Dugsiga H/ dhexe Ee Cumar Ciise Taleex

Dugsiga H/ dhexe   Ee  Cumar Ciise Taleex

Share

CUMAR CIISE PRIMARY SCHOOL TALEEX

Photos from Dugsiga H/ dhexe   Ee  Cumar Ciise Taleex's post 11/01/2026

Maanta waxaa guul ku soo dhammaaday imtixaanka Term-ka Koowaad ee sannad dugsiyeedka 2025/2026.

Ardaydu waxay muujiyeen dadaal, dulqaad, iyo mas’uuliyad waxbarasho.

Maamulka iyo macallimiinta iskuulka waxay ku bogaadinayaan ardayda dadaalkooda, iyagoo ku dhiirrigelinaya in imtixaankani noqdo tallaabo u horseeda horumar iyo guulo ka sii waaweyn.

Ilaahay ha u fududeeyo ardayda natiijooyin wanaagsan, hana ka dhigo kuwo cilmigooda ku anfacaya naftooda, waalidkood, iyo ummaddooda.

📚✨ Waxbarashadu waa iftiin, ardayguna waa rajada berri. ✨📚

Photos from Dugsiga H/ dhexe   Ee  Cumar Ciise Taleex's post 28/12/2025

Somaliland Is a Part of Somalia 🇸🇴

Iyadoo loo diyaar-garoobayo Awaamiirta dawlada
WAqooyi bari ee berri ayaa bahda waxbarashada ee taleex sii bilaabeen Abaabulka ka dhan ah
Faragelinta yuhuuddu Ku Kala Qeybinayso Gobollada soomaaliya.

22/11/2025

hambalyo
dugsiga hoose dhexe ee cumar ciise taleex wuxuu si gaara ugu hambalyanayaa ardayda fasalka 7aad oo maamuusay barayaasha dugsiga. maalinta macalimiinta soomaaliyeed

Photos from Dugsiga H/ dhexe   Ee  Cumar Ciise Taleex's post 09/11/2025
Photos from Dugsiga H/ dhexe   Ee  Cumar Ciise Taleex's post 09/11/2025

Ogaysiis muhiima
maadaama ay xaalad abaaro jiraan dugsiga hoose dhexe ee cumar ciise taleex wuxuu ku wargelinayaa reer guuraa soo degay magaalada taleex iyo nawaaxigeeda in ay bilaash u tahay waxbarashadu (free education) .
sidoo kale maamulka iyo macallimiinta dugsigu waxay ku dhawaaqayaan qiima dhimis 50% ah ardayda barbaarinta iyo kawaadada gelinka dambe oo gaadhaya 107 arday ,oo laga dhigay $4 halkii uu ka ahaa $8 ,si looga qaybqaato xaalada qallafsan ee haysta qoysaska nugul
allah ayaa mahadle.

07/11/2025
25/09/2025

Ardayad Saynab Abdullahi Nour Mohamed, oo mar walba soo jeedisa maansooyin hal-abuur leh oo dhiirrigelin iyo xikmad ku dhisan.

Saynab waa tusaale wanaagsan oo muujinaya kartida, hibada iyo dadaalka arday Soomaaliyeed ay leeyihiin. Maansada ay mar kasta ku cabbirto dareenka iyo fikirka bulshada waxay xambaarsan yihiin farriimo qiimo leh oo mudan in lagu dhiirrado.

Waxaan u rajaynaynaa in hal-abuurkaas quruxda badan uu sii kobco, Saynabna ay noqoto gabyaa iyo qoraa taariikhda ku reebta magac wanaagsan.

Photos from Dugsiga H/ dhexe   Ee  Cumar Ciise Taleex's post 24/09/2025

Xaflad Abaal-Marin.🎊🎊

Dugsiga Omar Isse Primary and Intermediate School ayaa maanta qabtay xaflad abaalmarin ah oo loogu talagalay ardayda kaalmaha h**e ka gashay imtixaannada iyo kuwii ku guuleystay tartanka aqooneed ee dugsiga lagu qabto sannad walba.

Xafladda waxaa si weyn uga qayb galay Guddoomiyaha Waxbarashada degmada, guddiga iskuulka iyo waalidiinta ardayda, kuwaas oo muujiyey farxad iyo taageero ku aaddan dadaalka iyo guusha ardayda.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, maamulka dugsigu wuxuu abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey ardayda guuleysatay, iyadoo si gaar ah loo xusay labadii arday ee ugu sarreeyey. Labadan arday ayaa lagu abaalmariyey waxbarasho bilaash ah (free education) sannadka soo socda, taas oo dhiirrigelin u ah ardayda kale ee doonaysa inay gaaraan guulo la mid ah.

Maamulka Dugsiga Omar Isse Primary and Intermediate School ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dhiirrigelinta waxbarashada tayada leh iyo abaalmarinta ardayda dadaalka sameeya.

21/08/2025

Hambalyo iyo Bogaadin 🎉

Maamulka, macallimiinta iyo guud ahaan
Dugsiga Cumar Ciise waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardayda kaalmaha ugu sarreeya ku soo baxay sanad-dugsiyeedka.

Gaar ahaan waxaa si weyn loogu hambalyeynayaa ardayda Maryan Jaamac Aadan Faarax, oo celcelis ahaan ku heshay A-, Waa guul ay u qalanto in lagu xuso, laguna dhiirrigeliyo ardayda kale.

Waxaan leenahay:
"Hambalyo Maryan! Guushaadu waa mid dhiirrigelin u ah dhammaan ardayda kale. Ilaahay ha kuu barakeeyo dadaalkaaga, hana kugu asturo heerar ka sareeya tan."

05/06/2025

Hambalyo
Dugsiga hoose dhexe ee cumar ciise taleex wuxuu hambalyada maalmaha ciidul-adxada lawadaagayaa dhamaan muslimiinta gaar ahaan bahda waxbarashada

07/03/2025

Encouragement

05/03/2025

SSC-GIRLS
1.mumtaas cali saalax X.Cali
2.saynab c/laahi nuur qoofal(abwaan jacbur)
Maamulka dugsigu waa idiin abaal gudin

Want your school to be the top-listed School/college in Taleex?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


SCHOOL
Taleex