07/08/2026
Jimco mubaarak all muslims
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Iskuulka Al-mustaqbal P.&.S School, Education, aaga xaaji gaabow, Wanlaweyn.
07/08/2026
Jimco mubaarak all muslims
( 18 -19 luulyo 2026 )
Maamulka Iskuulka Al-Mustaqbal ayaa ka qayb galay Shirweynaha Isbeddelka Waxbarashada Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa isu keenay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, maamulka dugsiyada, khubaro waxbarasho, iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya horumarinta waxbarashada dalka.
Iskuulka Al-Mustaqbal waxaa shirka ku matalay Mudane Maxamed Xasan Cabdisalaan, oo ka tirsan maamulka iskuulka. Intii uu shirku socday waxaa diiradda lagu saaray tayeynta waxbarashada, horumarinta manhajka, kor u qaadidda tayada macallimiinta, adeegsiga tiknoolajiyadda waxbarashada, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay'adaha waxbarashada.
Ka qaybgalka shirkan wuxuu maamulka Iskuulka Al-Mustaqbal u ahaa fursad lagu kororsado aqoon iyo waayo-aragnimo, isla markaana lagu soo bandhigo aragtiyo ku saabsan horumarinta waxbarashada Soomaaliya.
Ugu dambayn, maamulka Iskuulka Al-Mustaqbal wuxuu uga mahadcelinayaa qabanqaabiyeyaasha shirkan dadaalkooda ku aaddan horumarinta waxbarashada, wuxuuna xaqiijinayaa inuu sii wadi doono ka shaqaynta tayada waxbarashada iyo adeegga bulshada.
27/07/2026
Hambalyo aroos 27/7/2026
Maamulka, Macallimiinta, Ardayda iyo dhammaan Bahda Iskuulka Mustaqbal – Wanlaweyn waxay hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaan Macallin Maxamed Xasan Cabdi iyo marwadiisa Maryan C/qaadir Maxamed munaasabadda qiimaha badan ee arooskooda.
Waxaan Alle (SWT) uga baryeynaa inuu guurkiinna idiinka dhigo mid kheyr, barako, jacayl iyo naxariis ku dhisan, idinkana waafajiyo nolol wanaagsan oo farxad iyo is-afgarad leh.
اللَّهُمَّ بَارِكْ لَهُمَا وَبَارِكْ عَلَيْهِمَا وَاجْمَعْ بَيْنَهُمَا فِي خَيْرٍ
Hambalyo Guur Wacan!
Waxaa Hambalyadan Diraya: Maamulka, Macallimiinta, Ardayda iyo Dhammaan Bahda Iskuulka Mustaqbal – Wanlaweyn.
10/07/2026
07/07/2026
VEDIO
Al-mustaqbal waa dhisaha mustaqbalka jiilka cusub S.D:2025-2026
28/06/2026
Qeybta3aad
Iskuulka Al-mustaqbal P.&.S School
28/06/2026
Qeybta 2aad
Iskuulka Al-mustaqbal P.&.S School
Al-mustaqbal waa dhisaha mustaqbalka jiilka cusub