham.

Shalay waxaa tartanka foodda is daray fasallada Class 4 iyo Class 8, waxaana si sharaf leh ugu guuleystay Class 4, iyagoo muujiyay dadaal, feejignaan iyo aqoon qoto dheer.

Sidoo kale maanta waxaa tartamay fasallada Class 7 iyo Form 1, waxaana guusha qaaday Class 7, kuwaas oo soo bandhigay karti iyo diyaargarow heer sare ah.

Tartankani ma aha oo kaliya mid lagu kala badiyo, balse waa madal lagu kobcinayo aqoonta, kalsoonida iyo wada shaqeynta ardayda.

Hambalyo dhammaan fasallada ka qaybgalay tartanka, gaar ahaan kuwa guusha gaaray. Waxaan rajaynaynaa in tartanku sii ahaado mid dhiirrigeliya horumar iyo hal-abuur waxbarasho.

Guul iyo horumar joogto ah!

02/03/2026

βœ¨πŸ“š ISKU AADKA WAREEGA LABAAD – TARTANKA AQOONEED EE RAMADAAN πŸŒ™πŸ†

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey isku aadka Wareega Labaad ee Tartanka Aqooneed ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee Dugsiga Warsheikh.

Kulamada Wareega Labaad ayaa noqon doona sidan:

πŸ”Ή Class 8 πŸ†š Class 4
πŸ”Ή Class 7 πŸ†š F1
πŸ”Ή Class 1 πŸ†š F2

Tartankan oo si xiiso leh u socda ayaa muujinaya dadaalka, kartida iyo aqoonta ardayda. Waxaan rajaynaynaa in kulamadu noqdaan kuwo xiiso badan oo ay ardaydu ku tartamaan si hufan, anshax leh, isla markaana ay muujiyaan tayadooda aqooneed.

🎯 Hambalyo dhammaan fasallada u soo gudbay Wareega Labaad, waxaana u rajaynaynaa guul iyo nasiib wacan dhammaan tartamayaasha!



TARTAN AQOONEEDKA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAANTartankii aqooneedka ee ka socday dugsigeenna ayaa si habsami leh u qabsoo...
25/02/2026

TARTAN AQOONEEDKA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN

Tartankii aqooneedka ee ka socday dugsigeenna ayaa si habsami leh u qabsoomay, iyadoo ardaydu muujiyeen dadaal, tartan nadiif ah iyo aqoon la mahadiyey. πŸ“šβœ¨

Shalay:
Fasalada Class 4 iyo Class 2 ayaa foodda is daray, waxaana guusha raacday Class 4 oo soo bandhigay karti iyo isku duubni mudan bogaadin. πŸ‘

Maanta:
πŸ”Ή Class 6 iyo Class 1 ayaa tartamay, waxaana si lama filaan ah guusha ku raacday Class 1 oo muujiyey geesinimo iyo kalsooni.
πŸ”Ή Sidoo kale Class 3 iyo Form 2 (F2) ayaa tartan adag yeeshay, ugu dambeyntiina waxaa soo baxay F2 oo soo bandhigay aqoon iyo feejignaan sare. πŸŽ‰

Hambalyo dhammaan fasallada ka qeyb qaatay tartanka, gaar ahaan kuwa soo baxay. Tartamadu waa dhiirrigelin iyo kobcin aqooneed oo sare u qaada tayada waxbarashada.

Fasallada ka soo baxay wareegga koowaad ee tartanka aqooneed ee Dugsiga Warsheikh waxay muujiyeen dadaal, feejignaan iyo isku duubni mudan bogaadin. πŸ‘πŸ“š

Hambalyo fasallada 8aad, 7aad, Class 4, Class 1 iyo F2 oo si sharaf leh uga gudbay wareegga koowaad. Sidoo kale, Form 1 waxa uu ku soo baxay bakhti nasiib, isaga oo aan gelin tartan wareegga koowaad.

Guushiinnu waa mid ka dhalatay diyaar garow iyo kalsooni. Waxaan idiin rajaynaynaa guul wareegyada xiga, insha Allah. ✨

23/02/2026

TARTAN AQOONEEDKA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN Waxaa si habsami leh uga qabsoomay dugsiga tartan aqooneed xiiso badan oo u dhexeeyay fasallada kala duwan, kaas oo muujiyay dadaalka iyo kartida ardaydeenna.

πŸ”Ή Qeybta 1aad:
Waxa isku arkay fasallada 8aad iyo 5aad. Tartan adag kadib, guushu waxay raacday fasalka 8aad oo helay 10 dhibcood, halka fasalka 5aad uu ka helay 8 dhibcood. Fasal walba waxa la weydiiyey 8 su’aalood.

πŸ”Ή Qeybta 2aad:
Waxa tartamay fasalka Form Three iyo fasalka 7aad. Guusha waxaa si sharaf leh u hantay fasalka 7aad oo helay 14 dhibcood, halka Form Three uu ka helay 10 dhibcood.

Hambalyo dhammaan ardayda ka qeyb gashay tartanka, gaar ahaan fasallada 8aad iyo 7aad oo muujiyay dadaal iyo diyaar garow sare. Tartamada noocan ah waxay dhiirrigeliyaan is-barbardhig, wada shaqeyn iyo kobcinta aqoonta ardayda. πŸ‘πŸ“š

21/02/2026

πŸŒ™βœ¨ TARTAN AQOONEEDKA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN βœ¨πŸŒ™
🏫 Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Warsheikh

Maamulka Dugsiga Warsheikh wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa qabsoomidda Tartan Aqooneedkii Bisha Barakaysan ee Ramadaan, tartan lagu kobcinayo garaadka, fahamka diinta iyo aqoonta guud ee ardayda.

πŸ“š Maaddooyinka Tartanka

πŸ”Ή Dugsi Hoose/Dhexe (8 Maaddo):
Tarbiyo, Af-Soomaali, English, Xisaab, Saynis, Cilmiga bulshada, Arabic iyo Taknoolaji

πŸ”Ή Dugsi Sare (8 Maaddo):
Chemistry (Kimistiri), Physics (Fiisikis), Biology (Bayooloji), Mathematics (Xisaab), Af-Soomaali, Geography, English

πŸ“… WAREEGGA KOWAAD

πŸ—“ Isniin – 23/02/2026
⏰ 10:40–11:20 β†’ Fasalka 8aad πŸ†š Fasalka 5aad
⏰ 11:25–12:00 β†’ Fasalka 7aad πŸ†š Form 3

πŸ—“ Talaado – 24/02/2026
⏰ 11:25–12:00 β†’ Fasalka 2aad πŸ†š Fasalka 4aad

πŸ—“ Arbaco – 25/02/2026
⏰ 10:40–11:20 β†’ Fasalka 1aad πŸ†š Fasalka 6aad
⏰ 11:25–12:00 β†’ Fasalka 3aad πŸ†š Form 2

Tartankan wuxuu dhiirrigelinayaa:
βœ”οΈ Fahamka diinta Islaamka
βœ”οΈ Horumarinta aqoonta ardayda
βœ”οΈ Tartanka caafimaadka qaba iyo wadajirka

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda ka qaybgalaysa guul iyo horumar.
Allaha ka dhigo mid kheyr iyo cilmiba u kordhiya ubadka Warsheikh. πŸ€²πŸ“–

Address

Warshiikh

Telephone

+252614281891

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsheik primary and secondary school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Warsheik primary and secondary school:

Shortcuts

Share

Category