06/09/2026
Dugsiga H/ dhexe Ee Cumar Ciise Taleex
Ayaa munaasabad dhiirrogelin iyo abaalmarin ah u sameeyey ardaydii ku guulaysatay Top Ten-ka Dugsiga, iyo labadii fasal ee ku guulaystay Tartankii Aqooneedka ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026.
Labada fasal ee ku guulaystay tartanka aqooneed ayaa kala ahaa:
Fasalka 7aad – Group B
Fasalka 3aad – Group B
Munaasabaddan ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu dhiirrogeliyo ardayda dadaalka iyo waxbarashada ku wanaagsan, si ardaydu ugu dadaalaan inay gaaraan heerar waxbarasho oo sare.
Deeq Waxbarasho (Scholarship)
Maamulka Dugsigu wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay inuu deeq waxbarasho oo buuxda (Scholarship) siin doono labada arday ee ugu sarreeya Dugsiga Hoose iyo Dugsiga Dhexe, taas oo qayb ka ah dadaalka dugsigu ugu jiro dhiirrogelinta ardayda kartida iyo dadaalka muujisa.
Maamulka Dugsiga Cumar Ciise wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda kaalmaha sare ka galay Top Ten-ka, fasalladii ku guulaystay tartanka aqooneed, iyo dhammaan macallimiinta iyo waalidiinta qaybta ka qaatay guulaha ardayda.